Sign in to follow this  
Juje

Allah uu Naxaristo Xuseen Xaaji Bood..amiin!

Recommended Posts

Juje   

Ina Lillahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun..!

 

Dr. Xuseen Xaaji Bood oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

 

3917.jpg

 

Axad, December 21, 2008(HOL): ALLAH ha u raxmadee waxaa xalay ku dhintay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Dr. Xuseen Xaaji Bood oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

 

Dr. Bood ayaa ku jiray Isbitaal ku yaalla Nairobi kaasi oo loo geeyay in looga daweeyo xanuun la soo dersay. Marxuumka ayaa ku sugnaa dalka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna hadda xubin buuxda ka ahaa urur u dhaqdhaqaaqa nabada Gobolka Banaadir.

 

Sida ay sheegeen ehellada marxuumka, waxaa lagu wadaa in Maydkiisa loo soo qaado Muqdisho si loogu aaso, iyadoo qabanqaabada soo qaaditaanka la filayo inay dhawaan dhacdo.

 

Taariikhda marxuumka oo kooban

 

Marxuumka Bood ayaa ku dhashay Degmada Mareeg ee Gobolka Galguduud, isagoo waxbarashadiisii Dugsiga quraanka ku qaatay degmada Ceeldheere ee isla gobolkaas. Waxbarashadiisii Iskuulka Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, isagoo waxbarashadiisa heerka sarena ku qaatay dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga.

 

Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii USC, isagoo markii dambena u ololeynayay dhameynta iyo hakinta dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii la riday xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

 

Marxuumku ifka kagama tagin wax caruur ah, sida ay sheegeen dad ehelladiisa ah, wuxuuna lahaa xaas kaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraa.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

111tacsi.jpg

 

Allaha u naxariistee Rug cadaagii Siyaasada Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo xalay ku Geeriyooday Magaalada Nairobi, Gogol Tacsiyadeed oo uu Fididyey Prof Cali Mohamed Geedi oo ay kasoo Wada qayb Galeen Madaxweyne C/laahi Yusuf iyo Raysalwasaare Nuur Cade.

 

Illaahey naxariistii Janno haka waraabiyee Siyaasiga rug cadaaga ah Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood ayaa xalay ku geeriyooday Cisbitaa ku yaala Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku xanuunsanayey illaa iyo 16 cesho, ka dib markii Xanuun dartii looga soo qaaday Magaalada Muqdisho, oo fariisin aheyd , tan iyo noloshiisii.

 

Geerida Dr Bood ayaa waxaa si weyn uga naxay dhamaan Umada Soomaaliyeed, gaar ahaana ehaladiisa, waxaana markii ay soo shaacbaxday geerida Siyaasigaasi la dhigay Hoyga R/wasaarihii Hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi gogol Tacsiyeed taas oo ay ka soo qeybgaleen Mas'uuliyiin kala duwan uu ugu horeeyey Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed, Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade, Xildhibaano, siyaasiyiin, iyo Xubno fara badan oo ka socday Ehelkiisa iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Niaorobi ee dalka Kenya.

 

111tacsi1.jpg

 

Prof Cali Maxamed Geedi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dareemayo in darbi weyn uu ku soo dumay, Umada Soomaaliyeedna ay dareemeyso kalainka uu baneeyey siyaasisaagi oo uu ku tilmaamay in uu mar walba horseed u aaa sidii Dalka somalia loo gaar siin lahaa Nabad iyo Dowladnimo, waxa uuna eebaha raxmaanka ah uga baryey in uu janadii Fardowso ka waraabiyo.

 

"Madaxweynaha waxa uu noo balan qaaday hadii Muqdisho lagu aasayo in Diyaaradii lagu qaadi lahaa aydiyaar tahay, waxaana la qaadi doonaa meydka subaxdi si Dhulkiisii hooyo loogu aaso" ayuu yiri Prof Cli Maxamed Geedi R/wasaarihii ee Wadanka Somaliya .

 

111tacsi9.jpg

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed , ayaa isna yiri, aad ayaan uga naxay Geerida Saaxbikeey Dr Bood, waxaana xalay ii sheegay in uu ku xanuunsayo Magaalada Nairobi Walaalkeey Cali geedi, saakana illaah ayaa oofsaday, hadii uusan Cali geedi ii sheegi laheyn waxaan aaminsanhayay in aan lumin laaa waaji weyn, waxaana haatan Umada Somaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridaas naxdinta leh ee ku timid Walaalkeen Marxuum Dr, xusen Xaaji Maxamed Bood.

 

Aniga Sxb soke ayaanu aheyn illaa in mudo ah, haatana waa inaga hooseeyaa, waxaana jecelahay in dhamaanteen aan is wada cafinol waayo qof kasta waa uu dhimanayaa, ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo Tacsidaasi ka qeybgalay maanta.

Sidoo Kale Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo dib ka yimid Tacsida ka dagaal markii uu tagay Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in uu Tacsi Tiraanyo leh ugudbinayo Bulshaweynta Somaaliyeed gaar ahaan Eheladii Mar xuunku ka geeriyooday.

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Ku meel gaar ka ah ee Somaaliya C/laahi Yusuf Axmed iyo Raysalwasaare Nuur Cade ayaana Goobta Tacsida is ku ar kin oo aan ku wada kul min ayagoona waqtiyo kala duwan GurigaTacsida tagay, Madaxweynaha ayaa soo horeeyey markuu baxayna waxaa soo galay Raysalwasaaraha.

R/wasaare Nuur Xasan Xuseen Nur Cade oo isna soo gaaray Magaalada Naierobi ayaa ku soo hor maray halka ay gogosha taalay waxa uuna muujiyey sida uu uga mureygsan yahay geeridaasi naxdinta leh, waxa uuna hoosta ka xariiqay Umada soomaaliyeed in ay maanta weysay halyeey aysan hilmaami dooni ebed, isaga oo ku dheewraaday faaleynta Marxuum Ex Dr xuseen Xaaji Maxamed Bood.

 

111tacsi3.jpg

111tacsi6.jpg

 

111tacsi5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Amiin Inaalilaahi wa inaa ilayhi rajicuun. Allah ya raxma. Danbi dhaaf isaga ah, iyo samir iyo iimaan ehelkiisii iyo qaraabadii ayaan urajaynayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

This is my first time hearing his name. He seems to be loved by a lot of people...ILAAHAY naxariistii jano haka waraabiyo..AAMIIN AAMIIN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this