Sign in to follow this  
QabiilDiid

More than 40 SNM militia repented and walked to Laascaanood with white flags

Recommended Posts

This is one of the times I unleash my anger against BBC and Ina Garaad. If a bird farts and Hargeisa municipal council considers it as an event, Ina Garaad reports it. But when more than 40 militia soldiers from the authority of these determined to dismember Somalia, repent and abandon the nonsense by crossing over to the Somaliweyne camp with military equipment, the Somali BBC service fails to mention this good news in its daily broadcasts.

 

 

Laaska: Racii Labaad ee Ciidamo Soomaliland ka amar qaadan Jiray oo usoo baxsaday Puntland

Wednesday, July 12, 2006

 

Laascaanood (AllPuntland) Maanta Galinkii hore ilaa 40 askari watana gawaarida dagaalka oo ka tirsanaa ciidanka maamulka la baxay Somaliland ee xooga ku fadhiyay deegaanka Ari-Cadeeya ee duleedka Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa usoo baxsaday dhanka Puntland iyagoo usoo galay Daraawiishta difaaca jiida Ari-cadeeye, iyadoo Daraawiishtuna usoo gudbiyay taliskooda gobolka Sool oo fadhiya magaalada Laascaanood oo isaguna ciidankaas usii gudbiyay taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo fadhigiisu yahay xarunta Puntland ee Garoowe.

 

Laakiin Caawa maqribnimadii warar aanu ka helnay deegaanka Abeesalay ee isla aagaas ayaa sheegaya in halkaasi ay iyana soo gaareen Rac (Koox)labaad oo ciidan kale oo ka soo baxsaday dhanka Somaliland.

 

Wali ma hayno tirada saxda ah ee ciidankaan maqribnimada kasoo baxsaday Soomaaliland, laakiin taliyaha Daraawiishta aaga Laascaanood ayaa saxaafada u sheegay in ciidankani ay kasoo talaabeen maqribkii masaafo 2 KM ah una soo gudbeen dhanka jiida ay difaaca kaga jiraan Daraawiishta Puntland, wuxuu sheegay isagoo markaas joogay Laascaanood in uu barito war rasmiya ka bixin doono ciidanka labaad ee isla maanta usoo galay.

 

Ciidamada kasoo tagay Somaliland ee soo galay maamul goboleedka Puntland ayaa kooxdaan maqribka soo gashay ka dhigaya kooxdii 4 aad, iyadoo la sheegay sababta ay u soo talabeen inay tahay ka gadaal markii maamulka Hargaysa uu ku ilaaway furinta.

 

Sargaal u hadlay Daraawiishta Puntland ayaa saxaafada u sheegay in arimaha ciidankaan ay la wareegeen saraakiisha Puntland loona sameeyay soo dhawayn wacan.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this