Sign in to follow this  
Siciid1986

Faysal Cali Waraabe shaqsi ka soo qayb qaatay tacadiyadii iyo xadhigii umadda

Recommended Posts

Faysal Cali Waraabe shaqsi ka soo qayb qaatay tacadiyadii iyo xadhigii umadda PDF Print E-mail

Written by Qaran news

Mar 04, 2010 at 09:05 PM

 

Maxaad kala socotaa xogta ku daahan Buugga uu qoray Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa kooxdii UFFO iyo kaalintii uu Faysal Cali Waraabe ku lahaa xadhigooda, Warbixin kooban.

 

 

 

Waxa dhowaan ku soo baxay luqadda afka Ingiriisida buugga la yidhaahdo “The Mourning Tree” ee loo yaqaan Weerane ee uu qoray muwaaddinka reer Somaliland ee Maxamed Baaruud Cali ahaana agaasimihii wershaddii Pepsi cola ee Hargeysa kana mid ahaa asaasayaashii kooxdii UFFO ee sannadkii 1982 ka bilaabay hawsha iskaa wax u qabso dhakhtarka guud ee magaalada Hargeysa. Maxamed Baaruud iyo aqoonyahankii kale ee reer Somaliland oo ahaa haldoorkii ummadda ayaa taliskii Siyaad Barre dhammaantood xabsiga u taaxabay iyadoo lagu xidhay yaa idinku yidhi ummadda wax u qabta taas oo aakhirkiinna lagu xukumay xabsi daayin loona wareejiyey xabsigii labaatan jirrow ee koonfurta Somaliya.

 

Buuggaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta Qaran news ayaannu warbixin kooban oo dulka xaadis ah oo ku saabsan xogaha iyo macluumaadka ku dedan buuggan Weerane halkan idiinku soo gudbinaynaa si dadka inta aan ogeyn ama aan akhrisan u helaan xaqiiqda dhabta ah ee ku daahan buuggan taariikhiga ah.

 

Qoraha buuggan Weerane ayaa soo bandhigaya taariikh nololeedkiisii oo ka bilaabmaysa dhalashadiisii miyiga ilaa markii uu jaamacadda kaga baxay waddanka Ingiriiska, shaqooyinkii uu ka qabtay dalkii Somaliya, xadhigiisii, maxkamaddii, jeelkii, markii la soo daayey, siduu xamar uga baxay, ilaa markii dambe ee uu Somaliland ku soo noqday ka dibna uu u noqday wasiir ka mid ah dawladdii marxuun Cigaal. Dhacdooyinkaas taariikheed oo dhan ayaa Maxamed Baaruud si run ah oo waxba aanu ka tegin ku soo bandhigayaa buuggan kooban.

 

Haddaba akhriste waxyaabaha muhiimka ah ee ku jira buuggan laguma soo koobi karo qoraal waxaanse u dhaafi doonnaa ciddii haleesha ama waqti u hesha buugan inay akhristaan. Dhacdooyinka ugu waaweyn waxa ka mid ah:

 

1. Isagoo markaas agaasime ka ah wershaddii Pepsi cola ee Hargeysa inay isaga iyo aqoonyahannadii kale ee markaas Hargeysa joogay ay ka dhiidhiyeen dayacii haystay dhakhtarka guud ee Hargeysa ay si iskaa wax u qabso ah ku bilaabeen inay wax ka qabtaan. Markaas baa taliskii Siyaad Barre si dulmi iyo caddaalad darro ah ku xidhay dhammaantood iyagoo ah 28 hal door. Dembiga keliya ee lagu soo xidhay wuxuu ahaa yaa idin yidhi wax qabta.

 

2. Xadhigii aqoonyahanka ayaa waxa ka gedooday ardada dugsiyada iyo shacabka reer Hargeysa halkaana waxa ku naf waayey dad aan waxba galabsan qaarkale oo badanna xabsiyada ayaa lagu xidhay waana taariikhda la magac baxday Dhagaxtuur 20kii Febraayo 1982 ee dhowaan Somaliland laga xusay.

 

3. Dacwad dheer ka dib waxa lagu xukumay xukun caddaalad darro ah oo ah madaxaa ha ku furto. Waxaana ka bilaabmay cadaadis iyo dil joogto ah goboladii dhinaca woqooyi ee dalkii la odhan jiray Somaliya. Taas oo dhanka kalena sii xoojisay halgankii SNM iyo ururada u dooda xuquuqda aadamuhu iyaga oo kaashanaya dadka reer Somaliland ee markaas joogay Yurub iyo Ameerika in ay ku guulaystaan in aakhirkii la soo daaayo. Waxaana ugu dambayn guushu raacday xoogaggii SNM waxana ka dhashay Somaliland.

 

4. Haddaba xogaha ku daahan buuggan ama ku jira waxaaa ka mid ah:

 

1. Waraaqdii Jeneral Morgan ee loo yaqaannay Letter of death ama “Final Solution to Somalia’s ***** Problem” oo afka Englishka ah oo uu Garyaqaan Maxamuud Shiikh Axmed Muuse ugu tarjumay xambaarsanna arrin naxdin badan. Ilaahayse kama dhigin.

 

2. Xukunkii maxkamaddii Badbaadada ee Siyaad Barre oo ay ku dhan yihiin magacyadii raggii xidhnaa, waxyaabihii lagu soo eedeeyey, Xeer Ilaaliyaashii, Qareennadii iyaga difaacayey, Markhaatiyadii maxkamadda la hor keenay, Jawigii maxkamadda iyo sidii aakhirkii loo xukumay. Intaas oo dhan baa ku jirta oo marka hore af Soomaali ah ka dibna uu Dr Axmed Xuseen Ciise uu afka Englishka ku tarjumay iyadoo faah-faahsan.

 

3. Magacyadii nimankii la yidhi NSSta iyo taliska Siyaad Barre ayay la shaqaynayeen ama sirta u keeni jiray oo soo basaasay raggaas la xidhay. Nimankaas waxaa xiddig ka ahaa ninka la yidhaado Cabdi Laangadhe iyo Aadan Cali Guhaad.

 

4. Kaalintii Faysal Cali Waraabe ku lahaa xadhiga kooxda UFFO:

 

Waxaase ugu sii darran akhristow sida ku qoran bogga 125aad (appendix II) oo ah English iyo bogga 181aad (appendix III) oo ah af Somaali markii Cabdi Laangadhe iyo Aadan Cali Guhaad ay sheegeen in ninka la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe uu kula dardaarmay inay la shaqeeyaan dawladda. Akhristoow Bal Adba. ?????? Faallo ma leh!!!!.

 

Haddaba akhristayaal waxa kaaga soo baxaysa buuggaas in nimankaas aan waxba lagu haysan si gardarro ahna loo xidhay loona xukumay iyadoo loo sameeyey dembi aan jirin iyo shirqool. Waxaadse ka sii naxaysaa marka Qareemadii iyaga difaacayey maxkamada lafteeda weydiiyeen war ma haysaan wax caddayn ah oo aan ahayn inta ay Cabdi Laangadhe iyo Aadan Guhaad idiin sheegeen, ayaa waxa maxkamaddu ugu jawaabaysaa maya ma hayno ee labadaas nin iyo inta la mid ka ah baa sax ah sidaa darteeed raggani waa dembiilayaal kacaan diid ah waana la xukumayaa.

 

Guntii iyo gebagebadii xogta ugu mihiimsan buuggan ayaa shaaca ka qaadday warar hore Faysal Cali Waraabe loo odhan jiray inuu ku lug lahaa xadhigii kooxdii UFFO. Sida ku cad buuggan waxa kuu soo baxaysa kaalinta Faysal Cali Waraabe ku lahaa xadhiga iyo ciddii dabinka u dhigtay raggaas hal doorka ah. Waxaana meesha ka muuqata inuu Faysal Cali Waraabe ahaa ninkii sida Cabdi Laangadhe sheegay daaha xaggiisa dambe fadhiyey ee arrinta soo abaabulayey isagoo xidhiidh wanaagsan lahaa xubnaha xidhan qaar ka mid ah dhanka kalena Jeneral Gaanni ay ahaayeen saaxiib.

 

Waxa iyana meesha ka baxaysa in Faysal Cali Waraabe markasta uu boodhka isku qariyo oo intaa ka hadlo ****** baa dalka laga xorreeyey iyo hebel baa ****** ah, ******tii baa isa soo urursatay laakiinse uu isagu iska dhigo nin aan ****** ahaan jirin isla markaana uu dalka u soo halgamey. Waxase cad in Faysal Cali Waraabe si weyn ula soo shaqeeyey taliskii Siyaad Barre sida ku cad xogta ku dedan buugga weerane iyo waraaqaha maxkamaddii Badbaadada ee Siyad Barre ku qoran. Waa taariikh ku jirta diiwaanka oo la hayo una taal qaranka Somaliland. Waa xog maxkamadihii Siyaad Barre laga helay sida cajaladihii muuqaalka ahaa ee laga helay Villa Somaliya ama aqalkii Siyaad Barre ee Muqdisho oo uu Dr Bulxan dhowaan soo bandhigay ee la yidhaahdo “Tuke mooyee yay cidkale hadhin”. Faah-faahinteeda akhristee weydii Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Xussein Bulxan.

 

Waxa kale oo iyana kuu soo baxaysa in Faysal Cali Waraabe uu mar walba ka soo horjeedo ciddii waddanka wax u qabanaysa ee is tidhaahda bal gurigaaga hagaaji sidii kooxdii UFFO oo Faysal Cali Waraabe sida ku cad buugga Weerane qayb weyn ka qaatay xadhigooda. Maantana waa aragnaa in Suldaamada tegey dekedda Maydh ee yidhi waar dekedda iyo waddooyinka dalka ha loo dhiso inay Faysal Cali Waraabe joog iyo jiifba u diiday sida uu hore saaxafadda ugu sheegay oo uu yidhi in xoolihii ummadda ay xukuumaddu beelo ku shirinayso. Sidaa darteed waxaa iyana caddaan ah in haddii uu maanta Faysal Cali Waraaabe awood u heli lahaa in Suldaamadaas jeelka la dhigi lahaa oo ay la kulmi lahaayeen ciqaab iyo jeel sidii kooxdii UFFO.

 

Marka la isku soo xooriyo waa sidaas sawirka dhabta ah ee Faysal Cali Waraabe waayo hore ayaa loo yidhi dadna dad u ekaan buu kugu dilaa abeesona dhul u ekaan bay kugu dishaa. Kaalintii uu Faysal ku lahaana xadhigii kooxdii UFFO sidaas ayay ahayd kuna dhammaatay aakhirkiina Somaliland baa dhalatay Faysal Cali Waraabena waa musharraxa madaxweynenimo ee Somaliland ee sanadka 2010!!.

 

Qaran news

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=7482&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this