Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Shariif oo heshiis ugu baaqay Shabaab Xizbiga!

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO

Madaxweynmaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo manta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya in ay nabada qaataan islamarkaana ay la heshiiyaan dowladiisa.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta barqadii shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qodobo kala duwan ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay xarakada Mujaahidiinta AL shabaab iyo Ururka Xisbul islaam inay la heshiiyaan dowladda KMG islamarkaana ay joojiyaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya sida uu tilmaamay.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in wixii ka dambeyeay markii la soo dhisay dowlada uu hogaamiyo ay bilaabeen in ay ku baaqaan wadahadal ay la galaan dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada lagula jiro dowladiisa oo uu tilmaamay in dad farabadan oo rayid ah ay ku dhimanayaan.

 

Sidoo kale madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa iyo Ururlka Xisbul Islaam inay joojiyaan khilaaf uu sheegay in uu xiligaan ka dhaxeeyo islamarkaana ay la midoobaan dowlada KMG ee Soomaaliya.

 

“Maanta dadka Soomaaliyeed diin ahaan iyo Xaalad ahaan uma baahna in la yiraah xabad ayaa la idinku toosinayaa, waxaa ay u baahanyihiin in wixii diintu na fartay oo ah in aan wanaag u sameyno in aan u gurmano iyo in aan wanaag ka shaqeyno, waxaana rabaa in aan ugu baaqo in ay dagaalka ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu wax lala yaabo ku tilamaamay Xayiraadii Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa ay saareen hay’adda Cuntada aduunka ee WFP isagoo sheegay in saameynta ugu badan taasi ay ku yeelanayso dadkii ka barakacay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho.

 

“Kooxahaan dowlada ka soo horjeeda ee Shabaab oo diiday in dadkii gar gaar la gaarsiiyo iyo khilaafka ka dhaxeeya WFP iyo Maraykanka waxaa ay sii murjinmayaan dhibaatooyinka shacabka waxaana laga maarmaan ah in la helo hab wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed wax lagu gaarsiin karo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif.

 

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu talaabo lala soo daahey uu ku tilmaamay xayiraadii dhawaan dowladda Ingisriisku ay saartay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa isagoo ugu baaqya dowladaha kale ee Caalamka in ay qaataan go’aanka ay qaadatay dowladda Ingiriiska.

 

“Marka ugu horeysa in dowladda Ingiriisku ay Kooxaha argagixisada ku darto Al Shabaab waxaa uu ahaa go’aan lala soo daahey, shaki kuma jiro in ay yihiin argagixiso marka dhibaatadaasi dalka ayay ka jirtaa oo su’aal uma baahna”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku soo hadal qaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay cirib tiraan burcad badeeda sidaasi darteedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la garab qabto dowladda si ciidamada dowladda ay bariga iyo bada kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida.

 

Waxaa uu walaac ka muujiyay lacagaha malaayiinta doolar ee la siinayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida taasoo uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliya iyo jiritaanka dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Not really!.

Sharif's government is stronger than ever, both in Militarily and popularity, It's just that you terrorist supporters that are too eager to interpret this good-will getsture as weakness , since the term peace is inferior to a Terrorist whose motivation is beyond the Somali politics.

 

The President wants peace with his fellow Somali Islamists , but not with Al-qaida.

Now that is a difference, Maaddka. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

:D
, Awkeey Shariif waa jilcay ma is dhahdeen! aaway bootadii sanadka cusub!

Indeed wax uu haayo maleh - idinku ninka la heshiya ama mesha ka buriya - labadas mid aya idin banan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War hedhe Soomalida horey uu tiiri 'nin tur leh asa yaqaan sidu uu sexaan laha ' - e bal idinku go'an gaara - ama heshiska mantey la idin fidshey qaata ama ha lagu kala baaxo mesha nama wada qaade.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

TFG haday rabto heshiis waa inay waqti u qabtaa kabitixaanka Ugandeska meesha jooga - hadii kale waa waqti dhumis waxooda!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Go'aan aan qaadannee, 'Waa tir-tireynaa'dii Sanadka cusub & 'ur days r numbered'daadii ma ka tanaazusheen?

 

'nin tur leh asa yaqaan sidu uu sexaan laha 'miyaad tiri?, tabta ma ka mid baa inaad sida Xildhibaan Badbaado, Bakaaraha iska soo xaadirisid? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President of the Somali Republic, Allah grant him a long life insha'allah, has always been a gentle man whose only purpose is peace for the Somali people.

 

Perhaps, one day, the usurpers will open their eyes and realize the people don't love them, and that the only way forward is to make peace with the rightful ruler of Somalia.

 

For the great purpose of ending this cancer that has plagued Somalia for two decades, their treason will be forgiven.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^War ninyahow ninka waan rabaayye, ee some time wuu iga xaanjiyyaa wallaahi. Waxaad moodaa inuu malicii Macallin Nur ee Suuqa Miijiska ku yaaley xooga xer ah ku haysto

 

Rag baa dirirayya oo weliba caqiida faasid iyo gacmo shishe ku dhex jiraan markaasu ku leeyahay dawladda haku biiraano

 

having said that, anaa maca shariif :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Waxaan waa iska hadal diblomaasiyadeed inkastoo aad moodid inuu is burinayo haddii meelna uu ka leeyahay argagaxiso hallagu daro meelna uu kala heshiinayo. Ma u malaynayo in Shabaab nabad iyo heshiis rabaan, X Islaam iyaga nin xanaaqsan oo xukun doon ah ayaa sameeyey waana ka kala dhantaalmeen oo hadday sidii tusbax go'ay u kala firdhi rabaan. As Xiin said Madaxweynuhu jileeca ha iska daayo oo ha is adkeeeyo, haddii kale meesha haka wareego rag adag halloo dhiibee...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this