Sign in to follow this  
Som@li

SHIRWEYNIHII JAALIYADA REER MAAKHIR EE DALKA KENYA OO KA DHACAY MAGAALADDA NAIROBI

Recommended Posts

Som@li   

Waxaani Aaminsanahay Colaada Galgala in aanay salka ku hayn been abuurka laga faafiyay oo aanay deegaankaasi ku nooleyn dad ajaanib ah iyo Wax Argagagxiso ahi oo dagaalku salka ku hayo Dhaqaale raadis, dalriix iyo dane shisheeye oo laga leeyahay guud ahaan bulashada ku dhaqan Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari.

 

 

1: Waxaan Xoojinaynaa Baaqii Odayaasha Deegaanku kasoo saaren Gobolka ee ku saleysnaa xalka nabada ee deegaanka.

 

 

2:In Ciidamada kusoo duulay Galgala si shuruud la'aana ah ay kaga baxaan deegaanka.

 

 

3:In Isimada iyo Cuqaasha Deegaanka aan loo gacan dhaafin dadka iyo deegaankooda.

 

 

4:In Shuruud La'aan looga qaado Cunaqabateynta lagu soo rogay deegaanka kala ah Galgala, Af urur, Majaro, Ceelayo iyo inta kale ee ku hareeraysan.

 

 

5: Anagoo ah Odayaasha Beesha Wars.. Waxaanu ugu baaqeynaa Waxgaradka Beesha Maj.. in ay joojiyaan Gumaadka iyo Dalriixa lagu hayo dadkayaga iyo dalkayaga hadii aanay ka hadlin waxaanu u aragnaa in ay raali ka yihiin taasi oo keenaysa in uu dhamaado kalsoonidii iyo dulqaadku.

 

 

6:In dadka deegaanka ka barakacay Aduun Weynaha, Jaaliyadaha Dibada ay la gaadhaan gar gaar deg deg ah oo bini aadanimo oo dadkii kasoo barakacay si toosa dib ay ugu soo noqdaan deegaankii ay ka qaxeen.

 

 

7:Waa In Shacabka iyo dadka Lagu been abuurtay aan Sharaftooda Meel Lagaga dhicin

 

 

8:Waxaanu u sheegaynaa in Maamulka Puntland Lagu aasaasay hab beeleed oo la isku darsaday. dheeftiisa iyo dhibtiisuna u dhaxeyso guud ahaan beelaha dhistay, Laakin waxaa cadaatay in deegano gaara ay leeyihiin anfaca dalka, sidaasi daraadeed hadii aan loo sinaan oo hawshu sidii lagu aasasay aanay ku socon taasi waxay wax u dhimaysaa heshiiskii wakhtigaas, tashi guudna waan ka qaadanaynaa anagoo ah beesha Warsangali ee degta dhulka baxaada weyn ee kala ah Sanaag, Haylaan. Bari iyo Jubada Hoose.

 

 

9: Qodobada kor ku xusan waxay ku socdaan dhamaan bulshada iyo waxgaradka Puntland, Waxgaraadka Soomaaliyeed Wadamada jaarka ah sida Yamen, Kenya, Ethiopia Jabuuti, Beesha Caalamka iyo dhamaan dadka daneeya Arimaha Soomaaliya.

 

 

10 Qodobka kor ku xusan hadii sida ay tahay wax looga qaban waayo xaajada iyo xaaladana la isla fahmi waayo waxay ka turjumaysaa in la hareer maray heshiiskii lagu aasasay Puntland, Arinka waxaa si gaara uga tashanaya guud ahaan beesha Wars.. iyo dadka deegaanka ee saameynta ku leedahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

hirkii Jaliyadda Maakhir ee dalka Kenya ay ku Qabteen ayaa Maanta Goor dhawayd Soo Gaba Gaboobay waxana Laga soo saaray Qodobo Muhiim ah kuwaasi oo ay isla Garteen Cuqaashii iyo Xubnihii Shirkaasi soo Abaabulay, Shirka ayaa u Muuqday Mid Dareen Gooni ah Xanbaarsan waxana Warbixino Laga dhegaystay Xubno Xog dheeraad ah ka haya Guud ahaan Xaalada Gobolada Bari, Sanaag, Hayland, J.hoose.

 

 

 

Aqoon Yahan Reer Maakhir.

 

Dr Siciid Salaad oo ha mid ah Aqoonyahanada Gobolada ayaa Halkaasi ka soo Jeediyay Macluumaad dheeraad ah oo laga soo Uruuriyay Wakhtigan xaalada dhabta ah ee ay GalGala ku Sugan Tahay dhibaatooyinkii Shacabka Loo Gaystay iyo Weearadii is daba Jooga ahaa ee Deegaankaasi ka dhacay.

 

A.Deegaanka Galgala :

 

* Galgala waxay ku taal Galbeedka Gobolka Bari,Waxay Boosaaso ujirtaa 40 Km

* Dadka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 100.000 oo qof

* Dadka deegaanka Galgala waa Beeraley.iyo Xoolo raacato.waxaa lagu beertaa Galgala Timir,Liinta,Muuska,Canbaha.Khudaarta Noocyadeeda kala duwan iyo Geed waynta oo Idil.

* Galgala waa deegaan dihin, dhanka khayraadka dabiicig

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this