Sign in to follow this  
Paragon

WAR DEG DEG: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar detained

Recommended Posts

Paragon   

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa habeenimadi xalay Gurigiisa laga baxay

 

Sida ay Wararku sheegayan Suldaanka ayaa waxa Xalay Gurigiisa kala baxay Ciidan hubaysan kuwaas oo la sheegay inay isla markiiba toos Magaaladda ugal baxeen ila hadan lama oga in Hargeysa loo gudbiyay iyo in Meel kale lagu xidhay

 

sidoo kale Albaabka hore ee Guriga ayaa la dumiyay kadib markii Gaadhi ciidan lagu dhuftay markii Markii Suldaanka la xidhayay

 

Dhanka Xukuumada ayaan ilaa hada kamay soo bixin wax war ah oo la xidhiidha Xadhiga Suldaanka

 

 

Sidoo kale waxa isagana Xalay Gurigiisa laga qabtay Maxamed Faarax Aadan oo kamid ahaa Shirgudoonki shirkii Shalay uu qabtay Suldaan Cismaan Xadhiga Suldaanka iyo Maxamed Faarax ayaa waxa uu ka danbeeyay Shir ay shalay uu Suldaan Cismaan ku qabtay Magaaladda Burco kaas oo uu Maxamed Faaraxna kamid ah Shirgudoonki shirka waxan Shirkaasi ka soo baxay Qdobo iyo gudi la sheegay in ay Beesha Habar Yoonis ku dhaqi doonan Shareecada islaamka isla markaan ay Beeshu qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

 

Wixii Warar ah ee ka soo kordha Xadhiga Suldaanka kala soco Togdheer News

-----

 

My hunch is that the above report has something to do with this:

 

Bayaan uu ku saxiixan yahay Sulaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo na soo gaaray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco}1.12-6

Shir ay yeesheen Madaxdhaqameedyo, culima-udiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Galbeedka Burco ayaa lagaga dhawaaqay Bayaan nuxurkiisu yahay in Beeshu qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo go’aamo lagu hirgelinayo...................................

 

 

Shirkaas oo uu soo qabanqaabiyey Suldaanka Guud ee Beesha Galbeedka Burco (H/xxxx) Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, waxa uu socdey laba maalmood, waxaana ka qaybgalay dad ka badan 200 oo qof oo isugu jira Cuqaal, Ganacsato, aqoonyahanno iyo Culima-udiin.

 

Qodobadii shirkaas laga soo saaray ayaa waxaa kamid ahaa:-

 

1. . In Beesha Habar Yoonis ay si dhab ah ugu dhaqanto shareecada Islaamka, taaas oo loola jeedo in arimaha beesha lagu nidaamiyo si waafaqsan shereecada islaamka .

 

2. Si loo suurto geliyo ku dhaqanka shareecada islaamka waxay beeshu samaysatay Gole cusub oo loo igmaday hawl galada taabo gelinta ku dhaqanka shareecada islaamka .

 

Golahaas oo loo bixiyey Golaha dhaqan gelinta shareecada islaamka ee Beesha Habar Yoonis.

 

Isla makaana ay tiradiisu dhantahay 71 xubnood oo isugu jira culumo, ganacsato, cuqaal iyo oday dhaqameedyo.

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo ka hadlay shirka lagaga dhawaaqay ku dhaqanka shareecada islaamka ayaa waxa uu dhalliilay maamulka labaxay Somaliland oo uu sheegay in waxqabadkii laga sugayey ee loo doortay ay gabtay, kuna bedeshey inay ka shaqayso cidda shiraysa iyo inay ogaato waxa lagu shirayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Somaliland admin and PL admin are trying to appease America and Ethopia , :mad: :mad:

 

inshallah we will wakeup and see the truth ,

 

Both admin still have remins of siad bare era ,

THey only thing they worship is $$$$$$$$$$$$$

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Does Riyale even know what was the outcome of this meeting...I doubt it.

 

The points of the shir is layed out in that report,there is nothing being anti-Somaliland,the motion they have put forth was simply as Beel to do things by the way of Islamic Sharica which everyone should consider as postive step in the right direction,I think these so called leaders of SL are feuling another civil war in the region.

 

How direspectful is it to not respect the Suldaan of whole tribe specially coming without him breaking any suposed laws that were in place, absulately inexcusible.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I think this ugaarsi of our religious folk is getting out of hand!

 

If you are against the politics of the ICU say so, but do not got and disrupt the implementation of Sharia Law by the people for the people!

 

Will Fartaag disrupt a religious gathering in Baardheere while well known sheikhs in Puntland and pro-Sharia traditional leaders in Somaliland are arrested??

 

This cannot be! People must not be allowed to go so far in a need to stand before the ICU.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this