Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Another explosion in bosaaso.

Recommended Posts

NEWS

 

Qarax ka dhacay Bosaso

January 22, 2010Waxaa caawa uu qarax bambaano ka dhacay bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari, Qaraxan oo la sheegay in lala bartilmaamsaday ciidamada Amniga ee Bosaso.

 

Wararka horudhaca ah ee soo gaaraya Warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay nawaaxiga Xarunta Xalwo Banaadir ee bartamaha magaalada Bosaso, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Amniga oo waday baaritaano. Sida aanu kasoo xiganeyno qaar kamid ah dadkii halkaasi ku sugnaa, waxay sheegeen in bam gacmeed lagu tuuray goob u dhaw halkii ay ciidamada ku sugnaayeen.

 

Taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo Horseed Media la xariirtey ayaa u xaqiijiyey inuu qaraxan dhacay, isla markaana wuxuu Taliyuhu sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay. Col.Jaqanaf ayaa intaa ku daray in hada ciidamada ay wadaan baaritaan ku aadan qofkii weerarkaasi ka danbeeyey, asagoo sheegay inay gadaal ka shaacin doonaan wixii tafaasiil ah.

 

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada Bosaso ka socdaan hawlgalo amniga lagu sugayo, ayadoo dhawaan magaalada Bosaso lagu dilay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa Ilaah mahadiis inuusan khasaare geysan. Ilaahay Soomaali haka qabto kuwa dabka la dhex wareegaya oo weliba meelaha la is dhihi karo xoogaa nabad ah baa ka jirta dabka ku hurinaya.

 

Ayaandarrada Soomaali haysataa waxay tahay dad badani markii magaalo beeshu degto un la arko in dhibaato ka dhacdo ayay ka xumaadaan, balse waxaa habboon in fawdo nooc ay tahayba meel looga soo wada jeesto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

,,,,balse waxaa habboon in fawdo nooc ay tahayba meel looga soo wada jeesto

 

 

Abwaan got prety right. But will that happen among Somalis on Somali soil? Let's hope it happens...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this