Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahey ayaa Weerartey guri ay ku shirayeen Al-shabaab

Recommended Posts

Kismaayo(Puntlandi.com) Guri ay ku shirayeen saraakiil Al-shabaab ah magaalada Marka ayaa waxaa maanta soo weerarey diyaarad ay ciidamada bada Mareykanku leeyihiin, ilaa hada khasaaraha lama sheegin.

 

Warar laga helayo dad goob joogayaal ah ayaa sheegey in ay waardiyayaasha saraakiishaan ay rasaas cirka u ridayeen si ay u difaacaan Saraakiishooda, waxaase la cadeeyey in Diyaarada oo aad u fogeyd meesha ay duuleysey aysan gaari karin rasaasta ay ridayeen Al-shabaab.

 

Khasaaraha ilaa hada lama hayo inta uu le´eg yahey dhinaca saraakiisha Al-shabaab ee saaka la weerarey iyagoo shir u fadhiya,

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka:Diyaarad Duqeysay Guri kuyaala Marka.

 

Marka:(Allpuntland)-Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo waramaya in Diyaarad nooca Qumaatiga ukaca ah ay duqeysay guri kuyaala magaalada Marka islamrkaasna ay halkaas ka geysatay Khasaare aanan weli la xaqiijin.

 

Wararku waxay intaas kudarayaan in Diyaaradani ay maanta Duqeysay gurigan,islamarkaasna ay guriga daganaayeen Saraakiil katirsan Dhaqdhaqaaqa Alshabaab oo uu shir adagi uga socday,mase jirto wax khasaaro ah oo weli la xaqiijiyey oo Soo gaartay Saraakiishii halkaas ku sugnayd.

 

Goobjooge kusugan Magaalada Marka oo ay APL la hadashay ayaa sheegey in uusan arkin wax dhaawac ah oo gurigaas laga soo saaray,islamarkaasna duqeyntii Diyaarada kadib ay Ciidamo ka agdhawaa Guriga la duqeeyey ay ku jawaabeen Rasaas culus taasina ay keentay in si deg deg ah ay diyaaradu uga huleesho halkii ay beegsatay.

 

Goobjooguhu wuxuu sheegey in Duqeyntaas kadib ay Ciidamo katirsan Alshabaab isku gadaameen goobta ay dhibaatadu ka dhacday,waxaana uu sheegey in Guriga ay Diyaaradu duqeysay oo ahaa mid weyn ay khasaaro dhanka Dhismaha ahi soo gaartay,waxaana halkaas ilaa maanta laga dareemayaa Dhaqdhaqaaq culus oo ay wadaan Ciidamada Alshabaab.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Knowing Al Shabaab they will be in shock for a few days, then kill a dozen Somali civilians after a suicide attack and claim revenge and victory in a press conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this