Sign in to follow this  
SOO MAAL

Dabaaldega Maalinta Weyn ee Kowda Luuliyo

Recommended Posts

SOO MAAL   

Dabaaldega Maalinta Weyn ee Kowda Luuliyo

 

 

 

 

Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u diyaar garoobayaan xuska 1-da Luuliyo oo ah maalin taariikh qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadaas waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

 

Maalintaas qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa abayaashii Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal Soomaaliyeed oo madaxbanaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si gobonimo leh.

 

Aabayaashii u soo halgamay dhismaha iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed waxey dagaal siyaasadeed oo ka culus kii gumeystaha reer Yurub ay gaashaanka ugu dhigeen Cadowga Xabashida. Waxaa Xusid mudan in maalintaas ay ku noqotay Xabashida xidig ku soo baxday oo ay dabooliweysey.

 

Maalintaas waxey Soomaalida u horseeday aqoonsiga jiritaanka dadkeeda iyo dalkeeda. Waxey kaloo Soomaalida dhexgelisey aduunweynaha intiisa kale oo qadarin iyo sharaf ku aqoonsaday. Dhalashada Jamhuuriyada Soomaaliya waxey ku soo ifbixisay aduunkana u soo bandhigtay dhulalka ka maqan. Soomaalida waxay adeegsatay siyaasad iyo aqoon ku saleysan midnimada Soomaaliyeed, sidaasna waxay ugu dagaalantay aaya katalinta umadda Soomaaliyeed ee cadawga gumeysto. Siyaasadii geesinimada ku dhisneyd ee looga soo horjeedey cadowga Xabashida iyo Fransiiska waxey marar badan halis gelisey qaranimadii curdanka ahayd ee Soomaalida, waxaana ka soo gaaray dhibaatooyin soo jiitamayey oo sababay dagaalo sokeeye iyo burbur ku yimid dowladnimadii dhiiga badan loogu daadiyey in loo dhiso dadka Soomaaliyeed.

 

Inkasta oo maanta uu weli jiro calanka Soomaaliyeed, haddana waxaa dalka fursad u helay Cadowgii soo jireenka ahaa ee weligeed Soomaalidu lahayd kaas oo ah Itoobiya. Xabashida marna kama daalin in ay u adeegsato dumista qaranimada Soomaaliyeed madax maqaar saar ah oo ay u sameeysay Soomaalida, kuwaas oo uu ku ciribtirayo jiritaanka xidigtii Kowda Luuliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this