Sign in to follow this  
Jacaylbaro

HAPPY 15TH ANNIVERSARY ==== SOMALILAND MILITARY

Recommended Posts

Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa aroorta u dabaal degaya sanad guuradoodii 15-aad, ee ka soo wareegtay markii la aaasaasay ciidankaasi 2-dii bishii Febaruary 1993-kii, oo la qarameeyay cutubkii ugu horeeyay.

 

Ciidanka qaranka, ayaa sanad guuradoodan 15-aad ay ka dhigaysaa ciidan qaan -gaadhay oo awood u leh inay difaacaan soohdimaha iyo qaranimada Somaliland.

 

"Saraakiisha, masuuliyiinta, Ciidamada iyo Qoysaska ciidanka qaranka meel kasta oo ay joogaan waxaan ku hambalyeynayaa sanad guurada 15-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka, oo ku beeganayd 2-da bishii febarwari 1993-kii, waxana aan u rajaynayaa inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan horumar iyo caafimaad qab"Ayuu Yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen- Nuux Ismaaciil Taani, oo dhamaal Hambalyo ah Ciidanka u dirayay maanta.

 

Ciidanka qaranka, ayaa waxa la aasaasay 2/2/1993-kii wakhtigaasi oo ay cusbayd xukuumadii Alle ha u naxariiistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo lagu soo doortay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee ku qabsoomay magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargaysa( Qaran)- War saxaafadeed uu soo saaray xisbiga UCID, oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xisbigaasi UCID mudane Xasan Xuseen Codyare , oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews ayaa waxa hambalyo loogu gudbiyay ciidamda qaranka Somaliland oo ay maanta tahay maalintii la aasasay ciidamda qaranka, warsaxaafdeedkaasi oo dhamaystirnaana waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan.

 

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxu hambalyo iyo bugaadin u dirayaa dhamaan ciidnka Qaranka iyo Xaasaskooda, munaasibada xuska sanad guurada 14aad ee Aasaaska Ciidnka Qaranka JSL awgeed, waxaanu u rajaynayaa dhamaan saraakiisha iyo saraakiil xigeenka iyo dableeydaba mustaqbal wanaagsan iyo inay sanadkan sanad kiisa kale ku gaadhaan horumar iyo badhaadhe

Aamin.

 

Mar labaad wuxu xisbiga UCID ku amaanayaa ciidamada Qaranka gaar ahaan ciidamada jiida hore guulihii wax ku oolka ahaa, ee ay wadanka u soo hooyeen, waxaanan leenahay Eebe haydinka abaal mariyo taatiikhdana baal dahaba ayay idiin qoraysaa. Amaantaa waxaa lawadaaga shacbiweynaha JSL gudo iyo dibadba ee garwaaqsaday waxtarka ciidamadooda hiil iyo hoobana la garabtaagan.

 

Waxaan ku boorinaynaa ciidanaka Qaranka iyo shacbiweynaha in si wada jir ah u xaslanno, una ilaalino guulaha aanu gaadhnay si himiladeena uga midho dhalino.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Happy 15TH and congratulations on the great job they have done in defending the nationa and maintaining the peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka qayb galay xuska sanad guurada 14aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland, oo cutubkii u horeeyay la qarameeyay 2dii bishii octoobar, 1994-kii.

Xafladii loo sameeyay dabaaldega sanad guurada 14aad ee ciidanka qaranka, waxa ka soo qayb galay shir-gudoonka goleyaasha baarlamaanka Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, wakiilka dawlada Itoobiya ee dalka, iyo xubno ka socday xisbiyada UCID iyo UDUB.

 

Taliyaha ciidanka qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo xafladaas ka hadlay ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee uu soo maray tayaynta ciidamada qaranku waxana uu tilmaamay in 14 sano kadib markii la qarameeyay guutadii u horaysay oo ka koobnayd 500 oo askari oo ay u dhamaayeen beelaha Somaliland iyo maanta uu faraq weyni u dhexeeyo, isaga oo sii sharxaya arrintaasna waxa uu yidhi " Waxa laga joogaa 14sano markii la aasaasay ciidanka qaranka, sidaad ogtihiin dowladi ma dhismi karto ciidan la'aan waxana maanta ciidankeena qaranku uu yahay mid badi haysta adeegyadii daruuriga u ahaa ciidamada, waxana uu diyaar u yahay gudashada waajibaadkiisa gudaha iyo difaaca qaranimadaba".

 

"Waxaanu kor u qaadnay tababarada ciidamada waxana aanu leenahay ilaa 4 dugsi oo kala ah Goraya-cawl, Darar weyne, Biyo guduud iyo Sheekh, waxa kale oo aanu tababar dibadeed aanu dalka Itoobiya ugu dirnay saraakiil ciidan oo soo baranaya tababar ciidan,injineernimo iyo dhaqaariirba, tababaradaasi waxay soconayaan muddo u dhaxaysa 6 bilood ilaa 6 sano waxana muhindisnimada bishan soo dhamaysanaya 7 sarkaal oo ah ardaydii dhamaysatay aqoonta dugsiga sare ee aan u qaadanay ciidan-nimo, layli sarkaalna waxa soo dhamaystay 3 dufcadood oo qaar ka midi yihiin mujaahidiintii dalka oo ciidanka qaranka ku jira "ayuu intaas raaciyay taliyaha ciidanku.

 

Gen. Nuux Ismaaciil Taani waxa uu sheegay in ciidankiisu uu guul ka soo hooyay isla markaana jabiyay cududii ciidan maleeshiyada Puntland waxana uu yidhi " Ciidanka qaranku waxa uu guulo badan ka soo hooyay difaaca dalka iyo sugida xuduudaha, 1dii bishii 10aad 2007 waxa uu ciidanku jabiyay maleeshiyadii Puntland oo soo weerartay deegaanka Adhi cadeeye ee gobolka Sool, 15kii Octoobar, 2007-na waxa uu ciidanku ka guulaysatay maleeshiyadaas oo wadatay 58 baabuur oo tikniko ah dagaal ka dhacay boholaha xargaga, halka 12kii December, 2007-na ay cidanku cagta mariyeen maleeshiyadii ******teeniya ee fadhiisinkoodu ahaa Dhabansaar, oo doonayay in ay ciidanka qaranka jidgoyn u galaan kana jaraan wadooyinka".

 

 

Taliyuhu waxa uu ciidamada qaranka ku tilmaamay kuwo ka soo dhalalay masuuliyadii loo unkay, waxana uu amaan u soo jeediyay wasiirka caafimaadka oo uu xusay in uu door fiican ka ciyaaray kor u qaadka adeega caafimaad ee ciidamada, waxa kale oo uu u mahad naqay baanka dhexe ee Somaliland oo uu carabka ku dhuftay in uu u fudaydiyo qarashaadka hawlgalka

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay ku talo jirto dhismaha ciidankii cirka, waxana uu yidhi "Ciidanka jiraa maanta waa kii lugta oo kaliya, oo aan waliba baahidiisii 2% haysan, laakiin himilada fog waa in aynu ku talo galnaa aasaaska ciidankii cirka oo la sameeyo, waayo ciidanka dhulku ilaa kan cirka lagu xidho guushiisa wax baa ka dhiman, inkastoo saraakiishan injineernimo loo diray waxa aan rajaynayaa in ay pilot-nimo soo bartaan".

 

Ciidanka jiida hore waxa aan ku hambalyaynayaa guulihii ay ka gaadheen sugida xuduudaha waxana aan taliyaha iyo wasiirka gaashaan-dhiga leeyahay soo qora abaal marintii iyo waxii ay kala mutaysteen ciidanku, anaguna xukuumad ahaan ciidanka in meel kasta oo wax looga raadin karo looga raadiyo ayaa naga go'an" ayuu intaas ku daray madaxwaynuhu.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu amaanay dalka Itoobiya oo uu sheegay in ay yihiin dalka qudha ee safaarad ku leh dalka isla markaana tababarka ciidamada qaranka gacan ka gaystay.

Madaxwaynuhu waxa uu qiray in dhismaha iyo kobcinta ciidamadu aanay ahayn wax fudud oo ay u baahan tahay awood iyo dhaqaale.

Sidoo kale waxa munaasibadaas ka hadlay wasiirka gaashaandhiga Md. Cabdilaahi Cali Ibraahim.

Madaxwayne Rayaale waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray dhismihii miiska saraakiisha oo lagu sameeyay dayactir kaas oo ku yaala xaafada Pepsi-ga ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu booqday madaarka magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Some great pics there JB, Must say Silaanyo doesnt look to happy though :D

 

Cheer up mate, you just might become president if you change your facial exprecience

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this