Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Delegations from the Kenyan parliament visits Somaliland pics

Recommended Posts

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo Saaka Gaadhay Magaalada Laascaanood.

Written by Qarannews

Dec 27, 2009 at 06:45 AM

Burco(Qarannews)-Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,Md.Faarax Macalin oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo golaha wakiilada somaliland ayaa

 

 

saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka sool, subaxnimadii hore ee saaka ayay socod ku dhaafeen magaalada Burco Weftigan uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,iyagoo ammaankooda si xoogan loo ilaalinayo.

 

Masuuliyiinta iyomadaxda Gobolka Sool ayaa kaga horyimi Tuulada Guumays oo duleedka magaalada Oog,halkaasoo ay waftiga uga sii galbiyeen dhinaca magaalada Laascaanood.

lama oga wakhtiga uu ku sugnaando waftigaasi halkaasi,Haseyeeshee socodka wafuudan ayaa ku beegmay wakhti uu xalay fiidkii magaalada Laascaanood ay ka dhaceen Qarax miinada laga hago Ramuudka,taasoo ay ku dhaawacmeen hal qof.

 

waftigan uu horkacayo Md.Faarax Macalin ayaa hore Socdaalo ugu soo maray Magaalooyinka Hargaysa,Berbera iyo Boorama.

 

 

Togdheernews

 

 

 

They also visit lascanood and sool. And hopefully tomorrow they will go to Ceerigabo sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder if Faarax Macalin's visit to Somaliland and specialy to Laascaanood is sending a message to the Pirateland leader. As we know, Faarax is from the same clan as A&T and we also know the recent events in Puntland of which not only members from Faarax's clan were targeted but also Mr. Faroole added insults to injury by labeling the Og clan as being a mere Somali speaking of Ethiopian ethnicity.

 

So could this be regarded as an answer to Faroole's tirade?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Suldaanka:

I wonder if Faarax Macalin's visit to Somaliland and specialy to Laascaanood is sending a message to the Pirateland leader. As we know, Faarax is from the same clan as A&T and we also know the recent events in Puntland of which not only members from Faarax's clan were targeted but also Mr. Faroole added insults to injury by labeling the Og clan as being a mere Somali speaking of Ethiopian ethnicity.

 

So could this be regarded as an answer to Faroole's tirade?

Very good analysis. That has to do something with this visit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Its true accoring to Haatu Faarax Macalin is less of a heavyweight among kenyan Somalis Politicians.

 

Interestingly enough I dont see Mr. Indhabuur who is supposedly Somaliland representative in Kenya. It looks like this is a campaign project by CAWIL TUUG and have managed to sideline the KIRGIT( Indhabuur). Lets just wait and see but its a KUDOS for CAWIL TUUG he manged to brainwash many especially in this crucial election times.

 

 

NB: WHY BYPASS BURCO??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii ka Socday Baarlamaanka Kiiniya oo Galabta ka Ambabaxay Dalka

Written by Qarannews

Dec 28, 2009 at 04:05 PM

Hargaysa,(Qarannews)-Weftigii ka socday Baarlamaanka Kenya ee uu Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed, oo muddo todobaad ah dalka booqasho rasmi ah ku joogay ayaa maanta galab ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport.

 

 

Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Horumarinta Baarlamaanka.Madaxa weftigan Md. Faarax Macalin oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin madaarka ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkooda xaqiiqo raadinta ah ee ay ku yimaadeen dalka, waxaanu Xukuumada, Goleyaasha Baarlamaanka iyo shacbiga Somalilandba uga mahad celiyay sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolada dalka.

 

 

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Xukuumada, Goleyaasha iyo shacbiga Somaliland sidii walaaltinimada lahayd ee ay noogu soo dhaweeyeen dalka, waxaan ku rajo weynahay inaan wixii aanu ku aragnay dalka horumarka iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland inaanu u gudbino dawlada iyo Baarlamaanka wadanka Kenya,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya.

 

 

Md. Faarax Macalin oo ka hadlayay sawirka uga soo baxay Socdaalkiisa wuxuu yidhi“Sawirka ku arkay imika Somaliland iyo sawirkii aan ka haystay aad ayay u kala fogaayeen.badanaa dadku waxay u arkayaan meel nabadgelyadeedu hoosayso wax badan oo aanu filaynay markii aanu nimid way ka duwan tahay.waxaanu aragnay meel nabadgelyo ah oo xasiloon oo Ganacsigii uu ka jiro oo dadku wakhtiga ay doonaan shaqaysan karaan.”

 

 

Guddoomiye ku Xigeenku wuxuu intaasi ku daray “Waxaanu aragnay Baarlamaan shaqaynaya iyo Golle Guurti oo runtii aad u wanaagsan.tacliinta oo wax fiican laga qabtay.in kasta oo si taam ah wax looga qaban karin ictiraaf la’aanta darteed.wadooyinka oo aad u dhib badan ayaanu aragnay.waxaanu maanta la tagaynaa inaanu wixii aanu la qaban karayno la qabano.”

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this