Sign in to follow this  
unknown1

kismayo fighting' Allaaahu Akbar

Recommended Posts

unknown1   

Dagaal ka bilowday magaalada Kismaayo oo u dhexeeya maleeshiyada Barre Hiiraale iyo Mujaahidiinta Al-shabab

 

Arbaco 19 Shacbaan 1429 =20/08/2008

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyada Barre Hiraale weerar ku soo qaadeen fariisin Mujaahidiinta

Al-shabab ay ka samaysteen dhinaca waqooyi ee magaalada, oo ah bar kaantarool.

 

Saddex jeer ayay weerar soo qaadeen maleeshiyadu, waana ay ku jabeen saddexdiiba, hadana waxay Mujaahidiintu ku suganyihiin halkii lagu soo weeraray.

 

Sidoo kale dagaalka qayb ka mid ah ayaa ka dhacay gudaha magaalada, dagaalka oo ka dhacayay xarumihii maamulka gobolka, haatana waxaa gacanta ku haya Mujaahidiinta Al-shabab.

 

Mujaahidiinta waxay maalmahan ku sugnaayeen magaalada iyagoo si fiican loogu soo dhaweeyay ammaanka magaaladana waxa gacanta ku hayay Mujaahidiinta, dadkuna aadbay ugu diirsadeen oo ugu farxeen kadib markii tuugadii laga qabtay ee ay xor noqdeen.

 

Waxa iska cad sababta tuugadani usoo weerareen Mujaahidiinta, waana arimo hunguri, taasoo ka dambaysay kadib markii Mujaahidiintu ka xireen ama ka cayriyeen goobihii ay Isbaarada dhigan jireen.

 

 

{ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِ 1610;نَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِين 1614; لا يَعْلَمُونَ}

 

اللهم منزل الكتاب سريع الحساب هازم الأحزاب

 

اهزم الإثيوبيين الصليبيين وإخوانهم المرتدين ومن كان في صفــــــــــــ 1600;ـــــــــــــ 00;ــــــــــــــ ;ـــهم

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Which shabaab website, you difficult child?

You have to provide a link to all your news reports, otherwise people would think you just made them up (not that I think you can write something that long with a mere mouse). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Wararkii ugu dambeeyey Magaalada Kismaayo.

20. august 2008

 

 

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Magaalo Madaxda Gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ,isla markaasna Dekeda kutaala waxaa weerar ku qaaday todobaadkii hore Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Kooxaha diidan dawladda Soomaaliya ayaa galay inta Badan Magaalada ,waxa ayna dadka Magaaladaasi usheegeen in ay doonayaan in ay Diinta Islaamka ku maamulaan Magaaladaasi.

 

Kooxo badan oo isbiirsaday kana soo horjeeday heysashada Magaaladaasi ee beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku wargaliyey Hogaamiyaashii halkaasi ka arimin jirey in ay Hubkooda soo wareejiyaan.

 

Laakiin waxa ay ka biyo diideen Maleeshiyaadka Magaalada maamulaya in ay hubkooda wareejiyaan ,waxa ayna sheegeen in aysan marnaba wareejin doonin Hubkooda ayna ku dagaalamayaan.

 

Dadaalo ay wadeen Odayaasha Magaaladaasi ayaa dhamaantood guuldareystay waxaana saaka Magaalada ka bilowday dagaal khasaare badan ugeystay dhinacyada kala duwan.

 

Dagaalkaasi waxaa uu sababey dhimashada dad gaaraya 5 qof oo rayid ah ,waxaana ilaa hada aan la heyn tirada rasmiga ah ee ka dhimatey kana dhaawacantey dhinacyadii dagaalamayey.

 

Meelo badan oo ay gacanta ku hayeen Maleeshiyaadkii Magaalada horey umaamulayey ayaa gacanta ugashey Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dekeda Magaalada Kismaayo ayaa dagaal qaraari ka dhacay ,waxaana ku dhintey dagaalkaasi dad badan ,waxaana halkaasi ka baxay Maleeshiyaadkii maamulayey.

 

Al-Shabaab & Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray dhamaadkii sannadkii 2006 ayaa qabsaday Magaalada Kismaayo waxa ayna taasi wel-wel ku beertay dadkii Magaalada joogey.

 

Wariye ka tirsan AllPuntland oo Magaalada jooga ayaa soo sheegaya in ay dhici karaan dagaalo qaraar ayna Magaalada meelo kooban oo ka mid ah joogaan Xubno ka mid ah Siyaasiintii maamuleysay Magaalada ,kana biyo diiday Amaradii kooxahan ka soo baxay.

 

Wariyuhu wuxuu sheegay in ay sidoo kale walaac qabaan dad heysta Xoolo aysan laheyn ,waxaana aan marnaba laga rajo qabin ciidamada dawladda Soomaaliya & kuwa Itoobiya in ay ujeestaan dhinaca Magaalada Kismaayo.

 

Wararka Kismaayo kala soco www.allPuntland.com

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this