Sign in to follow this  
Gabbal

Major Offensive underway in Mogadishu.

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaal xoogan oo ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Heliwaa, iyadoo weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday fariisinka ciidamada Ethiopai ee warshadii hore ee Baastada

 

Click here to find Shabelle news English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 13, August 07 ( Sh.M.Network) Dagaal la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa goordhaweyd ka bilowday deegaano ka tirsan degmada Heliwaa, iyadoo dhinaca kale Weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday Agagaarka warshadii hore ee baastada iyo dhismihii Xeyle Bariise ee degmada heliwaa oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

 

Iska horimaadkaan oo bilowday abaaro caawa 10:15 Pm ayaa ah mid aad u culus waxaana uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh aagagga Wasrhadii Barafuunka, isgoyska SOS, Shineemo Cabdi Waayeel iyo kooxo kale oo hubeysan oo halkaasi weerar ku soo qaaday.

 

Dagaalkaan ayaa ah mid ka soconaya aagag kala duwan oo ku yaala degmada Heliwaa.

 

" Waxaanu dhulka ku heynaa bogga, waxaan isku aadineynaa darbiyada, madaafiicda iyo rasaasta dusheena ayaa la isku weydaarsanayaa, dhulka oo idilna waa Iftiin" Ayuu yiri Anwar Maxamed oo teleefoonka uu Shabelle kala soo xiriirey laga maqlayay rasaas culus.

 

Qaraxyo loo adeegsanayo baasuukayaal ayaa halkaasi si weyn looga maqlayaa sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

 

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo wali soconaya, iyadoo la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo.

 

iska horimaadkaan ayaa waxa uu bilowday waxyar ka dib markii Madaafiic Hoobiyeyaal ah lagu weeraray fariisimada ciidamada Ethiopia ee warshadii hore ee Baastada iyo dhismaha Xeyle Bariise ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 10 qarax oo hoobiyeyaal ah ayaa laga maqlay halkaasi, iyadoo wali aan la ogeyn in hoobieyeyaashaasi ay ku dhaceen xarumaha warshadii hore ee Baastada iyo dhismaha Xeyle bariise oo fariisin u ah ciidamada dowladda Ethiopia.

 

Lama soo sheegin wali wax jawaab ah oo ciidamada Ethiopia ay ka bixiyeen weeraradaasi hoobiye oo lagu qaaday, iyadoo walina ay dhacayaan madaafiicda.

 

Lama oga wali kooxaha ka dambeeya weerarkaan Hoobiye oo bilowday 9:20 Pm.

 

Waa weerarkii 3aad oo caawa ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo caawa fiidkii weeraro bambaano lagu qaaday xarunta degmada Shibbis iyo saldhigga degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maanta labaatan ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda ay ku geeriyootay qaraxyo iyo tacshiirado kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

Click here to find Shabelle news English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Bam gacmeed caawa fiidkii lagu weeraray degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho

 

Click here to find Shabelle news English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 13, August 07 ( Sh.M.Network) Bam gacmeed ayaa kooxo aan la garaneyn ay ku weerareen caawa fiidkii degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho, iyadoo qarax ka dib la maqlay rasaas ay fureen ciidamada dowladda.

 

Abaaro caawa 7dii fiidnimo ee caawa ayaa weerar bam lagu qaaday xarunta degmada Shibbis oo fariisin u ah ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaasi bam.

 

Sida uu Shabelle u sheegay Wariye Madax banaan oo la yiraahdo C/wahaab Ogli, Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay meel ku dhow degmada, iyadoo ay adag tahay in la helo xog dheeri ah oo ku aadan waxyeelada ka dhashay qaraxaasi.

 

Waxa uu intaasi ku daray in qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay fureen ciidamada dowladda oo ka hortagayay kooxaha weerarka soo qaaday.

 

Weerarkaan bam ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 20 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda halka tiro ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib qaraxyo iyo tacshiirado ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Waa dadkii ugu badnaa ee ku geeriyooda maanta caasimadda Somalia 30 kii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe ama haka dheeraan Shabelle.net

 

Click here to find Shabelle news English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kooxo hubeysan oo goordhaweyd weerar ku qaaday saldhigga degmada Hodon

 

Click here to find Shabelle news English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 13, August 07 ( Sh.M.Network) Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa goordhaweyd weerar baasukayaal iyo bambaanooyin ah ku qaaday saldhigga degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlay qaraxyo xoogan iyo tacshiirado la is dhaafsaday.

 

Sida ay shabelle u sheegeen dadka ka agdhow saldhigga degmada Hodon, weerarkaan oo dhacay abaaro 8:20 Pm ayaa ahaa bambaanooyin markii hore lagu tuuray saldhigga, iyadoo deetana la maqlay qaraxyo loo adeegsaday qoryaha baasuukayasha ah.

 

Qaraxyada ka dib Tacshiirado xoogan ayaa waxaa is dhaafsaday ciidamada booliska saldhigga iyo kooxaha weerarka soo qaaday oo aan la garaneyn.

 

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay qaraxyadaan iyo tacshiiradaha xigsaday oo socday ku dhowaad 20 daqiiqo.

 

Waa weerarkii labaad oo caawa ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo caawa fiidkii bam gacmeed lagu weeraray degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho, walina lama oga qasaaraha ka dhashay.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Click here to find Shabelle news English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Muj: Red Sea:

You mean 'major offensive to DEFEND the homeland'.

You are the same man who boasted of Ethiopian support to the SNM. Where do you get the legitimacy to comment on such things?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Don't even get me started...and you know what I am talking about don't you? :D

 

 

This should be a logo on your forehead:

'Where barre hiiraale goes, I go' :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

By all means go ahead. Horn has flipflopped, yes he did. smile.gif

 

Originally posted by Mr. Red Sea:

the SNM was using the weapons they had captured from the SNA with the exception of few provided to them by Ethiopia.Which brings me to point out that the SNM was in Ethiopia under its own interest and EThiopia was also benefiting from them,it was we both win type of scenerio

Meesha cadaaladnimo ayaa loo baahanyahay. Not the tired game of my enemy's enemy is my friend you have played throughout the ICU period. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

:D Okay since you admited, can I call you flip floper of SOL?

 

Anyhow if that above response is your comeback to red sea, then how would you respond to other folks from Xamar who are against the open, naked and illegal aggression of Ethiopian forces? icon_razz.gif :confused: :rolleyes:

 

Now what? what will your excuse be. Personally I have lost all that I had for you since you dramatically changed your colors. But regardless of what I think of you, what would you say to men and women who have to put up with the opression of Ethiopian forces and thier stooges? :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Red Sea, Horn is very open with his positions. I have no reason to hide nor play the typical games some of us make a habit of. If I believe the position I have been subscribing to is no longer worthy in my eyes, I will withdraw my support and give where I believe it is deserving. That is normal especially in Somalia's changing political tides. Meeshaad maanta tagaantahay garan maysid inaad berri taagnaanaysi. I was with the Courts lock, stock, and barrel till the hypocrisy of the organization forced me to withdraw my support. Hypocrisies such as naming of Indhacade as security head, skipping the occupied Lower Shabelle and going to Kismaayo to ward of the city being a "potential" destination spot of foreign peace-keepers (at a time when their highest heads were on the airwaves praising Hiiraale of his anti-Ethiopian record in the civil war), etc. Then I gave support to the TFG in a moment of hope (wishful thinking it seems now) when I argued bringing back the state institutions would solve everything only to retract my support the moment the TFG used Ethiopia to shell Mogadishu. Waa anigii qoray "Wadaadadii doono ducana ugu dara waad na dubateene".

 

Marka anigu waan iska cadahay adeer. You are the one who boasted of Ethiopian support saying you benefiting from each other when an individual such as Duke can also argue that position since it is a win-win situation for him also, his adeer in power and Ethiopia occuping Somalia. So maada garan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Sheeko baralay.

 

Let us cut to the chase, waxaad ka xanaagday warlord hiiraale markii dhirbaaxada yar lagu dhuftay. Runta miyaa la isku sheego. That is it basically.

 

As it stands now, you don't even support the TFG. It's wherever you lil sub clan heads you are there. You don't have original bone in your body. Your whole stances evolve around your lil miny inny tiny sub clan. :D

 

ps. not trying to offend you but trying to irritate you.

 

The issue of the SNM.

 

They never brought Xabashis to Somalia to fight against Barre. They used Ethiopia as a base, they were later cast away by Ethiopia after Siyad signed treaty with them. They never reached the point of which Abdullahi Yusuf has reached twice(once with SSDF and now).

 

The only reason SNM used Ethiopia as a base, because it was the only alternative rout to Somalia since they have borders with us. If Kenya had borders with us(somaliland( they would use them as a base too. COMMON SENSE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

:D:D

 

Adeer UIC afaraheeda hadii loo dayn lahaa raga wadaadadi aanu niqiin, ninkii dagaalki Galgalato Maxakiimti boholki ay ku dhaceen ka bixiyey, tikniko iyo hub iyo saanadba u keenay maysan aadi lahayn ba waliba iyadoo Shabellada Hoose laga soo tilaabsaday. Wax laga dooda maaha taasi, inan yaroo siyaasada Somalia ku ektahay waxuu SomaliaOnline ka akhriyane wax laysku daaliyo maahe so mada garan. :D

 

Hadaan su'aashi ku celiyo, miyaad diidantahay sabab aad DUKE iyo ragiise afka ku taagtid inaadan haysan, maadama aad u horseeday siyaasaduu doorkeeda ciyaarayo? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Haa. Waayo dheh. La isma dhinac dhigi karo. wixii ay SNM waday iyo waxay TFG wado. SNM waxay ahaayeen xaq udirir somaliyeed oo ladagaalamaya dawlad kusheegii afwayne ee dadka laynaysay. At least they had the right cause.

 

Balse TFG du. Iyadu dadka somaliyeedna ushaqaynmayso. Dantooda ma wado. Ee waa nooc dawldad kusheega oo laga dhigtay halkii umada somaliyeed laga soo gali lahaa.

 

Kuwii kaliya ee umada wax uqabtay ee warlordkii cayriyey waa laga saaray meesha oo waxaa kasaaray cadawga shisheeye.

 

SNM waxay rabeen oo udagaalameyeen xaqa umada, TFG waa lagu shaqayste aan danta dalka iyo dadka toona wadin.

 

Teeda kale. Sawtii laba jeer dhagaha laga maray adeero col. Barre Hiiraale uu kabaha ka cararay ilaa Baydhabo uu Ethiopia hoosta ka galay. Isagoo leh yahoudna waan u adeegsan kuwaas (ICU) waxay ku dhigeen awgeed.

 

I know the reason that you are upset. The ICU whipped libaaxii beesha not once but twice. Sowmaaha. :D;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Muj: Red Sea:

Haa. Waayo dheh. La isma dhinac dhigi karo. wixii ay SNM waday iyo waxay TFG wado. SNM waxay ahaayeen xaq udirir somaliyeed oo ladagaalamaya dawlad kusheegii afwayne ee dadka laynaysay. At least they had the right cause.

 

Balse TFG du. Iyadu dadka somaliyeedna ushaqaynmayso. Dantooda ma wado. Ee waa nooc dawldad kusheega oo laga dhigtay halkii umada somaliyeed laga soo gali lahaa.

 

Kuwii kaliya ee umada wax uqabtay ee warlordkii cayriyey waa laga saaray meesha oo waxaa kasaaray cadawga shisheeye.

 

SNM waxay rabeen oo udagaalameyeen xaqa umada, TFG waa lagu shaqayste aan danta dalka iyo dadka toona wadin.

Adeer SNM maxaa xaq u dirir ka dhigay :confused: SNM adeer waa urur ku askumay suuqa madow baa la xiray, khaatkina waa la mamnuucay, xaq u diri halkee ayuu ka yimi :confused:

 

Laba sano ka hor suuqa madow inti aanan la xirin, adeer sow SNM beesha ku abtirsato maahayn ta SSDF inqilaabki inagoo ka nimi dagaalki '77 sabab ay ku raacdo wayday :confused:

 

Ta kale adeer miyaad i oranaysi SNM inayan iyadoo lafteeda iska dhigaynin ciidanka Soomaaliyeed garaacin magaalooyin ay ka mid yihiin Burco iyo Hargeisa si ay dadka u kiciyaan kuna diraan dawladi jirtay?

 

Ta afaraad, adeer halkee ayaad ku aragtay dawlad caalami ah oo u ogolaato in jabhad ka dhan ah inay dalka meel ka maamulato waliba iyadoo soo hogaamisay cadowga soo jireenka ahi ee ummada Soomaaliyeed :confused:

 

Adeer, xaq u dirir xaal qaado!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Your denial of the truth is unbelievable.But waan lasocdaa in Afwaynow Siyad Barre laftiisu uu ahaa adeero.Sidaa darteed Hornafrique wuu dee difaaci uun. :D

 

Nabadeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Whenever you feel the need to refute my points feel free to come back adeer. We will go through it point by point. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this