Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Col. Deyr and His Crew ----- Back to Buuhoodle

Recommended Posts

Maxaabiistii SSC ee Hargaysa Laga soo Daayey oo Soo Guryo Noqday

 

Maxaabiistii Deegaanada SSC ka soo jeeday ee dhowaan laga sii daayey xabsiyada ku yaalla magaalooyinka Burco & hargeysa ayaa soo gaadhay deegaanadoodii waxaana soo dhoweeyey boqolaal ruux oo taageerayaashooda ah.

 

sarakiil ay ka mid yihiin Col. Deyr Xaaji cabdi & Maxamed Xiir ayaa qayb ka ah maxaabiista soo gaadhay Buuhoodle iyadoo ay weheliyaan saraakiil kale Askartii la xidhnayd.

 

Muuqaalada maxaabiista la soo daayey & Sida loo soo dhoweeyeyba kala soco Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay anigoo ku hadlaya afka ragii af duubka ee idinka maqnaa soo dhaweynta iyo jacaylka aydaan u kala hadhin dhamaantiin ee aad nagu soo dhaweyseen.

 

Waxaan idinka maqnayn laba bilood iyo sagaal iyo toban habeen waxaana naloola dhaqmay intaanu xidhnayn si aad u wanaagsan wax dhibaato ah oo aan ka ahayn xoriyada yadii oo nalaga qaaday maanaan qabin waanu ogayn in aad hadh iyo habeen naga wel welayseen oo ka shaqayneeseen sidaan idinku soo gaadhi lahayn.

 

Anagu waxaanu nahay ciidankiinii talo gaarana idinkama lihin waxaa reer buuhoodle yahay ayaanu ku Gawracanahay,
waxaa nalagu yidhi markaanu joognay hargaysa ma waxaad aadaysaan puntland iyo maamulkii aad horay uga tirsanaydeen mise waxaad kusoo biiraysaan maamulkayaga oo waad na la shaqaynaysaan waxaan ugu jawaabnay taasi waxay u taalaa waxgaradka iyo umada aanu kasoo jeedno iyaagaanu wada tashanaynaa waxay yihiin baanuna la noqonaynaa
.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

"taasi waxay u taalaa waxgaradka iyo umada aanu kasoo jeedno iyaagaanu wada tashanaynaa waxay yihiin baanuna la noqonaynaa"

 

Waxa ay yihiin is with the buluugle-- that answer was given matey. Puntlans is dead; there is only a tolnimo is what holds the H people together.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"taasi waxay u taalaa waxgaradka iyo umada aanu kasoo jeedno iyaagaanu wada tashanaynaa waxay yihiin baanuna la noqonaynaa"

I'm just saying it is a smart remark ......

 

 

I'm sure the umadda inay tashan doonto soon IA ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta soo gaadhay Buuhoodle abaaro 8diii barqanimo saacada Buuhoodle maxaabiis gaadhaysa 28 maxbuus kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Gobolka Cayn laguna qabtay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay Dhabansaar.

 

Maxaabiistan ayaa waxaa hogaaminayay Coll: Dayr Cabdi Iska toos iyagoo maalimadii shalay kasoo anbabaxay magaalada Hargeisa oo ay maxaabiistu ku sugnaayeen maalmihii u danbeeyay iyadoo uu halkaasi kula hadlaya Madxawynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

Maxaabiistan ayaa waxaa soo dayntooda ka danbeeyay kadib markii magaalada Hargeisa ee xarunta maamulka Somaliland ay gaadheen Odayaal ka socda Gobolka Cayn iyagoo madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in loosii daayo dhamaanba maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii Dhabansaar iyo Abeesalay.

 

Hadaba maxaabiistan cafiska loo fidiyay ee uu hogaaminayo Coll: Dayr ayaa waxaa si wayn looga soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle iyadoo ay soo dhaweeyeen dadwayne aad ufara badan oo kamid ah shacabka Buuhoodle iyo waliba ciidamo iyo baabuurta dagaalka.

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa qaar kamid ah saraakiishii hogaaminaysay Maxaabiistani ay kula hadleen shacabkii soo dhaweeyay barxada wayn ee Darwiish School halkaas oo ay uga mahad celiyeen sida ay usoo dhaweeyeen iyagoo ugu danbayntiina ku hoyday Hotel Guuleed.

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this