Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel Omar Sharmarke should be arrested for treason

Recommended Posts

afp_somalia_sharmarke_file14apr09_210.jpsharif_ahmed.jpg

 

The controversial and treacherous MOA, between the feeble TFG of Sharif Hotel & Kenya has resulted in putting to question the sovereignty of Somalia over a large area of the republics traditional maritime territory. At first Sharif Hotel’s government denied there was any problem, then they rebuked the Somali Parliament decision to outlaw such a deal.

 

Now Omar Sharmarke is saying they were indeed tricked by the Kenyan’s and that they were misled by Walid Abdalla’s office. These morons, think they can sign a deal make a little bit of money and then change their minds?

 

Also Norway has been a big player, as the worlds preeminent of shore oil exploiters they are interested in this specific area because it might have billions of barrel of oil.

 

The Kenyans are smiling and have sent the “agreement” to the UN for arbitration.

 

Now Sharif Hotel & his PM have given up a large piece of Somalia for no reason other a few dollars.

 

Its time for these two men to pay a heavy price.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayrobi: " DF cidna kuma qabsin heshiiskii ay usaxiixday Kenya" Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasada ee QM uqaabilsan Soomaaliya.

6. november 2009

 

Nayrobi(AllPuntland)- Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Arrimaha Siyaasada ee dalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Axmad Walad Cabdalla ayaa laga sheegay in aysan dawladda KMG ah cidna ku qasbin heshiiskii ay usaxiixday dawladda Kenya, waxaana laga sheegay Xaafiiskaas in ay heshiiskaas saxiixdiisa horay udiiday dawladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Yuusuf.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Xaafiiskan ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka ka soo baxay Raysalwasaaraha dawladda KMG ah Md. Cumar C/rishiid Cali Sharmaake oo todobaadkii hore ku sheegay in lugu qayaamay heshiiskaasi, isla markaasna uu ka shaqeeyey bilowgii howshan Axmad Walad Cabdalla.

 

" Marna wax ugama jiraan sida uu sheegay Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka, Heshiiskaas cidna kuma qasbin dawladda KMG ah, ayadaa saxiixday Xaafiiskeena waxba kama ogeyn, aan ka aheyn in ay ******** markii la saxiixay heshiiskan" Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Xaafiiskaas oo ka gaabsaday Magaciisa.

 

Raysalwasaare Sharmaake ayaa sheegay in ay bilowgii howshan lahayd Qaramada Midowbay, Axmad Walad Cabdalla iyo Khabiiro udhashay Norway-dna ay ugu tageen Madaxda dawladda Soomaaliya, xaafiisyadooda Muqdisho, ayna usheegeen in hadii aan la saxiixin heshiiskaas la dhacayo badda Soomaaliya.

 

" Anoo joogna waxaa noo yimid ninka Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya Axmad Walad Cabdalla iyo Khabiiro ka socday Norwayd ujeedadoodu waxa ay ahayd in ay noo sheegaan in la dhacayo Badda Soomaaliya, markaas ayaan anagoo ilaalinayna badda Soomaaliya raacayna warkoodina aan saxiixnay heshiiskaasi" Ayuu yiri Raysalwasaaraha Soomaaliya oo la hadlayay Jaaliyada Soomaalida ee dalka Ingiriiska.

 

Hada Axmad Walad Cabdalla ayaa doonaya in uu helo wado uga baxo heshiiskaasi, waxaana mar lugu wargeystay Qaramada Midowgay oo ay wareystay Jariirad ay leedahay Qaramada Midowbay, uu si jees-jees kujiro uga gudbay arrinta Badda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Soomaalidu is heystaan, isla markaasna ay dalal badan ka faa'iideysteen, isagoo ula jeeday heshiiskan iyo kuwa kale oo hoose.

 

" Dad badan ayaa eedaynaya Xaafiiskeena iyo Axmad Walad Cabdalla, runtii aan ognahay taas, waxaana ila tahay waa mid qaldan" Ayuu si dad badan uyiri Sarkaal ka tirsan Xaafiiskaasi.

 

1995-tii ayaa Xaafiiska Arrimaha Siyaasada ee QM uqaabilsan Soomaaliya laga furay magaalada Nayrobi, waxaana ujeedadu ahayd la socodka xaaladaha Soomaalida, waxaa soo maray Siyaasiin kala gedisan oo dhamaantood ukala dhashay dalal kala gedisan wax badana kala socday Siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Axmad Walad Cabdalla ayaa loo magacaabay jagadan horaantii sannadkii 2007-badii, waxaana magacaabay Xoghayaha Qaramada Midwbay Ban Ki Moon oo door bidayay in uu wax ka qaban karay xaaladaha Siyaasadeed iyo horumarineed ee dalka Soomaaliya, balse taas ayaa la rumeysan yahay in uu ku fashilmay Axmad Walad Cabdalla, maadaama aysan jeclaysan Soomaali badan dadaalo badan oo uu qaaday oo dhamaantood noqday kuwa yeelan waaya horusocod, oo ay ku jirto dhismihii dawladda hada jirta oo laga dhaxlay dagaalo sababay dhimashada dad badan, Khilaafyadii Soomaalida oo siyaaday & saxiixida heshiis aysan jecleysan Wadaniyiinta Soomaalida.

 

Jagadan Axmad waxaa kaga horeeyey François Lonseny Fall,oo uu sannadkii 2005-tii magacaabay, Kofi Anan xoghayihii hore ee Qaramada Midowbay, waxaana Mr, Fall lugu xasuustaa in uu dhex-dhexaad ka ahaa xaaladihii Siyaasadeed ee sannadyadii uu joogay Xaafiiskaas, siiba kuwii ugu darnaa ee waqtigaas soo wajahay xaafiiskiisa oo ay ka mid ahaayeen dagaaladii udhaxeeyey xoogag markaas soo baxay (Kooxihii Maxkamadihii) & dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya, isagoo mudo badan isku dayay dadaalo nabdeed balse ay dhinacyadu siyaabo kala gedisan u arkayeen.

 

Dadka Soomaalida ayaa qaarkood soo dhaweeyey markii uu soo baxay warka sheegaya in Axmad Walad Cabdalla laga qaadayo xilka uu hayo, isla markaasna lugu badalayo nin cusub oo udhashay dalka Ingiriiska, Mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiin ay ku jiraan dad haya xilal waa weyn ayaa soo dhaweeyey talaabadaasi.

 

Ash-tako badan oo ka dhan ah Axmad Walad Cabdalla ayaa gaartay, ninkii soo magacaabay Ban Ki Moon, waxaana la xasuustaa in uu Ban Ki Moon sheegay in uu helay sannadkii hore dhaliilo badan oo ay soo gudbiyeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ku eedeeyey Axmad Walad Cabdalla in uusan dhex-dhexaad ka heyn xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro

Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com | Thursday, November 5, 2009

 

 

SomaliTalk.com | November 6, 2009

 

Xog laga soo xigtey saraakiisha Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay (QM), Axmed Walad Cabdalla, ayaa sheegaysa in heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda uusan khasab ku ahayn in Soomaaliya ay saxiixdo “Arrintaan (heshiiska is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi kareen hadda ma samayn karro, oo malaayiin hawlood oo kale ayaa nooyaal, ee soo laabta shan sano kaddib,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Walad Cabdalla.

 

Xafiiska Walad Cabdalla, oo sida ku cad qoraalkii ay DFKMG u gudbisay QM, ka qayb qaatay gudbinta akhbaartii ay Soomaaliya u gudbisay QM, ayaa qirsan in aysan Soomaalida khasab ku ahayn in ay Kenya la galaan heshiis Is-fagarad ku saabsan xuduudaha Badda.

 

Markii la weydiiyey sababta ay Norway ugu dhex jirto arrimaha la xiriira heshiiska Is-afgarad ee badda Soomaaliya iyo Kenya, waxa sarkaalka Xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay:

 

“Waxaan u malaynayaa in (Norway) ay doonayaan…. waxaan u malaynayaa in ay rabaan qalfoofka qaaradda… Waxaan u malaynayaa in ay doonayaan isku day in dalalka Afrika oo dhan ay cabbir sugan u sameeyaan xeebahooda ee qalfoofka qaaradda, kaddib markaa ay (Norway) awood u yeelato in ay Shidaal ka qoddo, sababtoo ah haddii aan cabbirka xadka la aqoon ma qodi karaan, marka xuduudaha la cabiro ayey shidaal ka baari karaan.”

 

Markii la weydiiyey su’aal ahayd: Maadaama Soomaaliya aysan hadda haysan khubaro, isla markaasna ay Qarammada Midoobay arrimahaas fahmi karaan, miyaan la oran kari arrintan waxaa masuuliyad ka saaran tahay Qarammada Midoobay. Waxa markaas sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Laakiin arrintani waxay khusaysaa Soomaalida iyaga ayaana leh go’aanka iyo waxa arrinta laga dhehayo.” Markaas ayaa la weydiiyay: Waad ogtihiin waa sababta xafiiskiinu u jiro (in QM ay Soomaaliya wax u qabato). Waxa sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Laakiin waxa xafiisku u jiraa – oo aan samayn karnaa – in aan ahaano broker (lataliye, dallaal, ukala dabqaade)… idiinma sheegeyno waxaad samayn lahaydeen. Soomaalida shardi kuma ahayn, mana jirto cid ku khasabtay (in ay saxiixdo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya). Arrintaan (heshiiska is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi kareen hadda ma samayn karro, oo malaayiin hawlood oo kale ayaa nooyaal, ee soo laabta shan sano kaddib.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Now Omar Sharmarke is saying they were indeed tricked by the Kenyan’s and that they were misled by Walid Abdalla’s office.

Saxiib halku ku yiiri hadalkas ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by General Duke:

Now Omar Sharmarke is saying they were indeed tricked by the Kenyan’s and that they were misled by Walid Abdalla’s office.

Saxiib halku ku yiiri hadalkas ?

Heshiiskii Lagu Khiyaamay

Dowladda FKMG oo qiratay in lagu khiyaamay heshiiskii badda ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya

VIDEO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale, sida uu sheegay Raysul wasaare Cumar C/rashiid ka sheegay London, Walad Cabdalla iyo Khabiir kale ayaa markii ladoortay Dowlada FKMG ee lagu shiday Jabuuti tagay Muqdisho oo ku qanciyey talaabooyinka ay qaaday.
“Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda….”
ayuu yiri Cumar C/rashiid oo October 28, 2009.

 

Xafiiskii (QM) ee lahaa asaaska heshiiskaas Is-afgarad ayaa hadda qirsan in aysanba markii hore DFKMG khasab ku ahayn in ay Is-afgaradkaas la gasho Kenya.

 

Maxaad kala socotaa taariikhda xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii la xasuusiyey in C/laahi Yuusuf uu dhahay sidaas (in hadda Soomaaliya aysan gelayn heshiiskaas), waxaa sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Haa… mana ogi hadda sababta (ay DFKMG ee hadda) u sameeyeen arrintan. Waxaan u malaynayaa in aysanba markaas fahamsanayn arrinta. Ma ogi waxa meesha ku qarsoon.

 

Markii loo sheegay fikradda ay rumaysan yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed in ay tahay in idinku (Xafiiska Walad Cabdalla) uu masuul ka yahay waxa dhacay? Waxaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Waa ognahay in qof kasta uu annaga na eedaynayo…” Markaas ayaa la weydiiyay in arrintan laga hadlayo ay tahay go’aan weyn oo ku saabsan muran dhul iyo muran badeed, isla markaasna la xasuusiyey in arrintaas ay Qarammada Midoobay indhaha ka dadbatay. Waxaa xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay “ma ogi in QM ay xallin karto muranka dhulka….”

 

Marar badan ayaa DFKMG waxay ku andacootey in ay khasab ku ahayd in ay Kenya la saxiixato heshiis Is-faham ee la xiriira xuduudda badda, si markaas ay xogta ugu gudbisato QM, arrintaas in aan waxba ka jirin ayadoo hore ay shacabka Soomaaliyeed u ogaayeen ayaa haddana waxaa si qeexan u caddeeyay sarkaalka ka tirsan Xafiiska Walad Cabdalla.

 

Waxaana xusid mudan in Walad Cabdalla uu ahaa kii bilaabay ururinta xogta ay Soomaalidu u gudbisay QM, sida ku cad qormada hordhaca ah ee DFKMG u gudbisay UN April 14, 2009. Bogga 3aad ee qoraalkaas waxaa ku qoran: “October 2008 ayaa ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa lahaa bilawga akhbaarta hordhaca ah ee muujinaysa qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya wixii ka durugsan 200 mayl badeed.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

As heads of state, they should know alot better what conferences and agreements they are signing or attending.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They got paid for it, or they were ****** enough to think this would make the Kenyans do them some favours. These men need to be brought to justice, even if this fails, their political careers are over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jurile.jpg

 

Badda ayuu u weecday Jurrile, asagoo dhaar xafkasiiyay, waxa uu yiri
“YAA RABBI, WARYAA ILAAHEY YAQAAN, BAD BAA GADATEEN AYAA LA YIRI, WALLAAHI AYAANAN GADAN BAD”.

 

U malaynmahayo hadii aanan oraneyn, Jurriloow afar iyo tobanka iyo boqolka ayaan aqaanaa, yaa kaa akhrisanahaya, balse dhaarta masuulkaas sida uu yiri ayaan anigu u qaatay, anoo walina indhaheygu jaleecayaan mudane C/raxmaan C/shakuur,oo xantu u badan tahay dhankiisa.

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Keny-Somali160409.jpg

 

kagadaal ayuu u weecday arintii Badda, asagoo codkiisa kor u qaadaya lehna
“Baddu waa soo laablaabatay, anigu hadaba hadii aan saxiixay caawa waxaa i garab fadhiya R/W Sharmaarke oo aan amarkiisa ku saxiixay, wixii dood ahna isagaaba hada u jooga, jawaabna idinka siin doona”.

 

Ka dar oo dibi dhal arintii miyaysan aheyn hadaba, Mudane C/raxmaan Falaartii go’i weyday ee badda Caawa ayuu banaanka iskaga soo dhiftay, balse yay ku hadhay taloow, waa R/W Sharmaarke oo durba laga dheehan karay in ay hinif hoose liqsiisay, maxaa xigay.

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by General Duke:

Now Omar Sharmarke is saying they were indeed tricked by the Kenyan’s and that they were misled by Walid Abdalla’s office.

Saxiib halku ku yiiri hadalkas ?
Juje waa is daalineysaa ma is tiri? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I thank Somalitalk website for exposing many things that many websites are silent of matters that are concerning the resources of our country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this