Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Oil exploration phase

Recommended Posts

Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Puntland oo shaacisay in la bilaabay baaritaankii macdanta pl.

 

Wasiirka Macdanta iyo tamarta ee DGPL Xassan Cismaan Aloore oo maanta la hadlayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in ay haadan kooxdii ugu horaysay ee baaritaan samaynaysa ay maanta u anbabaxeen deegaanka dharor Band oo ay ka bilabayaan baaritaanka macdanta baarista ee deegaanada DGPL.

 

Wasirka ayaa sheegay in ay kumaakun oo reer Puntland ah ay si wayn uga faaiidaysan doonaan hawlaha shidaal baarida iyo soo saarista isla markaana ay wax wayn ka badalidoonto sicir bararka baahsan ee taagan waxana uu sheegay in ay ka shaqayndoonaan dad aad u tiro badan oo kumakun gaaraya kuwaasi oo u badnaan doona dhalinyarada ku sii jeeda tahriibta iyaga oo jibaaxaya badwaynta naftoodana khatar galinaya waa sida uu wasiirku carabaabaye.

 

Hawlaha macdan Baarista Puntland ayaa ahayd tan ugu mashquulka badan Puntland iyadoo maamulka hada jiraa uu cimrigiisa ku qaatay soosaarista Macdan iyo shidaal laga soo saaro deegaanada Puntland kaasi oo aan ilaa iyo hada fari ka qodnayn sidoo kalena aysan muuqan wax dadaal ah oo ka muuqda maamulka iyo shirkadaha baaraya macdanta ee afka un laga sheego kuwaasi oo aan wali imaan puntland iyaga oo ay u dhamaystiran yihiin qalbkoodii baritaan diyaarna ay u yihiin in ay hawasha baaxada leh ay faraha lagalaan.

 

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

DGPL oo ku guulaysatay talabadii ugu horaysay ee baaritaan shidaal

 

Tobanan gawaarida xamuulka u badan oo ay galbinayaan ciidamada amaanka isla markana ay la socdan masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka puntland ayaa abaarihii 6dii subaxnimo ka mababaxay xarunta shirkada baaritaanka shidaalka ka wada deegaanada puntland African Campany oo qadaaraska siisay shirkada IMCoo fadhigeedu yahay dalka kanada ee magaaladan boosaaso safar saacado qaatay ka dib ayaa waxay ugu horay gaareen tuulada kobdhaxeed oo ka tirsan degmada Ufayn ka dibna waxaa loo gudbay barxada Labo Rugleey oo 20km u jirta goobtan oo ah meesha ay degeen kooxda ka socota shirkada IMC.

 

Munaasabad kooban oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa ka hadllay wasiirka macdanta iyo tamarta Dgpl Xasan Cismaan Allore waxuuna sharaxaad ka bixiyey.

 

wasiirka macdanta iyo tamarta Dgpl Xasan Cismaan Allore

 

ahmiyada fursadan dhaxal galka ah ee u soo hoyatay shacabka reer puntlandbeeldaaje Cali faarax oo ah isin ka soo jeeda degmada Ufayn oo ah goob aan wax saas ah uga fogayn barxadaan lagu magacaabo LABO-Rugoodle waxuuna sheegay in wax alla lagu mahadiyo tahay fursadaan ay si wanaagsan uga shaqeeyeen Dgpl.

 

mr king watson oo ah madax shirkada IMC oo ah shirkada qandaraskan qaadatay ayaa bulshada reer puntland ka codsaday in si hagar la aan ah loola shaqeeyo shirkadiisa maadaama ay boqlaal shaqaalo reer puntland iyo somali ay ka hawl galayaan.

mr king watson oo ah madax shirkada IMC

 

tani waxay noqonaysaa fursadii ugu horay oo ka bidhaanta deegaanada puntland waxayna hoos u dhigaysaa heerka shaqo laaaneed ee ka jirta puntland oo ay u sii dheer tahay sicir bararka puntald mudo 3 sano ah ay puntland dadaal ugu jirtay shidaal baariis lagu sameyo deegaanadan waxaana xiligaas dib u dhigay is faham daro ka jiray dowladii dhexe ee uu raysal wasaarahaa ka ahaa xildhibaan Professer cali maxmed geedi iyo Dgpl haatanse

 

sida muuqata waa dadka degaanka laga bilaabay shidaal baarista ayaa si diiran u soo dhaweeyey hawshaan.

 

Axmed Shaam, Sawir Qaade : Xasan Gentleman

SBCInternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Canada's Africa Oil starts Somalia seismic survey

Wed 21 May 2008, 11:46 GMT

By Abdiqani Hassan

 

DHAROOR, Somalia, May 21 (Reuters) - Canadian oil and gas exploration company Africa Oil Corp., has started seismic mapping of a remote area in Somalia's relatively stable Puntland region, officials said on Wednesday.

 

The survey is in advance of exploratory drilling in Somalia's Puntland region, where the company believes there is a strong prospect of finding rich oil deposits like those in geologically similar Yemen, a neighbour across the Gulf of Aden.

 

The predecessor of ConocoPhilips, Conoco, had exploration rights in the semi-autonomous northern Puntland area before the 1991 civil war that plunged the Horn of Africa nation into anarchy from which it has not yet escaped.

 

Africa Oil has rights to 80 percent of the Nugaal and Dharoor blocks there, with its joint venture partner, Australian independent Range Resources, holding the remainder.

 

"It's an exploration," senior company official Kim Watson told Reuters on the site in Dharoor, as dozens of the engineers from the U.S., Europe and Africa were busy setting up shop under the watch of heavily armed Puntland troops.

 

Africa Oil is obliged to spend $50 million on exploration to obtain full rights to the 80 percent, and it has the right to farm out 20 percent of that stake to third parties with the agreement of Range Resources.

 

Puntland's government in January 2007 entered into a production-sharing agreement with the two companies.

 

The site is a humid, barren area of about 2,600 sq km (1,004 sq miles) near Dharoor town, some 350 km (217 miles) east of the port of Bosasso on the Gulf of Aden.

 

"The exploration will run until December when we hope to start drilling for oil. We have heavy equipment to conduct a 2,500 sq km seismic survey," he said. A hundred local people have been employed in the operation, he said.

 

 

SPLIT

 

Watson also said they have carried out a similar survey in nearby Nugaal region. Both Range and Africa Oil have been given access to seismic data collected before 1991, and have expressed optimism they will strike oil.

 

In 2007, Puntland faced stiff opposition from the internationally recognised interim Somali government, part of which refused to honour a 2005 deal reached with Range giving it exclusive concession rights over all minerals and petroleum.

 

The fight caused a split between President Abdullahi Yusuf -- who hails from Puntland -- and former Prime Minister Ali Mohamed Gedi, who later resigned.

 

Many believe Gedi's resignation was sparked by his losing the fight with Yusuf, who was formerly Puntland's president and who has blessed the current deal.

 

Some clans in Puntland have already expressed unhappiness with the oil deal, raising the prospect of the type of local conflict that has heavily contributed to the nation's persistent anarchy.

 

Somalia has no proven oil reserves but a joint World Bank/U.N. survey of northeast Africa 16 years ago ranked it second only to Sudan as the top prospective producer. (Additional reporting and writing by Guled Mohamed in Nairobi; Editing by Bryson Hull and James Jukwey) (For full Reuters Africa coverage and to have your say on the top issues, visit: http://africa.reuters.com/)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegay in la bilaabay baaritaankii macdanta puntland.

 

Arbaco May 21 2008

 

Gaalkacyo - Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Puntland Xassan Cismaan oo la hadlayay saxaafada ayaa shageey in ay kooxdii ugu horaysay ee samaynaysa baaritaanka macdanta ay maanta u anbabaxeen deegaanka dharoor oo ka tirsan gobalka bari kana bilabayaan howlah barista.

Wasirka ayaa sheegay in ay oo reer Puntland ay si wayn uga faaiidaysan doonaan hawlaha shidaal baarida iyo soo saarista isla markaana ay wax wayn ka badalidoonto sicir bararka kajira Puntland waxana uu sheegay in ay dad badan oo udhashay deganka Puntland kahelidoonaan Shaqooyin.

 

Wasiirku sidoo kale wuxuu tilmaamay hawlaha baaritaanada qarashka ku baxaya ee ay sameynayso shirkada Africa Oil ay soo xareendonto dhaqaala farabadan oo waxka badali doona Nolasha Dadka reer Puntland.

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

 

 

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Puntland oo maanta bilowday hawlaheedii shidaalka Dharoor (Dhageyso)

 

May 21st, 2008

Labarugleyn (HR Media):- Wafdi balaaran oo ka socda Dowlada Puntland iyo shirkada shidaalka ka baari doonta Puntland iyo waliba saxaafada ayaa maanta gaaray dooxada Dharoor oo kamid ah goobaha la doonayo in laga bilaabo hawlaha la xariira baaritaanka Batroolka Puntland.

 

Wafdi uu kamid yahay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Puntland Md.Xassan Cismaan Aloore iyo Mas’uuliyiin sare oo kamid ah Shirkada IMC/African Oil ayaa maanta gaaray dooxada Dharoor.

 

Wasiirka Batroolka Puntland Md.Aloore oo goobta baarista ka khudbad kasoo jeediyey ayaa ka hadlay wakhtigii iyo juhdigii Puntland usoo gashay in ay hawsha batroolka bilowdo asagoo sheegay in dad soomaali iyo ajaanib isugu jiraan ay caqabado ku ahaayeen oo ay hortaagnaayeen balse laga guuleystay oo maanta arrintan guul u tahay ummada reer Puntland. Wuxuu sheegay in maamulka iyo shacabka Puntland dadaal dheer u galeen hawshan.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Mas’uulka ka socda shirkada IMC/African Oil madaxeeda Soomaaliya Kenith Wattson ayaa sheegay inuu si weyn ugu riyaaqay sida loogu soo dhaweeyey gobalada Puntland, asagoo sheegay in hawsha soo saarita batroolka oo ah mid baaxadleh ku rajo weyn yihiin in ay guulo kasoo hooyaan.

 

Wakiilka u hadlay shirka batroolka baareysa ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha bulshada sida caafimaad iyo waxbarashada oo ay hawshooda ku koobnaan doonin baaritaanka, isla markaana ay sameyn doonaan shaqo abuuris.

 

Deegaan u dhaxeeya Kobdhexaad iyo Ufeyn ayey shirkada baareysa batroolka xarun ka sameysatay ayadoo baaritaanka uu ka dhici doono dooxada Dharoor ayadoo baarista socon doonto muddo 6 bilood ah.

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Puntland Yaasin Cartan Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo shaqeeyey arrintan, asagoo sheegay in ay soo dhaweenayaan cidkasta oo deegaanka Puntland timaada oo horumar u wada.

 

“…cid alle cidii wax ka qabaneysa Puntland waanu soo dhaweenaynaa xataa hadii uu wado hal sibir ah… soo dhawoow baanu leenahay…dhulkiina baara wax kasoo saara.. ha ismartiyenina…” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtey deegaanka baaritaanka laga sameenayo oo ay ku sugnaayeen odayaal iyo nabadoono deegaanadaasi kasoo jeeda iyo Saxaafadda.

 

Munaasabadan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo noqday Madaxweynaha Dowlada Puntland Gen.Cadde Musse oo safaro la xariira dhinaca heshiiyada bartoolka muddo ka badan bil iyo bar dibada ugu maqnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent news, thank G. Duke. It seems Minister Allore is doing excellent job of managing this vey important and needed natural resource. The price of oil is now at $130 and some are predicting it to reach $200 in two years,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just checked them up and they trade on TSX Venture Exchange. Basically a Canadian Pinksheet!! I doubt they will benefit from this forming energy bubble, but it will be interesting to see. Anyone access to TSX Venture exchange who can shed some light on them, maybe post a three month index.

 

Why somali-centric though? I wonder if there are somali investors in this firm. It would be unique and definitely worthy watching.Whatever it takes to make a good buck.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shidaal qodis ka bilaabatay P/land

 

Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 22-May-08

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabay baaritaanka macdanta oo mudooyinkii dambe maamulku Ku taamayay bilaabida iyo hirgalinta arinka shidaal qodosta.

 

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka macdan iyo batrooka Puntland Xasan Aloore oo ay ka mid ahaayeen wasiir Ku xigeeno, khubaro ajaanib ah oo ka socotay shirkadda qandaraaska fulinaysa ee African Oil Iyo Dadka Deegaanka Ufayn gaar ahaan degaanka Dharoor oo aan waxba ka fogayn Ufayn ee gobolka bari ayaa si wada jir ah u gaaray goobta laga qodayo shidaalka.

 

 

Wafdigaasi ayaa waxa horey u sii raacay ciidan gaar ah oo loo tababaray arintani kuna hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo qalabka lagu howlgalayo gaar ahaan kuwa baaritaanka lagu fulinayo oo lagu raray gaadiidka waaweyn oo iyaguna ka shiraacday Bosaso.

 

Wasiirka macdanta iyo batroolka Xasan Aloore oo ka hadlayay xaflada furitaanka ayaa sheegay in mashruucan ay ka fa'iideysanayaan kumanaan dadka shacabka ah kuwaasoo Shaqooyin ka helay, gaadiidleydaha iyana la shaqaaleeyay, wuxuuna intaa raaciyay in tirada shaqaalaha dhawaan la kor dhin doono.

 

Mid ka mid ah odayaasha degaanka Ufayn ayaa isagana muujiyay habka ay ugu faraxsanyihiin arintani islamarkaana shacabka deegaanka Ufeyn soo dhaweenayaan mamulkana ay ku gacan siinayaan.

 

Kenth Watson oo ah madaxa Shirkada mashruucan fulinaysa ayaa isana dareenkiisa ku cabiray in uu yahay mid aad u sareeya, waxaana uu sheegay in uu la fajacay habka ay dadku maanta u soo dhaweyeen isaga oo balan qaaday in ay dadku heli doonaan waxa ey uga baahan yihiin goobaha La baaarayo.

 

Bilaabida mashruucan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Puntland Cadde Musse uu soo gaaray magaalada Bosaso galinkii dambe ee shalay kadib safaro dhaadheer oo uu dalka dibadiisu ugu maqnaa.

 

Mahamud Said Salad

askar75@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this