Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ALI MAHDI TO CHAIR THE RECON. MEETING

Recommended Posts

Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay magacaabay guddiga hormuudka u noqon doona guddiga dib u heshiisiinta qaran.

 

Iyadoo muddo yar ay ka harsan tahay xilligii lagu balamay shirweynaha qaran ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu sheegay in uu ku qabsoomayo magaalada Muqdisho 16 ka Aprill ee sanadkaan ayaa xalay waxa uu magacaabay guddi hormuud ka noqonaya shirkaasi.

 

Hogaanka shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxaa loo magacaabay Cali Mahdi Max'ed oo mar noqday Madaxweyne, isagoo kula dardaarmay dardar galinta habsami u socodka shirkaasi.

 

Cali Mahdi Max'ed oo ka hadlay xilka loo magacaabay ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu u fulin doono sidii loogu dhiibay.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli dagaalo culus ay ka bilowdeen caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan la yaabay ninka Soomaaliga ah iyo jago jacaylkiisa. Xaggee lagu arkay ummaddii oo le'anaysa ayaa midi shaqo ka raadsan oo leeyahay wax baan isku keenayaa.

 

Waxaase yaab leh, Cali Mahdi soo kuma jirin kuwii ummadda kala didiyey? Siduu iskugu keeni. Waa baadi la xaday oo la leeyahay tuuggii baa soo dhicin. Adduunoow adduun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ali Mahdi is another criminal, with lesser criminality than Yeey, who allowed the dumping of our seashores with radioactive chemicals and nuclear wastes.

 

More evidences are surfacing thesedays about such infamous deal he embarked with foreign companies!

 

I guess he is the criminal that suits to be part of this criminal business again!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ali Mahdi is a man of stature and he has supporters in Mogadishu unlike the clowns who used the religion to keep theirloot and now use the clan..

 

Its over dear lad..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

Ali Mahdi is a man of stature and he has supporters in Mogadishu unlike the clowns who used the religion to keep theirloot and now use the clan..

 

Its over dear lad..

Yeah and he has supporters is places like Cadaado,Baydhabo,Hiiraan etc.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Cadowga dalka xoogga ku soo galey ayaa ah kan guuraya ee ma ahan muwaadiniinta, Cali Mahdina waxaan leenahey………………………

 

 

Muqdisho,22,March-07 ( Qaadisiya.com) Muqaawamadu shacabku waxey bogaadineysaa halganka barakeysan ee lagula jiro dhowrka cadow ee isku soo baheystey xasuuqidda shacabka Soomaaliyeed, kaasoo waalli ku sababey caloshood u shaqeystayaashii dalka u horseedey inuu gacanta gumeystaha galo, ayagoo uu koontoroolkii ka lumey, ayna xisaabaadkii isaga qaldameen.

 

Xogta sirdoonka muqaawamadu heshey ayaa waxey tilmaameysaa in xisaab adag la hordhigey xubnaha calooshood u shaqeytayaasha ka soo jeeda beelaha dega Muqdisho, ka dib markii dagaaladii shaley cadowga la dhaxal siiyey guul darro baaxad weyn, oo ku qasabtey iney inkiraan in wax ciidan ah laga diley ama maxaabiis ahaan looga hayo, tanoo marqaati cad u ah in cadowgaasi aysan ka naxeyn arwaaxda ciidanka aan garaadka laheyn ee u adeegaya, shacabkana ay u caddaatey baaxadda beenta iyo inkiraadda madaxda cadowga.

 

Sida xogtaas ay tilmaameyso waxaa loogu hanjabey shakhsiyaadkaas in xilka laga xayuubin doono ama xabsi la dhigi doono haddii aysaan la imaan qorshe wax looga qabanayo kacdoonka shacabka iyo halganka muqaawamada, waxaana saraakiishii cadwoga Tigreegu u laqineen xubnahaas aan damiirka laheyn in ay ku dhawaaqaan in laga guuro dhulka u dhexeeya Xaafadda Hodan ilaa Xaafada Huriwaa, isla markiiba calooshood u shaqeystayaasha kala ah Cali Caaq iyo gacmo dheere ( Maan gaabne) waxey ku hadaaqeen hadaladii loo meereeyey ayagoon ka fiirsan natiijada ka dhalan karta.

 

Sidaas awgeed Labada murtad ee Cali Caaq iyo Maan Gaabane waxaan ku leenahey waxa aad ku hadaaqdeen waa qeyb ka mid ah qorshaha cadowga lagu dajinayo magaalo madaxda Soomaaliyeed, haddii cid guureyso waxa guurayaa waa adinka iyo kaabayaashiina Tigreega ee hadaladaan idin soo meeriyey, kumana dhacdaan inaad hal guri kaliya xoog cid uga rartaan, waxaadna u soo joogi doontaan maalin aad ka shalaayi doontaan hadaladaas aan xishoodka xambaarsaneyn, waxaad ka hadleysaan Muqdisho’e waxey idinkaga bilaaban doontaa insha allaah meel kastoo cadowgu joogo, waxaadna isku sii fogeyseen naceybka la idiin qabo.

 

Dhanka kale waxaa mar labaad boorka laga jafey hogaamiye kooxeed Cali Muhdi oo dadka reer Muqdisho iyo Soomaaliba yaqaanaan, kaasoo ka mid ahaa raggii umadda Soomaaliyeed badey hoogaan, lana hubo inuu mudadii la soo dhaafey umadda la dhex joogey dhagar iyo luggooyo, ninka saas ah ayaa gacan ku dhiigle ina Yuusuf Yeey ka dhigtay guddoomiye waxa loogu yeeerey shirweynaha Dibuheshiisiinta, marka loo dhiibayo jago quureedkaas waxaa laga ridayey goobta ay ku sugnaayeen madaafiic lagu garaacayo xaafadaha magaalada Muqdisho laguna xasuuqayo shacabka soomaaliyeed. Cali Muhdi garaadkiisu waa siin waayey in marxaladaan aysan suuratgal aheyn nabadda jeebka ina yuusuf Yeey ku jirta, cid aqabaleysaana aysan jirin, laakin waxaan u qaadaneynaa in shimbirba shimbirkiisa la duulo, labada nin aysan waxba is dhaamin.

 

Cali Muhdi waan uga digeynaa la shaqeynta murtadka ina yuusuf yeey, iyo inuu run u qaato shir ku sheegga beenta ah ee ninkaasi wato, waxaan ku leenahey ka fikir oo caqligaada dib ugu noqo, beerta aad faleysid badarkeeda yaa guranaya, haddii aad ku adkeysato inaad ku biirto shaqaalaha ina yuusuf Yeey waxaan kuugu bishaareyneynaa inaad faraha uga guban doontid, naftaadana aad ku waayi doontid, waxaana marqaati noqon doono shacabka Soomaaliyeed, haddii ay jirto cid ka naxeysa Cali Muhdina waxaan leenahey ha loo caqli celiyo odoga, inta uu qabadka leeyahey.

 

Ugu danbeyn shacabka Soomaaliyeed waxaan ku wargelineynaa in ay iska difaacaan cadowga doonaya inuu xoog iyo xeeladba uga barakiciyo guryahooda, ayna ogaadaan xadiithkii Rasuulka NNKH uu ku yiri “ qofkii lagu dilo asagoo difaacanaya hantidiisa waa shahiid” sidaas awgeed waa inaan ku mintidnaa ineysan cadowga u suurtagalin shirqoolkiisa, waxa doolka ku yimid ee mudan in la baxshana uu yahey cadwogaas,iyo kaba qaadayaashiisa , waadna aragteen sida loo jabin karo haddii la loo jeesto.

 

 

Ugu danbeyntii waxey muqaawmaadu ku niyadsan tahey in cadowga laga guuleysan doono insha Allaah, cididii ka qeybqaatana ay sharaftaas heli doonto.waxaana ugu baaqeynaa walaalaha Soomaaliyeed iney gacan siiyaan muqaawamada , kana qeyb galaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

 

 

 

الله أكبر الله أكبر ألله أكبر والعزة للمسلمين

 

 

 

Xaarith Abaa Saadiq

 

Isku xiraha Muqaawamadamada

 

 

Muqdisho

22/03/2007

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

abwan , fighting and resisting is not gonna bring peace and stability to xaamar .

 

 

Your againts peace keepers . your also againts reconcile meetin led by men how is from xaamaar , Your againts TFG but you do support insurgent whom even hassan dahir claims his not involved . your just fallin to Yays trap you, fighting in xaamar is destroyin our economy sxb.

 

why did icu evacuated xaamar where they enjoyed home support . all these choas will only cause damage to resident of xaamar both economy and life . while puntland and rest of somalia develops we are still at war for 18 years sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Caaq iyo gacmo dheere (
Maan gaabne
) waxey ku hadaaqeen hadaladii loo meereeyey ayagoon ka fiirsan natiijada ka dhalan karta.

 

Sidaas awgeed Labada
murtad
ee
Cali Caaq
iyo
Maan Gaabane
...

Hada kahorna waa sheegay, mar labaadna waa ku celinaa: Qoriyaasha Qaadisiya waa ku dhufan rabaan mar dhaw, buufis waa dhaafay waxooda, diinna ma u dhawo, dhaqan ma'aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

Originally posted by General Duke:

Ali Mahdi is a man of stature and he has supporters in Mogadishu unlike the clowns who used the religion to keep theirloot and now use the clan..

 

Its over dear lad..

Inadeeroow heedhe adigu looting this and looting that ayaa kaa soo hadhee imisa digsi iyo imisa malqaacadood ayaa kaa maqan? :D

Waxaan kuugu dhigeynaa SOL muqdarad if that is the case ee bal let us know waa ba cajiibe.

 

* Muqdarad = sadaqo reer magaal (in case you didn't know ;) )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

mahdi.jpg

 

The European Green Party followed up the revelations by presenting to the press and the European Parliament in Strasbourg copies of contracts signed by the two companies and representatives of the then President Ali Mahdi Mohamed to accept 10 million tonnes of toxic waste in exchange for $80 million (then about £60 million).

 

People who support this Circus government are rotten disgusting individuals

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by bambo:

abwan , fighting and resisting is not gonna bring peace and stability to xaamar .

 

 

Your againts peace keepers . your also againts reconcile meetin led by men how is from xaamaar , Your againts TFG but you do support insurgent whom even hassan dahir claims his not involved . your just fallin to Yays trap you, fighting in xaamar is destroyin our economy sxb.

 

why did icu evacuated xaamar where they enjoyed home support . all these choas will only cause damage to resident of xaamar both economy and life . while puntland and rest of somalia develops we are still at war for 18 years sxb.

Sxb if we are not trying to blind ourselves Xamar was peaceful for 6 months and I wasn't against that real peace.

 

Peacekeepers? excuse me. The trouble started when the foreign forces attacked Somalia so they cannot be peacekeepers.

 

Ali Mahdi is not known for peace but only for destruction and jago-raadis, so is Abdullahi Yusuf, so where does this peace conference you mention will come from.

 

Did you hear Mr Yey and Ali Ghedi threating civilians to move from their homes? Do we not see the fighting that they brought to the city? Haddii aadan dan kale lahayn, meeshaan nimankaan ka hadalnay nabad uma imaan mana rabaan, aan ka ahayn shacab la gumaado, qabiillo la isku diro iyo kursi lacag lagu boobo.

 

I am not jeolous or against any peace and security in other areas of the country and I actually support that. What I am against is the Illegal Ethiopian Occupation, telling others what to do and bringing mess into somebody else's backyard.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Abwaan sxb lets be realistic here ,

 

uic brough xammar peace for 6 month which is true , but who granted them none other then those who where holding citizen of xaamar hostage .

 

In Return the balcad faction where granted monoply over xamar economy true/falls .

 

cumar cadani got what he deserved , he was granted all ports that uic controled . Indhacad became security chief since his kind where most foot soldiers right ,

 

sxb sheeq dahir aweys was againts TFG while it was hostate in Johar , sheeq dahir aweys was forming alliance with warlords like Muse sudi , Qanyer and etc . why so sxb there where no ethoipian troops at that time .

 

 

WHAT IF ABDI QASIM HAD ONE THE ELECTION would dahir aweys oppose it and form alliance with Muse sudi and Qanyer i wonder .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this