Sign in to follow this  
Dr Ligle

Puntland State University Graduate. Garowe

Recommended Posts

Dr Ligle   

files.php?file=klo1_546652545.jpg

 

files.php?file=klo2_404756415.jpg

 

files.php?file=klo_951557201.jpg

 

Jaamacadda Puntland State University waxay ku wargelinaysaa dhamaan ardayda ka qalinjabisay dugsiyada sare in Jaamacaddu qaadanayso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2009/2010

Posted to the Web Sep 01, 06:59

Taariikhda: 01/09/2009

 

OGEYSIIS

Wajiga hore ee Jaamacada Puntland State University

 

Jaamacadda Puntland State University waxay ku wargelinaysaa dhamaan ardayda ka qalinjabisay dugsiyada sare in Jaamacaddu qaadanayso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2009/2010

 

Ardayda waxaa loo qaadan doonaa Kuliyadaha kala ah:

Kuliyadda Maamulka iyo Maareeynta (Faculty of Business Administration)

Kuliyadda Maamulka Dawladaha(Faculty of Public Administration)

Kuliyadda Sharciyada (Faculty of Law)

Kuliyadda Dhaqaalaha (Faculty of Economics)

 

Arday ka qalinjabisay Jamadacada PSU-Garoowe

 

Shuruudaha ardayda la qaadanayo looga baahan yahay waxa weeye sidatan:

Waa in uu dugsiga sare dhamaystay kunabaasay imtixaanka dugsiga sare Waa in uu la yimaada shahaadadda dugsiga sare oo asalkii ah (Original) soona raaciyaa laba sawir.

 

Waa in uu bixiyaa $20(labaatan doolar) oo ah Khidmada Diiwaangelinta (Registration Fee) oo aan dib loogu celin doonin.

Waa in uu qaataa Foormka Ogolaanshaha(Adminsi on Form) soona buuxiya inta isqoristu socoto. waxaa laga qaadanayaa Xafiiska Diiwaanhayaha Jaamacadda(Registry Office)

 

M.waynihii hore ee PL Gen.Cadde Muuse oo ka qaybgalay xaflad qalin jabin oo ah oo dhacday PSU-Garoowe

 

Jadwalka Jaamacadda ee Arday Qaadashada waa:

 

Isqoristu waxay bilaanaysaa 01/09/2009 ilaa 23/09/2009(Insha Alaah)

Imtixaanka Gelitaanka(Entrance Exam) waxaa loo fariisanayaa 25/09/2009 saacaddu markay tahay 8:00 A.M (insha alaah)

Natiijada Imtixaaka waxaa la soo dhejindoonaa 27/09/2009(Insha Alaah)

F.G.

 

Kuliyadda Sharciyada waxey deeq waxbarasho siineysaa Gabdhaha danyarta ah, Ciidanka Biliiska, Ciidanka Asluubta, Shaqaalaha Maxkamadaha iyo Baarlamaanka. Waxey dhamaan deeqda waxbarasho ku xirnaan doontaa buuxinta shuruudaha aqbalaada ee Jaamacadda.

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

 

Ugaas Cusmaan Xasan

Diiwaanhayaha Jaamacadda

 

Tell: 252-090-741889, Email:ugaascismaan@h otmail.com

 

Garoowe

Source: http://www.puntlandp ost.com/newspage.php ?articleid=8464

 

Good on you boys, education is a key to successful community. We need boost literacy levels, infact if i was president i would make it mandatory for all chidren to attend school at least up to secondary so they can have the basic knowledge covered.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this