Sign in to follow this  
Suldaanka

Local livestock traders triumph over Arab tycoon monopoly

Recommended Posts

Ganacsatada Xoolaha Somaliland ah oo Shixnaddii u Horreysay u Dhoofiyey Sucuudiga

 

Berbera (Jam)- Markab sida shixnaddii ugu horreysay ee ah xoolo nool oo ganacsatada waddaniga ahi si madaxbannaan ugu dhoofiyaan dalalka Khaliijka tan iyo markii xukuumadda Somaliland heshiiska dhoofka xoolaha la gashay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri, ayaa ka xalay ka shiraacday Dekedda Berbera, isagoo u sii jeeda dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

 

Shixnadda xoolaha nool ee xalay ka dhoofay Dekedda Berbera oo isugu jira adhi dhan 7 kun oo neef iyo boqollaal oo lo’ ah, isla markaana ay leeyihiin ganacsatada waddaniga ah, ayaanay ilaa hadda xukuumadda Somaliland ka soo saarin wax war ah oo ku saabsan fasaxa xoolahaas.

 

Haseyeeshee, xubno ka mid ah ganacsatada Somaliland oo Jamhuuriya ugu warramayey khadka telefoonka xalay iyagoo jooga magaalada Berbera, ayaa sheegay in ay dhoofka xoolaha fasax uga heleen dhinaca xukuumadda, isla markaana sifo sharci ah loogu cashuuray xoolaha ay direen.

 

Waxa kale oo ganacsatadu sheegeen in uu dekedda Berbera caawa ka bixi doono markab kale oo qaadi doona shixnaddii labaad ee xoolaha nool oo ay u dhoofinayaan dalka Sucuudiga.

 

Geesta kale, waxa xubnaha ganacsatada ah Jamhuuriya u sheegeen in Khamiista berri ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la yeelan doonaan kulan lagaga arrinsanayo xal-u-helidda khilaafka dabada dheeraaday ee ka dhashay heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ee dalka ganacsade Al-jaabiri, isla markaana ay rajaynayaan in kulankaasi soo afjaro muranka arrintaas ka dhashay.

 

Ganacsade Saleebeen Al-jaabiri oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa caasimadda Hargeysa, isla markaana Madaxweyne Rayaale la yeeshay kulamo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha lagaga wadahadlay iyo arrimaha ay isla meel-dhigeen labada dhinac oo ku saabsan muranka cakiran ee ka dhashay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, kaas oo khilaaf xooggan ka dhex abuuray ganacsatada waddaniga ah iyo xukuumadda

 

 

5_photograph.jpg

 

3_photograph.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Good news indeed.

 

Horta waa ido waxa la dhoofiyo soo ma aha? Ari cad meat would really be something to eat :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

^Horta ma dhaba, that Somali meat tastes best?

Yes,actually. It has everything to do with the kind of vegetation they feed on. Not all shoats(sheep/goats)are equal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ shouldnt we get a collective name ... like the desi people .. you know somaliland, somalia, puntland , jabuuti, somali galbeed , somali sijui all share the same lingo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this