Sign in to follow this  
Gabbal

Why has no one spoken out about this destructive clan war raging?

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaal Culus oo ka socda deegaanka Yamaarugleey

 

 

Cabuudwaaq 19 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal culus ayaa saakay ka qarxay deegaanka Yamaarugleey ee dhulka ismamulka Somalida Ethiopia, iyadoo dagaalkaasi maanta uu ku fidey labo tuulo oo hoosyimaada deegaanka Yaarugleey.Dagaalkaan saakay ka Bilowday deegaanka Yamaarugleey oo aad u culus ayaa dhawaqa rasaasta la is dhaafsanayo laga maqlayaa deegaanada ku xeeran halkaasi, iyadoo aan si rasmi ah loo sheegi Karin qasaaraha dagaalka maanta Bilowday.

 

Gawaari dagaal oo aad u fara badan ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka maanta ka soconaya deegaanka Yamaarugleey, iyadoo odayaasha Cabuudwaaq ay ku eedeeyeen maamul goboleedka Puntland in uu qeyb qaadanayo dagaalka dagaalka.

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Yamaarugleey ayaa ah mid soo noqnoqdey oo xal laga gaari waayay, iyadoo uu salka ku hayo muran dhuleed.

 

Dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Yamaarugleey ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen in ka badan 12 ruux halka tiro ka badan 50 ruux ay ku dhaawacmeen, iyadoo Gawaari dagaal lagu kala qabsaday dagaalkaasi, qaarna lagu gubay.

 

Ilaa 50 ruux oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay Yamaarugleey ayaa la geeyay saakay isbitalka magaalada Galkacyo sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee isbitalkaasi.

 

Sidoo kale dhaawacyo aan tiradooda la xaqiijin ayaa iyana la geeyay magaalada Cabuudwaaq ee gobolka G/gaduud.

 

Xiisadaha dagaal ee ka oogan deegaanka Yamaarugleey ayaa noqdey maalmahaan mid isdaba joog ah, iyadoo aysan jirin wax waan waan ah oo laga dhex wado labada dhinac.

 

 

 

C/kariim Axmed Bulxan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Caabdudwaaq: Yamaarugley oo mar kale dagaal ka bilowday.

- Sunday, February 19, 2006 at 16:26

 

Caabudwaaq(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yamaarugley ee degmada Gallaaddi ee Kililka Shanaad ee Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal saaka mar kale uu halkaasi ka bilowday.

 

Dagaalkan ayaa lasheegayaa inuu kii shalay dhacay ka fudud yahay hase ahaatee war nala kasoo gaarsiiyay Caabudwaaq ayaa sheegaya in dagaalku socdo.

 

Dagaalladan ayaa dhacaya xilli dhaawacyadii dagaalladii shalay lasoo gaarsiinayo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Caabudwaaq.

 

Wariye kusugan magaalada Cabdudwaaq ayaa sheegaya in dhaawaca 30 qof la gaarsiiyay magaalada Caabudwaaq oo iminka lagu dawaynayo.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale la geeyay dhaawac kor udhaafaya 40 isugu jira dhaawac fudud iyo mid culus intaba.

 

Xaaladda deegaannada ay dagaalladu ka dheceen ayaa ah mid cakiran oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed.

 

Wali waxaanan joogsan hub aruursiga u dhexeeya beelaha ku dagaallamaya deegaananda ku xeeran Yamaarugley.

 

Tan iyo intii ay bilowdeen dagaallada kasoconaya Yamaarugley ayaa lagu soo waramayaa in dhimashadu ay kor udhaaftay 60 dhaawucuna uu kor udhaacay 100 qof.

 

Wali ma jirto cid isku dayday inay beelahan dagaallamaya kala dhex gasho , waxaase warar nasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ay kusoo maqan yihiin goobaha dagaalka.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke-

 

The most incredulous aspect of the whole situation is that the people involved are (as one news site put it) ilmo abti iyo ilmo eedo, wiil iyo abtigi, ilmo habreed, wiil iyo seedigi.

 

It is truly sad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

Truly tragic. When will these ignorant nomads learn the consequences of war?

 

For those who believe the current Ethiopian dictatorship has somehow reinvented itself and is now a "friend" of the Somalis, look no further than at Addis Ababa's inaction in responsing to this ongoing civil war in eastern Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kashanre:

Duke-

 

The most incredulous aspect of the whole situation is that the people involved are (as one news site put it)
ilmo abti iyo ilmo eedo, wiil iyo abtigi, ilmo habreed, wiil iyo seedigi.

 

It is truly sad.

Runtaa Waaye.....Sad indeed.

n da way it looks no is interested in stepping to calm to situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this