Sign in to follow this  
Taako Man

Maxamed Dheere gives his weapons to the TFG

Recommended Posts

Jowhar: Maxamed Dheere oo hubkiisa ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Sabti, January 20, 2007

 

 

 

Jowhar(AllPuntland)- Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa maanta hubkiisa ku wareejiyay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Dheere ayaa 23 tikniko oo isugu jira hubka waaweeyn iyo kuwa yar yar waxaa uu ku wareejiyay dowladda iyadoo xaflad maanta ka dhacday degmada Jowhar ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin ka socotay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya waxaana wafdigaasi ka mid ahaa Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali jeelle iyo xubno kale.

 

Maxamed Dheere ayaa sheegay in si rasmi ah uu hubkiisa ugu wareejiyay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya wuxuuna intaa raaciyay in hubka uu wareejiyay uu si rasmi ah u shaqeynayo isla markaana dowladda ay ku howlgeli karto, isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in wixii hub haaya lagu wareejiyo dowladda si hubka uu u noqdo mid hal gacan uu u galo.

 

Arintan ayaa waxaa soo dhoweyay xubnihii dowladda ee ka qeybgalay xafladda hub wareejinta iyadoo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo halkaasi ka hadlay uu sheegay in si rasmi ah uu u bilowday hub ka dhigista qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

waxaa horay hubkooda u wareejiyay Qabqablayaasha dagaalka ee ku jira dowladda KMG ah waxaana ka mid ah hoggaamiyeyaasha hubkooda ku wareejiyay dowladda Muuse Suudi Yalaxow, maxamed Qanyare Afrax, Xuseen Caydiiid iyo Cumar Filish.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Dheere oo hubkiisa ku wareejiyay dowladda Somalia

 

Jowhar 20, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa maanta hubkiisii iyo maleeshiyadiisa ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo xafladdaasi munaasabad loo sameeyay ay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/hoose.

 

Xafladdaan oo ay goobjoog ka ahaayeen gudoomiyaha gudiga hub wareejinta Somalia, Afhayeenka dowladda Somalia, Abaanduulaha ciidamada dowladda iyo xubno kale ayaa Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxa uu wareejiyay ilaa 23 baabuur oo ay ku jiraan 9 baabuur oo qoryaha lidka diyaaradaha ah.

 

Max'ed Dheere ayaa waxa uu ka sheegay xafladdaasi in uu ku wareejiyay dowladda Somalia ilaa 250 askari oo tababaran iyo 23 baabuur oo kuwa dagaalka ah.

 

Max'ed Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu ka reebtay labo baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo 31 ciidamo ah si ay u sugaan amaanka gobolka.

 

Dowladda Somalia ayaa waxa ay horey ugala wareegtay hubkii iyo maleeshiyadii ay lahaayeen hogaamiyeyaasha Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere oo hubkiisa goor dhow ku wareejinaya dowlada federaalka

 

January 20, 2007 Markacadeey

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer), gudoomiyihii maamulka Shabeelaha dhexe ayaa goor dhow hubkiisa ku wareejinaya dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed.

 

Guddigii loo xilsaaray in ay hubka ku jira gacanta dadweynaha iyo hogaamiyeyaasha ku wareejiyaan dowlada federaalka ayaa ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, Maxamed Dheerena fariisin u ah.

 

Sidoo kale, Hubkan Maxamed Dheere uu maanta wareejinayo waxaa iyana laga bar bar wareejin doonaa hub ay leeyihiin C/Qaadir Beebe oo horjoogayaasha maleeshiyaadka Muqdisho ka mid ahaa iyo Nuur Xasan Cali Nuur Daqli oo ahaa ninkii Maxaakiimta Mudo bil ku dhan ay ku dagaalamayeen deegaanka Sii sii ee magaalada Muqdisho.

 

Horey waxaa hubkooda u wareejiyay Muuse Suudi Yalaxoow, Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen Ceydiid iyo Cumar Filish oo dowlada federaalka ku wareejiyay gaadiid dagaal gaaraya ilaa iyo 160 gaadiid dagaal iyo maleeshiyooyin.

 

 

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

JOWHAR: Maxamed Dheere oo hubkiisii maanta ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Posted to the Web Jan 20, 17:02

 

 

Jowhar (PP) - Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa maanta hubkiisii ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana xafladda lagu wareejiyay hubkaan ay ka dhacday maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Maxamed Dheere oo ah guddoomiyaha KMG-ka ah ee Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in hubkiisa uu ku wareejiyay dowladda iyadoo hub wareejinta goobta ay ka dhacday ay ku sugnaayeen Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga hub ururinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

"Waxaan caddeynayaa in Soomaaliya aysan u baahnayn maanta wixii ka dambeeyay wax hoggaamiye dagaal ah ama cid aan dowladda ahayn oo hub haysata, waxaana halkaan ku arkaysaa inaan hubkeyga wareejinayo maanta, anigoo qiraya inaan doonayo inaan dowladda la shaqeeyo" ayuu yiri Maxamed dheere oo hadalladiisa ay ka muuqatay sida uu ugu faraxsan yahay inuu hubka ku wareejioy dowladda.

 

Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee hubkooda ku wareejiyay dowladda ayuu ka dhigayaa Maxamed Dheere hoggaamiyihii shanaad, waxaana tani ay shacabka u caddeysay in hoggaamiyeyaashu aysan doonayn inay dib ugu laabtaan howlahoodii ahaa inay isbaarooyin dhigtaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mahamed dheere gives

 

23 tekniko

250 militia

 

The government has gained in the last week well over 100 tekniko, 1000's of guns and well over 1000 militia. Mashallah. This is a sign of change and lasting peace inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Progress in one week includes disarming Maxamed Dheere, Qanyare, Yalaxoow, Aideed jr, Finish and inshallah more.

 

Maxamed Cumar Xabeeb "Waxaan dowladda ku wareejiyay 23 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maliishiyooyinkoodii,kuwa wali hubka heystana waxaan ugu baaqayaa in sameeyaan sidan oo kale"

 

Hoggaamiye kooxeedka maxamed Cuamr Xabeed oo loo yaqanno Maxamed Dheere ayaa galabta hubkiisii iyo maliishiyooyinba ku warejiyay xukuummadda federalka dalka Soomaliya,waxaana talaabadani ay qeyb ka tahay barnaamijka hub ka dhigista oo dalka oo dhan laga fulinayo

 

Hoggaamiye kooxeedka maxamed Cuamr Xabeed oo loo yaqanno Maxamed Dheere ayaa galabta hubkiisii iyo maliishiyooyinba ku warejiyay xukuummadda federalka dalka Soomaliya,waxaana talaabadani ay qeyb ka tahay barnaamijka hub ka dhigista oo dalka oo dhan laga fulinayo.

 

Munaasabadda hub wareejinta ayaa ka dhacday xarunta maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe,waxaana ka qeyb galay masuuliyiin farabadan oo ka kala socday dowaldda Soomaaliya iyo maamulka Siyaasadda ee gobalka Shabeelaha Dhexe oo horay xarun ku meelgara ugu ahaanjiray dowaldda Federalka Soomaaliya.

 

Waxaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay 23 gaadiidka dagaalka ah iyo maliishiyooyin ,waxaana kuwa wali hubka sii heysta ugu baqayaa in ay soo raacaan wadada ay hogaamiye yaashu jeexeen"ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga Siyaasadda ee gobalka Shabeelaha Dhexe Mr Dheere.

 

Gaadiidka uu maanta wareejiyay Maxamed Dheere aya kala ahaa :9 gaari oo ay saaranyihiin qoryaha kala ah Zuu iyo 37,13 ah landcruisers oo ay saaranyihiin dhashhike yaal seekaaweyaal iyo madaafiic,waxaana kaloo jiray hal madaafiicda waaweyn ee la jhiido ah.

 

wasiir k xigeenka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle iyo abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa munaasabadda hub wareejinta ka hadlay waxaana ay siaad ah ugu mahadceliyeen maxamed Cumar Xabeeb iyo dhamaanba hoggaamiye yaashiikale ee hubka ku wareejiyay xukuummadda Soomaaliya,iyagoo shacabka Soomaliyeed oo dhanna ugu baqay in ay u hoggaansamaan nidaamka hub ka dhigista.

 

Xafiiska warqabadka Shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed dheere oo hubkiisa lagu wado inuu maanta ku wareejiyo Dawlada

 

Waxaa ka socota Magaalada Jowhar qaban qaabo balaaran oo loogu jiro hub wareejin lagu wado inay halkaas ka dhacdo kadib markii Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere oo aqbalay amar ka soo baxay Dawlada Somalia oo ku saabsanaa in hubkiisa uu ku wareejiyo Dawlada Somalia maadaama dawladu ku dhawaaqday Hubkadhigis lagu samaynayo dhamaan qabqablayaashii hubaysnaa iyo waliba ganacsatada Somaliyeed,

 

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada jowhar wafti wasiiro iyo isugu jira Saraakiisha ciidanka qalabka sida si ay hubkaas ula soo wareegaan,

 

Wariye madax banaan oo ay shabakada allmudug xiriir la samaysay ayaa u xaqiijiyay in dhamaan hubkii uu lahaa Maamulkii hore ee Jowhar oo Maxamed dheere madaxda u ahaa hada laysugu geeyay xarunta Maamulka Jawhar si halkaas ay ugala wareegaan wufuuda dawladu usoo dirtay Degmada.

 

 

Hadaba haka dheeraan allmudug wixii soo kordha

 

 

seeraar

qalay2005@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^If that is the case, why the price of weapons in Barkaaraha market is so high? Perhaps that is a clear sign of what to come next few weeks...The eviction of the Ethiopian and their puppet government?

 

War Jiraaba Cakaaruhu Imaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dhubad, I believe this disarming, along with the others, is beneficial to the state of safety and security of that region. I welcome any such development.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^ Well, it was bad when the ICU was doing but not when XABASHI iyo Qurunka ay wadato is doing?

 

You guys surprise me walaahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this