Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu :Courts and Warlords batte for second day.+ Bomb explosion Many dead ..

Recommended Posts

Cududii Maleeshiyada Midowga Maxkamadaha oo isugu tagay Xaafada Siisii (Warar dheraad ah)

Last Updated::2006-05-08 15:18:17

 

Muqdisho:- Waxaa weli socda dagaalka u dhaxeeya maleeshiyooyinka ku sugan Xaafada Siisii iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga.

 

Gawaarida Tiknikada loo yaqaan ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta si xoogleh usoo buuxiyey goobta uu dagaalka ka socdo.

 

Inkastoo ay sidoo kale garabka maleeshiyooyinka siisii ay taageero ka helaan maleeshiyada Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada, ayaa waxaa hadana muuqata in Midowga Maxkamadaha ay halkaasi geeyeen ciidamada ugu tirada badan.

 

Maxkamadaha ayaa xooga saaraya in ay gacanta ku dhigaan guriga uu degan yahay Nuur Dakhli oo ah ninka ay ka amar qaataan maleeshiyada ku sugan xaafada Siisii ee shalay rasaasta ku furay gaari uu leeyahay Shariif Ahmed oo ah guddomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho.

 

Dagaalka Maanta ka dhacay Xaafada Siisii ayaa la sheegay in ay bilaabeen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo hada la sheegay in ay qorsheenayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta xaafada ka tirsan degmada Yaaqshiid.

 

Nuur Dakhli oo asagu horey uga mid ahaan jiray Maxkamadaha ayaa in dhawaale kasoo horjeeday Guddoomiyaha Maxkamadaha Shariif Ahmed, ayadoona la sheegay in maleeshiyooyinkiisa ay hada difaac uga jiraan gurigiisa ku yaal isla xaafadaas.

 

Dagaalka ayaa maanta xoogeystay kadib markii ay burbureen wadahadalo ay isku dayeen in ay wax ku xaliyaan qaar kamid ah Cuqaasha iyo nabadoona deegaankaasi.

 

Maxkamada Islaamiga ayaa ayagu xalay horey usii sheegay in ay maanta dagaalka geli doonaan hadii Isbaheysiga La dagaalanka argagaxisada uu ka bixi waayo Xaafada siisii islamarkaana joojin waayo taageerada uu u fidinayo Mr.Nuur Daqle oo asagu fariisin ku leh deegaankaas.

 

Khasaaraha maanta dagaalkan ka yimid ayaan la aqoon ayadoo Isbitaalka Keysaney maanta la geeyey ugu yaraan 9 qofood oo dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta labada dhinac isla beegsanayaan.

 

Waxaa sidoo kale jira madaafiic badan oo ku dhacay qaar kamid ah Xaafadaha ayadoo aan la aqoon in ay dad wax ku noqdeen xabadaha habowga ah ee ka dhacaya degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay dagaal shalay ilaa xalay ka socday Muqdisho

 

Dagaal ba'an oo leysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa maalintii 2aad ka soconaya xaafada Sii Sii ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan oo shalay ku koobnaa maliishiyooyin kala taageersan labada isbaheysi ee dhowaanahan ku dagaalamayey Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay maanta dagaalka si toos ah u galeen Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo dhinac ah iyo Isbaheysiga Hogaamiye-kooxeedyo uu madax u yahay Maxamed Qanyare oo dhanka kale ah.

 

Gawaarida dagaalka oo aad u fara badan ayaa la sheegayaa in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka, iyadoo ay ti toos ah dagaalka u galeen dhamaan labada isbaheysi ee iska soo horjeeda.

 

Dagaalkii shalay dhacay ayaa lagu waramay in ay ku naf waayeen ugu yaraan 13 ruux oo u badnaa shacab, waxaana uu dhaawac soo gaaray tiro kale oo fara badan.

 

Mohamud Yusuf Garre

Aayaha.com

Editor@aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax weyn oo dad ku dhinteen oo xalay ka dhacay Muqdisho

Posted to the Web May 08, 08:58

 

 

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay 3 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii xalay qarax bambaano oo aad u weyn uu ka dhacay agagaarka Tabeelaha Jaceylka gaar ahaan Xaafadda Shibis ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo geystay qasaare aad u weyn ayaa warar kala duwan waxay sheegayan in qaraxu ka dhashay kadib markii mid ka mid ah Maleeshiyada daacada u ah C/qaadir Beebe bambaano u dhiibeen gabar goobtaas shaah ku iibinaysay. Gabadhii ayaa bamkii iska saartay miiska kadibna isaga tagtay goobtaas wax yar kadibna waxaa qarxay bamkii, waxaana halkaas ku naf waayay 3 ruux, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna la dhigay Isbitaalka Xamar ee Xaafadda Shaaqshiid.

 

Dhawaaqa qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha, Yaaqshiid, Boondheere, Siinay iyo Wardhiigley.

 

Ilaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxan ma jirto balse dadweynaha ayaa ilaa iyo hadda is weydiinayaan waxyaabaha salka ku hayo qaraxan oo yimid xilli degaanka SIISI uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Taageerayaasha Isbaheysiga Hogaamiye-kooxeedyo dhowr ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^^Do you really enjoy reading this?

 

 

People know how to navigate and search for local (Somali) news just like you do. No need to post news here from another website…it just doesn’t make sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaylaani I don't like searching for news I come to somaliaonline to get my news from Gerneral Duke dude really helps out. So leave him alone.

 

Nobody enjoys reading such Negative news from the nation's capital but it's facts that are occuring at the moment.IT must be read!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaylani, your response highlights how much you care. You did not respond to the news, a major incident between two oppoisng groups in the former capital. There was a major bomb blast as well last night in a Cafe. Reports highlihgt that civilians are being killed and maimed. The elders and local leaders attempts to mediate have been refused by the warlords.

 

This is a major Somali portel and this type of news, while tragic is important to report on.

 

It as way to document things from diferent perspectives..

The question here is why are they fighting? politics, power and greed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha islaamiga oo la wareegay gacan ku heynta Hoyga Taliyihii hogaaminayay Maleeshiyooyinka Isbahaysiga

 

May 08, 2006 Markacadeey.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ciidanka Maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir ayaa la wareegay gacan ku haynta hoyga Nuur Daqle oo ah ninka hogaaminaya maleeshiyooyinka ka soo hor jeeda ciidanka maxaakimta islaamiga, ayadoo dagaalkaasina uu weli si goos goos ah uga socda deegaankaasi.

 

Taliye ku xigeenka maxkamada Siisii oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen guriga Nuur Daqle , isla markaana ay ka gubeen isbahaysiga gaari uu ku rakiban yahay qori baroon ah, isaga oo qirtay in dagaalkaasi uu weli ka socda xaafadaha isku raranka ee ka tirsan deegaanka Siisii.

 

Dhinaca isbahaysiga mar aanu la xiriirnay wey inoo suurta geli waysay in aanu helno, ayadoo raga hogaaminaya dagaalkaasi oo uu ku jiro Nuur Daqle ay taleefanada dansadeen.

 

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u qaraar welina ka socda deegaankaasi ayaa sababay dhimashada 12 qof iyo dhaawac soo gaaray 25 kale, taasoo guud ahaan tirada wax ku noqotay dagaalada ka soconayay shalay iyo maanta ka dhigaysa dhimashada 25 qof iyo dhaawaca ku dhawaad 60 qof, ayadoo suura gal ay tahay in tirada intaasi kor u dhaafto, maadaama dagaalkaasi uu weli u dhaxeeyo labada dhinac.

 

Cusbitalka Keysaney waxaa maanta la geeyay 9 qof oo dhaawac ah oo mid kamid ah uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, taasoo ka dhigaysa tirada shalay iyo maanta la geeyay cusbitaalkaasi 30 qof oo u badan dad rayid ah, cusbitalka Madiina waxaa la geeyay 6 qof oo ay ku jirto Mumtaaz Maxamed Cabdi oo sanad jir ah, taasi oo ka dhigaysa guud ahaan tirada shalay iyo maanta la geeyay 12 qof, cusbitaalka Xayaat waxaa la dhigay 5 qof iyo dadka kale oo la geeyay cusbitaalo ay kamid yihiin Shifo, Alxikma iyo xarumo kale.

 

Dagaalkan waxaa bar bar socda waan waan ay wadaan siyaasiyiin iyo waxgarad reer Muqdisho, inkastoo dadaaladaasi aysan ku guulaysan joojinta dagaalka ka socda deegaanka Siisii.

 

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo majmaca culamada ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya si shuruud la’aan ah in ay ku joojiyaan dagaalka, isla markaana ay u naxaan shacabka rayidka ah ee ku dhamaanaya dagaalkaasi.

 

 

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii ka socday Muqdisho oo la isku habeensaday

 

Mogadishu 08 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaalkii ka socday deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho ayaa la isku habeensaday, iyadoo dagaalkaasi uu sii xoogeeystay galabta , ka dib markii ay ku bireen gawaari dagaal oo aad u fara badan oo gurmad ahaan ugu yimid labada dhinac ee dirirayay,waxaana sawaxanka rasaasta si daran looga maqlayay degmooyinka ku dhow dhow degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, dagaalkuna uu wali yahay mid aan la isla dhaafin halkii uu shalay ka Bilwoday.

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga Maxkamadaha iyo isbaheysiga La dagaalanka argagixisada ayaa saakay barqanimadii dib uga qarxay deegaanka Siisii, ka dib markii ay soconweysay waan waan ay wadeen odayaal nabadoono ah, inkastoo wali ay jirto dadaalo nabadeed oo soconaya.

 

Iska horimaadkaan oo saakay mar kale dib uga qarxay deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo madaafiic habow ah ay ku dhaceyso xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, madaafiicdaasi oo 3 ka mid ah aty haleeleen xaafado ku kala yaala Arjantiin, Siisii iyo agagaarka Hotel Lafweyn, taasoo wax yeelo ka soo gaartay dad u badan haween iyo caruur u badan.

 

Qasaaraha dagaalkii maanta dhacay uu geeystay ayaan si rasmi ah loo sheegi karin tirada dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Madaafiic iyo rasaas habow ah oo ku soo dhacday isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ay dad badan ku dishay,waxaana la arkayay meydad halkaasi yaala.

 

Xiriiro Shabakada warbaahinta Shabelle ay la sameysay isbitaalada Madiina iyo Keysaney ayaa Cali Bile oo ka mid ah saraakiisha Isbitalka keysaney waxa uu Shabelle u sheegay in la geeyay 25 ruux oo ku soo dhaawacantay dagaalkii maanta, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo rasaas ay kula dhacday guryahooda, halka Isbitalka Madiina na la geeyay 13 ruux oo oo dhaawac ah sida uu sheegay agaasimaha isbitalkaasi Sheekh Doon Salaad Cilmi.

 

50 meeyo qoysas ah oo daganaa xaafadda Siisii iyo nawaaxigeeda ayaa ku barakacay dagaaladii shalay iyo maanta dhacay halkaasi oo si aan kala go' laheyn rasaas la isugu riday. iyadoo dadweyne aad u fara badan oo gacmaha ku sita caruur lagu arkayay wadooyinka qaar ee Muqdisho, Kuwaasi oo raadsanaya meel nabdoon.

 

Waxaa gabi ahaan istaagay isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jirey wadada isku xirta Sanca iyo Ramadaan, ka dib markii halkaasi ay noqotey meel dagaal xoogan uu ka socday,

 

Dagaalkaan oo socda maalintii labaad lagana cabsi qabo in uu ku fido deegaano kale ayaa iska horimaadkii shalay dhex maray labada dhinac waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux halka tiro 30 meeyo ahna ay dhaawacmeen.

 

Labada dhinaca ayaa miba midka kale ku eedeeyay in dagaalka uu ku soo qaaday, iyadoo aysan jirin warar ka madax banaan eedeynta labada dhinac.

 

Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo uu ka mid yahay Mekail Rashiid Barre iyo Muqtaar Maxamed Hiraabe ayaa ku sugan goobta dagaalka, kuwaasi oo sit oos u soo tabinaya dagaalka iyo waxyeeladiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ LOL. It seems your the second secesionist to suggest that. I understand that personell attacks is a tool for some. I do find those types of comments more offensive than ones directe at me or my clan. That I or any other Somali can find joy at the tragic deaths of our people and the destruction of our country.

 

No one here is closer to me than the people of Mogadishu. Large numbers of my family still reside in that city.

 

My hatred for the warklords is also not in doubt, it is them that are raining mortars inside the city, it is they who oppose any return to peace. They have no mercy or guilt.

Look at this pic [blame shabbele]

siisii1.jpg

 

 

But Jaylani and the secesionist would like to attack me for what?Reporting it as it is...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

No need to justify your actions. Your motives are very clear.

 

BTW, I speak for my self. I don’t represent other individuals here in SOL. Generalizations isn’t necessary.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I am trying to enlighten you. As for my motives you can only begin to imagine... Let me be clear Mr Jaylani, you might see yourself as a foreigner to Mogadishu, but to me it is my city and anything that impacts it impacts me...

 

Pardon but I kid you not, No generalisation here, you are a secesionist no? And as one you are part of group of ideologues, who think the same and even make similar snide comments as you have done now...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^^I disagree. I don't think you're closer to Xamar than anyone else including my self nor does your heart bleed more.

 

 

I think you're very fascinated with the deaths and the destructions these people are facing everyday.

 

I think you're posting these kind of negative news for one reason only. Not because you care Mogadishu more than others but to glorify TFG and Cabdilahi Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Firts lets not beat around the bush, you are a secesionist. Believer in a clan nation and not a nation made up of multi clans..

 

Now lets take your comment I am not closer to Mogadishu than you..

 

How so? you belive in dividing the Somali people.

You dont belive in the flag and detest the 1 July independence day, all things most Somali's hold dear. You see the [reer Konfur] as them, as those who caused much suffering to [your] people. I on the other hand deeply belive in the opposite I am a unionist a Somaliweyn enthusiast and as such am more than closer to you to one of the very symbols of Somalia[Mogadishu]. Ibelive Mogadishu will be as it was the capital of the Somali people no matter were they come from.

 

Now lets look at the other important factor, the clan. I am related by blood to the clans of South Mogadishu, and also to the clan in Dayniile. I have more contacts in Mogadishu than any where else in Somalia including Puntland...

Have you such relations Mr Jaylani?

 

Its funny how secesionist like to try and divide clans and people who hold common belifes while they who want to sell the nation and who make up myths try to take the moral high ground.

 

Mr Jaylani if not anyone else, I am closer to Mogadishu than you ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Don’t change the topic son. This isn’t about secessionist and what not. It’s about you and your obsession of posting one particular news 20 different times for your ill hidden agenda.

 

You’re telling me to blame on Shabelle in posting horrifying images yet you’re here to repost the same article multiple times. Whuz up with that Mr. Somaliweyn?

 

The people in Mogadishu are getting ready to celebrate the independence of Somaliland. You on the other hand must employ militia to visit Xamar, now who is closer?

 

Waryaa dadka beenta ka daa ..waa lagaa horeeyaa waana lagaa dambeeyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this