Sign in to follow this  
Jacaylbaro

IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY

Recommended Posts

DABAADEGGII XAFLADDII SANADGUURADII 16aad IYO WACDARIHII FINLAND KA DHACAY

 

 

Maanta oo ku beegan maalintii Jamhuriyadda Somaliland lasoo noqotay Xornimadeeddii ee Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco lagaga dhawaaqay lasoo noqoshadii xornimadii luntay 1960kii ayaa dadweynaha reer Somaliland ee Finland ku dhaqani caasimadda dalka Finland ku qabteen xaflad lagu xusayo maalintaas.

 

Xafladdan oo ay qabanqaabisay Jaaliyadda Guud ee Somaliland Community of Finland ayaa waxa kasoo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira rag, dumar iyo caruurba. Xafladdan ayaa kuwii hore ee Jaaliyaddu qabanjirtay kaga duwanayd laba arrimood oo kala ah: Tartan-aqooneed ku saabsan taariikhda Somaliland oo caruurta loo qabtay iyo tartan culus oo lagu tartamayey ciyaaraha gobollada Somaliland iyada oo halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee gobolada kala duwan ee Somaliland min Ceerigaabo ilaa Saykac.

 

Xafladdan oo si aad u saraysa loo soo abaabulay waxa aayado Quraana ku furay Maxamed Cawl Caabi kedibna waxa si qotodheer oo qiiro leh oo xamaasadi ka muuqato taariikhsa Somaliland uga waramay Xaji Cabdi Xasan Jaamac. Intaa kedib waxa horumarka Somaliland samaysay intii ay jirtay si cilmiyaysan oo taako-taako ah uga hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliland Mudane Fowsi Cabdi Muxumed iyo Enjineer Maxamed Gaas. Intaa kedibna Marwo Ifraax Soofe ayaa si tifatiran u qaadqaaday kaalinta dumarka reer Somaliland ka galeen horumarka Somaliland iyada oo xustay in ay dumarku mudan yihiin in laga abaalmariyo dedaalkooda.

 

 

Dhinaca madadaalada oo aan yar iyo weyn loo kala hadhin waxa hagayey fannaanka caanka ah ee Xuseen Belel iyada oo ay halkaa wacdarro dhigeen kooxda hiddaya iyo dhaqanka oo madasha isku laba rogay rag iyo dumarba. Waxa xusid gaara mudan in tartan qadhaadh oo ciyaaraha gobollada ku saabsan lasoo bandhigay.

 

 

Waxa xusid mudan in tartan-aqooneedkii caruurta aad loola dhacay sida caruur yaryar oo wadankan ku dhashay Somaliland wax badan ka ogyihiin. Waxa la yaab noqotay in caruur da'doodu aanay ka badnayn 8 jir garteen magaca Madaxweynaha JSL oo sadexan.

 

 

Ugu dambayntii waxa aan dhammaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan u diraynaa Hambalyo aannu ka sidno reer Finland annaga oo leh KU WAARA NABAD, KU WAARA BARWAAQO, HORUMAR IYO XORRIYAD.

 

 

Guddiga Jaaliyadda Guud ee Somaliland Community of Finland

 

guul iyo gobo nimo

 

 

18mayfinland816e5956ap8.jpg

 

18mayfinland616e3b3faz3.jpg

 

18mayfinland116e25b4tg2.jpg

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I beat you to it, ehehe. I used to be good at this, you know. icon_razz.gif

 

 

Very talented and artistic our sijui landers are. Look at the styles of the outfit them girls are wearing. The best I've seen so far. :D

 

 

Xuska_18_May_Nairobi_1.jpg

 

more pics

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this