Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Marxuum Fagadhe: Siyaasi ka koray Dharabta Qabiilka

Recommended Posts

Siyaasiyiinta Soomalidu waxa ay siyaasadooda ku saleeyaan xifaalaha beesha iyo afkaaro-qabiil, oo lama yimaadaan aragti midho-dhal ah oo umaddooda baahan guud ahaan dan-u wada ah oo horumar, nabad iyo wada-noolaasho sidii loogu hogaamin lahaa raadshaan. Waxa ay doonaan magac-beeleed iyo beel ayaan wax u raadinayaa iyo sad-bursiiyo qadhaabka yar ee dakhliga umada ah sidii uu ugu badsan lahaa.

 

Marxuum Fagadhe, wuxuu ka mid ahaa faro ku tiriska ku dadaalay horumarinta bulsho-waynta Somaliland ama Soomaaliyeedba iyo horumarinta xorriyaadka muwaadiniinta, taas oo ka soo jeeda mudada dheer ee uu ku jiray halganka baadi-doonka xuquuqda shaqaalaha iyo aragtida hanti-wadaaga ee laf-dhabarkeedu yahay danaha xoogsatada.

 

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Aabbihii dhismaha maamulka Somaliland iyo nabadaynta beelaha Somaliland, oo aan illaa iyo maanta meel kale oo Soomaali degto aanay cidi ku guulaysan in ay dhisto maamul nabad iyo horumar u horseeda dadka ku hoos nool, ayaa waxa uu igu yidhi maalin isaga oo ka sheekaynaya marxuum Fagadhe: “Fagadhe waxa ku jecelahay waa nin isku kalsoon oo Somaliland u haysta in aan cidina ka xigin oo waliba gacan ku dara cidii afka-la soo gasha, waa ninka qudha ee *********** ee aan ku hubo in uu aaminsan yahay Somaliland”.

 

Xamaasada uu u hayay Somaliland iyo kalsoonida uu isku qabay, waxa dhacday in marxuum Cigaal oo magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome kula shiray madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Dawlada Talyaaniga isaga oo uu marxuum Fagadhe weheliyo oo markaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ah, ayaa nin ka mid ahaa qoladii Talyaaniga ahayd uu ka sheegay Somaliland wax aan dhab ahayn, marxuum Fagadhe inta uu is ilaaway ayuu feedh kula dhacay ninkii Talyaaniga ahaa, taas oo dirqi lagaga qabtay oo ku kaliftay marxuum Cigaal in uu warqad raali-gelin ah uu u qoro Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Dibadda dawlada Talyaaniga oo shirkaas fadhiyay.

 

Marxuum Fagadhe dadwaynaha Somaliland iyo Aqoon-yahan-kiisaba waa ay u aqoonsan yihiin kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka soo qayb galay nabadeynta iyo dib-u-dhiska Somaliland. Wuu ka duwanaa siyaasiyiinta weli jiifta dharabta beesha. Kamuu helin marxuum Fagadhe markii xanuunka iyo da’duba ay la kulantay abaal xukuumada iyo mucaaridkaba, hase ahaatee, taariikhdu ma ilaawi doonto wixii uu gashaday umada Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee.

 

Alle ha naxariisto marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), samir iyo iimaanna ha ka siiyo dadkiisii iyo ehelkiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeedba meel kasta ha joogtee.

 

 

Qallinkii : Prof. Maxamed Siciid Maxamed (Gees)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I met him couple of times back in 1991 and he seemed a nice guy with good sense of humour although I don't know much about him. Ilaah ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Wareysigiisii BBC-da intuusan dhiman ka hor ayaan dhegeystay, Masha Allah, Alle ha u naxariisto.

 

Ps. Siyasi kale oo cimri dheer oo beri dhow la wareysanayey -oo Ra'iisul Baarlamaanka SL miyaa ma ogiye- isna wa iga yaabiyey!.

 

Waxaan hubaa haddii Koonfurta hagaagto in goosi uu jiri doonin!, Xaaji Xunjuf meeshuu geli lahaa baa la rabaa markaas!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

waa ogahay, ee waa haddii..

 

koonfur, Cambaha waa tubeey taano, Sl-na haddii Bilcaantu ku wallacdo waa kuu dhamaatay!, isn't that good reason to come back to Somalinimo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaday somalinimad ma wax laga baxa marna la so gallo manay ahayn wax lo dhasho mise to proof your somalinimo wa inad isbaaro badda iyo bariga dhigatiid.

 

Inaadeer cambahaga iyo muuskaga iyo waxaas oo dhan iska haysta anagu maba cunno waxaas

Geelena ino kala sooca ma ceeb ba waxaasi sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^JB u sheeg taas.

 

Somalinimada waa sax, waxaanse ka wadaa 'land'ka aad gadaal uga dartiin! ee inaad Somali tahay waan ogahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

AUN the Marxuum and condolences to his family.

 

Originally posted by Maaddeey:

isn't that good reason to come back to Somalinimo
smile.gif

Somalinimo? Don't forget the script kaabo, because Somalinimo won't liberate Alaska. Do you understand Mujaahid?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Maaddeey

Calan madow baa ilaa iyo Antarctica laga taageeya la yidhi. Anyways, let's stop it there before we hijack the big man's memorial thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this