Sign in to follow this  
OLOL

Muqdisho: Madani Maqaawimo –

Recommended Posts

OLOL   

Muqdisho: Madani& Maqaawimo –

 

Shalay moooriyaan iyo maxkamad, maantana ma madani iyo maqaawimaa? Ma mujrimkii moorgan baa mar kale madax ah? musuqmaasuq, kow iyo hadda? arxaa maxaa siyaad laga rabay? Yeey villa Somalia mortarka ha loogu mashxarado.

 

Tan iyo markii magaaladda Muqdisho xoog kula wareegeen ciidamadda duulaanka ee Meles Zenawi, kuwaasoo ku marmarsiyoonaayay ineey ka hor tagayeen wax eey ugu yeereen “Qatar kaga imaaneeysay argagixiso muslimiin ah” ama midowga maxaakiimta Islaamiga ee mar soo baxay misna sidii misbaaxa liifad belay damay, waxaa maanta Muqdisho la tacaaleeysaa iska horimaad hor leh oo uu muuqda laba geesle balse ka wajiyo badan.

 

Iska hor-imaadkan waxuu ka dhaxeeyaa ciidamadda madaniga ee taabacsan dawlad-ku-meel-gaarka ah iyo kuwa muqaawimadda ee wax iska caabinta ah loona maleeynaayo ineey yihiin haraadigii Maxaakiimta.

 

Waxaase ilaa iyo hadda iska hor-imaadkan ka daran oo ka xanuun badan Madaafiicta ciidanka huwanta ee ka soo jeeda gobolka mahbarteeniya,

balse sheeganaayo ineey yihiin kuwo qaran iyo madaafiicda ciidanka duulaanka ee Xabashida ee sida naxariis daran een loo aabe yeelin loogu gumaadaayo xaafaddaha dadka rayidka ah dagan yihiin.

 

Milicsiga minguurshaha mugdiga

 

Waa kaasoo xamar laga qaxay? Qaxani durba la fasir. Waa rogaal iyo laba celis. Shalay waa tii la firxaday. Waryaa Dulli Ismaaciil Jabarti?

Waryaa mugdi Samaale ah?

 

Firxadkii iyo isku faankii maxaa ka danbeeyay? ? Dab munaafaq shiday maskiin aa ku dhinto. Ma waana is baacsigii xiriirnaa ee min Xamar ilaa iyo xadka keenya , boqolaal kun oo maato bay iyo bakool ahi ku macluulin oo magan alaaydii laga dhaga meersan.

 

Macangag Mudug ka soo jeedo, ninkii mayalka adkaa ee Jeneraal Ceeydiid ahaa iyo maxeeysato uu qaad ka dharjiyay waa kii weeraray gurigii Manifesto habacsane kiish weeyne, Cali Nafto. Taasi waxeey keentay in Sulux iyo Manifesto Kaaraan lagu takooro.

 

Galaal iyo Muxidiin Badar Xamar Af-Weyne ka kiciyay soow Cali Mahdi ma ag fadhiisan? Nero soow ma maleegan?

 

Dagaal ehel kii ugu waalaa soow kolkaas lalama koowsan. Mudul-oodkii cismaan iyo Madar-Kiciskii hiraab, habaaraanaa intee habrooshinka u wadaan.. madaxa soow isla ma gelin?

Ma waana maalmo guduhood xamar danbas soo madfac loogama dhigin? Kunton kun in ka badan ma weeysan halkaas ku naf bixin oo beelin. beeleey baaba' beladoow baaba..

 

 

Markii aduunku u adkeeysan waayay macluusha iyo maanakoobiyadda Muqdisho soow mareeykan ciidan kumaan ku ah soo ma dhoobin? Unisom – maxaa

fashilay? Ma General Waaw baa la hishiin waayay General Howe? Ma black hawk down baa meesha ka dhicin? Intee ka baxaa meel alle. Mareeykam ma l yiri hilfahaaga raro? Ninba waa markiisee mus ma kula koray? ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibeeysaa waqtigii dhamaayoo wuu dhaqaaqi doonaa ..dhulka soo habaraaneey ma laha , dhasha soow ******** maaha?

 

Soo joog laga waayo soo jiif aa laga helaa soow Cismaan Caato iyo Muuse Suudi Yalaxoow ciidama taabacsan xabad caasha kama gelin jeneraalkii

la celin waayay? cakuye howl aduun badanaa ..ma cidla ciirsi baa ...? caasho yuusuf hadaa caarkii ka dansanaa kacay? mineey mukulaal meesha ka baxdo ..dooli aa dheel dheela ....

 

Durba, ********, jifi iyo maxeeysato ma soo dilaacin? Geeridii jananka waxeey keentay ineey soo baxaan darsin qabqable dagaal oo arxan daran

oo maxaa Qanyare u madax roon yahay? Waa qanad, qush iyo qab ma leh, anaa atoore ah iyo anaa atariishadeeyda la bood boodaa soow Xamar kama

dhicin. Xamaroow xaal qaado waa lagu xumeeyay.

Isbaaro , waa la isbaaranaa koontoroolka iyo kabtan dhagool iyo labadiisa waardiye, qaad iyo maqaaqo, calaq iyo valium,....cirkaan maraa waa ku ceejinaa ....

 

Cabdiqaasin Salaad Booy iyo Ismaaciil Cilmi Geelle, soomaali sax ah, faranji iyo shuuci soo shiiqay soow Jabuuti kuma sameeyn Carta. Car dagaal oogoow marka kale ciil na bad...shibil soosaayatii , habareey habartaa ma tahay....aqoon garadoow indheer garad ma tahay? malaaqoow quraan meeri..afar iyo bar aan wax ku qeeybsano....ar xaa la qaldamay?

 

Cabdulaahi Yeey iyo qabqable la ciilay soodare cadow Meles kuma soo dhisin?

 

Intaas Muqdisho waa iska nooleeyd oo darbayada qaar baa la jafjafay, Xawaalo iyo Barakaat Beeso kala daabulaayo bed u furay. Dubaay iyo Dollar,

Mobile iyo Internet soow tii la bartay?

 

Kenya iyo xero doofaareey intii qabqable dagaal, qabiil quute iyo qaad welle ahaa soow tii looga baaqay? Dawlad ku sheeg ku meel gaar ah oo qabqbale beerlaawe qabiiliiste ina Yeey horboodaayo soow lama dooran? Caasho Yuusuf

soow Fanaxleey Caaliyo Geedi ma calman? Waa Cilmiga Macatable Meles Sanlaawe.

 

qamro, qaad , gayrash hoteel nairobi, isdaba mar, aydhis iyo u dhis, dufta ugu sin xiiran iyo sawaaxili ...soow dawlad looma maleeyn?

 

Laba gardaro ku hishiisay xaqeey ku dagaalaane, Qanyare soow ma qoonsan qabyaaladda ina yeey?

 

******** aan nixin, isbaaro iyo masiibo aan dhamaan Muqdisho soow kuma badan?

 

Mareeykan soo ragii arxanka darnaa ee qabqablaha ahaa doolar kama wada simin? Ii soo qabqabta gardheerayaasha?

 

 

Xaa ka danbeeyay? Kacdoon shacab iyo rabi ka cabsi. Cirkeey ka baxday. Raxiimkeey u aaxeeyay, rag alaa u rooray. Laga reeysay is rasaaseeyntii, isbaaro la riix, qaad la rookeey. Markii ugu horeeysay taariiqdii mugdiga ahaa eek u habsatay Muqdishu muddo ka badan lix iyo toban sano soow lix todobaad laguma raadreebin? Qashinka iskaa wax u qabso, baro quraan, qaadka dhaaf, quudka raadso, qoryaha dhiiba, qabyadda ka guura, quursiga reeba, boolidda iyo qaanta guryaha lagu qaatay ha la siiyo kuwii lahaa. Dakadii iyo airaboortigii la fur. Safaru salaama.

 

Abshir dhalatay yaa abshir bacadle ka shirbay.

 

Safar baad ka qaad ma leh

Baada iska dhiib ma leh iyo Buurkii diikow

Seybiyaano gey ma leh

Bowdyaha ka jabi ma leh

Beesada ka qaad ma leh

Gabdho buurashadii ma leh

Leejo iyo baad ma leh

Bowdkaan ku waranaa

Banaankaa la seexdaa Hoogey iyo ba’ay ma leh

Bacdigina Maxkamadaha iyo shacabka soo baxey.

 

Wadaad gardheere surwaal gaab af carabi bartay maa siyaasad iyo dowloow yaqaan? Diplomaasiyadeey ka daaheen, daankeey iska yeereen, hadal laga fiirsan, daandaansi? Ar ka daa? Ar ka fiirso? Shariif la soo ganay dabuubtiisii daawadda aheeyd iyo Shiikh gargaduud garashadiisii, shabaab aan

wax la showrin soow jaceeykeeygii shaanshaa degyee shatka iyo xargiihii gooysayeey kama dhigin?

 

Cadoow, ibroow, janaqoow, abu cuteeyba , abu xamza, abuu xaliimo abuu abuu ....turki gariig ceyroow rooboow fahd iyo faysal ....shabaaboow naga shib dhaha ..indhacadoow indhaha madoobeeyso ....ar saan maaha ..mayee waa mayal adeeg ..waa jihaad iclaamin..waa jano tag....

 

Dagaal hor leh. Duulaan Cadow. Cabdulaahi iyo ciil-qabayaal reer tolkiis soo Itoobiya Muqdishi kuma soo kaxeeyn? xaruun kasta soo tigree laguma xareeyn...xabad soow la iskuma xakameeyn..duli hor leh, xoriyoow --- yaa ku qaba ? afar..alla afka u dhacayeey...

 

Maanta iyo Muqdishoow

 

Puntland ********teedii soow ciidan qaran maaha maanta? Janan kastoo reerkiisa ahaa soow jagooyin lagama simin? Soow butcherkii hargeeysa burburiyay ee xabadi keentay ka dhigay hadda

Xamar Madani looma magaacibin? xabad u joogto xabad ku joogto xamareey xaalkaa ba'a

 

Marna waa rasaaq, marna waa rashiid, marna waa Yuusuf, marna waa Yahuud, marna waa mareeykan , marna waa inta madaxa madoow iyo maatidii muqdisho. Maantana soow madani iyo muqaawimo maahan? Mee Galaalkii yiri waa shihiidaa ? waa kaasoo Xabashidii la xeertamay? Aaway Cabdi Salaad Booy? Waa kii beerlaawe qaa’inul wadan

Villa Soomaaliya ku marxabeeyay? Aaway Cali Nafto? Waa kaas la laaluushay oo kiiskha loo buuxiyay?

 

dardaaran

 

Madani wax iga ma taree muqaawimooyo mortarka maareeya oo madfac miisaama oo mahbarka madaxa madoow ee reer masheexe iga ilaaliya.

 

Malagga maanta anya madiina moowloow maanta na mooti.

 

 

Ismaaciil Xasan Baroow (Jeego)

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Saaxiib jeego waa saaxiib aan leeyahay oo jooga Xamar. waa ardaydii islaax - waa nin fahansan waxa socda. it is his expression, so intimate and so sarcastic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

maybe I should translate it in English or any of the many Euro languages somali fugees now speak and express dem lazy souls

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this