Sign in to follow this  
Sophist

Gabay

Recommended Posts

Sophist   

Salaama Calaykum WR/WB

 

1. Sa,da Gabay Siciiddow Haddaan Siinka ka higaadsho

2. Oo Sugaantu waa badantihee aan ku solansiiyo

3. Sarbeebtuna ma fiicnee Haddaan hadalka kuu saafo

4. Gabyaa soo socdaa tahay Dadkuna waa kusugayaa e

5. Sinjigeedii baadleedihiyo ama Sansaankiiye

6. Ma saanqaado maansadu haddaan seeska loodhigne

7. ILa soco Tixdaan soo sidaa Sahamis weeyaan

 

 

 

 

 

8. Dalkeenii kuwaa Sahayday oo loogu Saangalye

9. Siqiir iyo Haween kama naxaan Sebi ma dhaafaane

10. Siyasada qarsoon bay intaa sogordohaayaane

11. Suntay qooshayeen bay inabadan sibiq u siiyeene

12. dhaaxay sidaa nagu wadeen oo na sirayeene

13. kuwa kula socdoo kaasocdoo saas ah baa jira e

14. Sirtaadaba ragbaa faafiyoon saxarba reebayne

15. Xadhigaad samaysaba kuwaa soohdintii fura e

16. Sama kama tashaan oo xumaha kama sariigtaane

17. Suldad adag hadii ay helaan Saanad iyo xoogba

18. Siday doonayaan oo qudhuun bay kusocod siine

19. Sidii uu gumaysigu rabey sahal u raaceene

20. Mar haddaan sidaa nahay kufrigu waa siduu rabey

21. Allow Sahal Amuuraha Adaan Saaka kuu caban e

 

 

 

 

 

22. Afartaa sidii seesla dhigay maysku wada seemay

23. Sa,dii aan ka qaadiyo miyaan siinka ka habowshey

24. Masargooyey maansada ragbaan sow sow garanayne

 

 

 

25. Soomaalideenaan arkaa say u socotaaye

26. Inkastay Sabaan adag martoo silicday oo hoogtey

27. Saf saf laysu laayiyo dagaal Seef u wada qaaday

28. Oo xumaha wada saad satoo maanka laga siibey

29. Markay nabadu seerowdey oo laysu socon waayey

30. Sacabada markay dhigatay oo wada sabaalow dey

31. Oo ay Siqiir iyi kabiir Sahay la,aan dhooftay

32. Suleekhooyinkeenii qaxbay Silic la,aadeene

33. Sangadhuudhigaa naga dhergey iyo Saancadaaleba e

34. Oo wada Sarkaal miidhan iyo Suxufi qaarsheegtey

35. Tobanaan Sanoo tegey makrii ay is wada seegtay

36. In Amxaarka loosacabtumoo loona kalasiibto

37. Oo Soohdima kuu cayimo oo ku kala sooco

38. Sawaaxili inaad raad sataa waa Sikhiifnimo

39. Sidii uu gumaysigu rabey sahal u uraaceene

40. Mar haddaan sidaa nahay kufrigu waa siduu rabey

41. Allow Sahal Amuuraha Adaan Saaka kuu caban e

 

 

 

42. Afartaa sidii seesla dhigay maysku wada seemay

43. Sa,dii aan ka qaadiyo miyaan siinka ka habowshey

44. Masargooyey maansada ragbaan sow sow garanayne

 

 

 

45. Waxba Hadalku yuu ila Sibqane waxaan Kusoo seesay

46. Kolhadaan xaqsoor Saafiyoo simani la keenaynin

47. Oo Qoloba Subaxday Rabaan Soconay yeedhayso

48. Oo aan Sifihi dawoladnimo Sahankii ii muuqan

49. Oo magaca Soomaaliyeed layslasixi waayey

50. Sunnadiyo Qur,aankiyo hadaan Diinta lagu seesin

51. Hayeeshee Siduu dhaamilaa Saawa saawuhu

52. Saadaal Wanaagsani mahadhin Suruqdi mooyaane

53. Allihii Samada Uumay oo Saatiraan sugi e

 

Faysal Max’ed Cabdalle (Gar,ansaxa)

 

Holland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Gabaygan Waa saban wuxuu soo baxay Bishii May 28,1994tii, waana mid sifeynaya Aduunkan waxa ka jira Gaar ahaan Soomaalida Siyaasad ahaan sida ay marinkii ay u seegtay, Gabaygu wuxuu leeyahay sidatan :

 

Waa Saban

 

Waa saban sokeeyuhu markeer suuqya kuu tumane

Waa saban siyaasadi wax tarin sumucu qiiqaaye

Waa saban sariigtii habluhu kaba sawaaleyne

Waa Saban Alle ha noo sahlee saancad uu kacaye

 

Waa saban saqiir iyo kabiir maare uu sido e

Waa saban midkaad saxar ka tiri seeda kaa jariye

Waa saban soomaalidu noqdeen sun iyo waabeeye

Waa saban an soonkiyo salaad lagu sifoobeyne

Waa saban sunada kii fushaa laga santaagaaye

Waa saban suxuur loo kacayn soonki oo galaye

Waa saban ninkii soof lahaa sadaqa dhiibeyne

Waa saban simaadhii Janaad suusna loo bixine

 

Waa saban sabiyo Aabihii kala socdaaleene

Waa saban sarqaankii kacaa saarka loo tumiye

Waa saban an sooryada la siin seedi kuu yimide

Waa saban kufriga saacid kiis loo suguud dhigane

Waa saban salaafxumi nafluhu kaba siqooneyne

 

Waa saban sargaal talinayoo silic ka joogaaye

waa saban hadaad sama fashaa lagu salaamayne

waa saban sir iyo beentu tahay hadal sixiixeede

waa saban saruurada gabdheed saasba loo dayine

Waa saban siraanyada coleed saabka loo suraye

 

Waa saban sifaad kiisa aad saarin ebidkaaye

Waa saban Daruuraha salliban seymo kuu curane

Waa saban saqdii loo kacaa saro colaadeede

Waa saban saqiir iyo sirqaba seeftu ay mariye

 

Waa saban saaxiib nimadu tahay sayma lagu reebe

Waa saban midkaad saakushaa saahid kuu noqone

Waa saban qabiil lagu saliday saaca maanta ahe

Waa saban sakaal lagu ridoo suufi uu taline

 

Waa saban sawaadkii habeen seexad aad ladine

Waa saban sareedadi ilaah loo saldhigi hayne

Waa saban waxaa webi sussumi sarac la beerayne

Waa saban mid magaciis saxayn uu suldaan noqone

 

Waa saban siniyo saariqnimo lagu sareeyaaye

Waa saban sidii saxal nujuum sibiq ku dhaafaaye

Waa saban safkaan kacay haddeer saaqid uu yahaye

Waa saban an saxan saxo udgoon , lala sumbaaxoone

Waa saban si loodayo nafluhu seegay marin kiiye

Waa saban sifaalaha aduun lala sureeraaye

 

Afartaas intaan sada ka dayay sadar ma qaadsiiyay

Sarmaseegto hadalaan lahayn maysu wada soocay

Sowd kalana siyaasadan sirgaxan balaan ku saameeyo

 

Siyaasadi ma aha inuu sargaal sama ka weecdaaye

Siyaasadi ma aha inaan qabiil saacidnaa Ebide

Siyaasadi ma aha inuu sar-teen sumucu leefaaye

Siyaasadi ma aha calan surnaa siibay oo nacaye

Siyaasadi ma aha inaan sabool saabir noqonaaye

Siyaasadi ma aha silic u dila kii sokeeya ahe

Siyaasadi ma aha soofka dhaca qaalma saransoore

Siyaasadi ma aha sibir kharaar sun iyo waabeeye

 

Mana aha Soomaalida inaan , silc dilyeeynaaye

Mana aha inaan soorka daro saafidii Dumare

Mana aha saqiir keen inay gaajo solotaaye

Mana aha santaag iyo anaa kaa sareyn Ebide

Mana aha sadkaad cuni lahayd soorti waa gabiye

Mana aha anaa seeda jari sidigta Maandeeqe

Mana aha sariigtiyo ka taga samafal Ruuxeede

Mana aha surkaan jari ninkii aan i saacidine

Mana aha salaaf xumo inii lagu sifoobaaye

Subbeeh-nimo ma fiicnee ragaw saxa kalaan kiina

Ama silic Soomaalaay ku jira saadanbaad garane.

 

By C/rashiid Axmed Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this