Sign in to follow this  
Somalina

Djibouti: Ciidamo ayaan Somalia u diraynaa

Recommended Posts

Somalina   

Wasiirka Arr. Dibedda ee Djibouti ayaa mar kale ku celiyay sida ay Djibouti u doonayso inay ciidamo u dirto dalka Somalia.

 

soldiers_combat_field_military_uniforms_

 

 

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay doonayso inay ciidamo u dirto Somalia. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadaasi aysan noqon doonin kuwa ka qeybgala dagaalka, balse ay noqon doonaan kuwa gacan ka geystay sidii loo tababari lahaa ciidamada dowladdda Somalia.

Wasiirka oo wareysi siiyay VOA kaddib markii uu ka soo noqday shirkii Jaamacadda Carabta iyo Africa ee dalka Liibiya, ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in waddamada Carabtu ay haatan fahmayaan khatarka ka iman karta dalka Somalia haddii aan wax loo qaban, gaar ahaa dhibaatooyinka burcad-badeedda oo saameyn weyn ku yaalan karta waddamada carabta.

Wareysiga wasiirka qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

 

Dhageyso

______________________

Walaalaheena Allah nagama qaado. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxad tirahdin war ciidanka legionka fransisku ilaaliya ha u dirina axmed godane eh ciidanka 25.000 eeh maraykanka eeh xeebta jabuuti jooga eeh somajeestayasha kuwa noo soo dira iyo kuwa fransiiska ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^ Timur,Waryaa isku xisho, No personal attack

 

Great development, butThey have been saying , We gonna send troops for ages?

 

With brute force, Alshabaab/Hisbul-Islam can be pacified within weeks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D @ 1st 2 responses.

--------

 

Wasiirka Arimaha dibada Jabuuti: waxaa la gaaray xiligii aan Somaliya tagi laheyn.

Jabuuti: (Sh. M. Network) Wasaarada arimaha dibada ee Jabuuti ayaa mar kale shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii dowladda Jabuuti ciidamadeeda ay u soo diri laheyd gudaha wadanka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada howlgalada ka wada Muqdisho.

 

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jabuuti ee xarunta wadankaasi Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arimaha dibada ee Jabuuti ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan la gaaray waqtigii ciidamada ka socda Jabuuti ay u diri lahaayeen gudaha wadanka Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada midowga Afrika iyo dowladda KMG Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay wasiirku in talaabadaani oo ay horay u balan qaadeen ay haatan ka dhabeynayaan maadaama sida uu sheegay codsi arinkaasi ku aadan ay u soo jeedisay dowladda KMG Soomaaliya.

 

Maxamuud Cali Yuusuf Waxaa uu intaasi ku daray in Jabuuti ay qeyb ka tahay wadamada xalka u raadinaya shacabka Soomaaliyeed ee mudada dagaalada ku jiray, waxaana uu sidaasi darteed tilmaamay inay ka qeyb qaadanayaan wax kasta oo nabad loogu soo celin karo Soomaaliya.

 

Dowladda Jabuuti ma aysan cadeyn xiliga ciidamadaasi ay u soo direyso Soomaaliya hase ahaatee Wasiirka arimaha dibada ee Jabuuti ayaa sheegay in marka hore Maalmaha soo aadan Muqdisho ay soo gaari doonaan qubaro dhinaca militariga ah oo ka socda Jabuuti kadibna ay ciidankaasi ku soo xigi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jabuuti oo tababar u soo xirtay Saraakiil Soomaaliya

2010/11/26, 06:23 am

 

10 saraakiil ciidanka Soomaaliya ayaa tababar ugusoo dhamaaday akaademiga milatariga ee dalka Jabuuti.

Saraakiishan ayaa ah kuwo tababarkan ku qaadanayey akaademiga milateriga ee gobalka Carta ee jamhuuriyada Jabuuti tan iyo lix iyo labaatanki bishii oktoobar ee sanadkan.

 

Xafladda xiritaanka ee tababarka saraakiisha ciidanka Soomaaliya oo ka dhacday isla xaruunta akaademiga milateri ee Carta waxa ka qeybgalay taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee Jabuuti Janaraal Fatxi Axmed Xusseen, taliyaha difaaca qaranka Janaraal Sakariye Sheekh Ibraahiim, madaxa amniga qaranka Jabuuti Xassan Saciid Khayre, siihayaha safaarada Soomaaliya ee Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada jamhuuriyada Jabuuti

Dhamaan 10ka sarkaal ee ciidanka Soomaaliya ayaa loogu tolay darajada laba xidigle waxaana la guddoonsiyey shahaadoyin ay ku qaadteen tababarkaasi.

 

Taliyaha difaaca ciidanka dalka Jabuuti janaraal Sakariye Sheekh Ibraahim oo ka Khudbadeeyey xafladda ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidanka Soomaaliya inay si wanaagsan ugu adeegaan qaranka soomaaliya.

 

Tobabarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaanta la filayo in Jabuuti tababar kale uga furmo illa shan boqol oo ka mid ah booliska soomaaliya.

 

Source: Bar-kulan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this