Sign in to follow this  
NASSIR

Deployment of AU troops in Somalia is set for April 30

Recommended Posts

NASSIR   

IGAD States to Deploy in Somalia

 

 

Kampala)

 

March 16, 2005

Posted to the web March 16, 2005

 

 

Alfred Wasike

Kampala

 

 

THE Inter-Governmental Authority on development (IGAD) states are to deploy a joint force in strife-torn Somalia by April 30.

 

The IGAD chairperson, President Yoweri Museveni, lashed out at the war-lords in Somalia, saying, "It is a grave mistake for anyone to say the war-lords represent the aspirations of Somalians."

 

 

He said the war-loads were hostage-takers who should not hold Somalia to ransom.

 

Museveni said the UN was not helping Africa to liberate itself from bad governance and other woes.

 

He was addressing defence ministers from Uganda, Kenya, Somalia and representatives of defence ministers from Djibouti, Ethiopia and Sudan at Entebbe on Monday.

 

The six countries and Eritrea make up IGAD.

 

IGAD and the African Union are are organising the deployment of eight battalions in a force code-named IGASOM (IGAD Peace Support Mission to Somalia).

 

The UPDF army commander, Lt. Gen. Aronda Nyakairima, said IGASOM would last nine months to help the new Somali government relocate from Nairobi after which the Africa Union would take over.

 

Somalia has been stateless and embroiled in anarchy for about 15 years since President Siad Barre was toppled.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wejiga koowaad howlgalka Ciidamada IGAD ee Soomaaliya oo la Shaaciyay iyo meelaha ay tagayaan,iyo weliba wejiga Labad goobta ay tagi doonan

 

Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday goorta ciidamada IGAD imaan doonan Soomaaliya,isagoo sheegay in wejiga koowaad ee Ciidamadaas oo ah 4 Batalyan ay tagi doonan Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo 30 bisha Apriil.

 

Jen C/raxmaan Maxamud Cali oo ah Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG ah ayaa yiriâ€Wejiga Labaad waxaa la geynayaa B/weyne iyo Gaalkacyo, waana 2 Batalyan, taasi waxay dhacaysaa 2 week kadib marka ay soomaaliya tagaan wejiga koowaad ee Ciidamadaâ€.

 

Mar uu ka hadlayay goorta Banaadir iyo Jubbooyinka Ciidamada imaan doonan ayuu sheegay in marka hore dadka Goboladaas ku nool laga dhex bilaabi doona nabadeyn waa sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in markas kadib Ciidamadaas imaan doonan Jubbooyinka iyo Banaadir.

 

Sida muuqato IGAD ayaa waxaa u qorsheysan in Ciidamada IGADSOM tagaan Labada Gobol ee Baay iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo Labadaas Gobol noqon doonan goobta ay dowladda KMG ah degi doonta.

 

Dalalka Itoobiya,Uganda,Kenya iyo Suudan waxay soomaaliya u soo dirayaan min hal Batalyan(100 ilaa 1000), halka dalka Jabuuti u soo dirayaan nus Batalyan ciidamo ah, Sida la sheegayo ciidamada ugu horeeyay waxay soomaaliya imaan doonan 30 bisha Apriil ee sanadkan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Am wondering, are they not sending troops to Punt-Land and Somali-Land, the two have more guns too :eek:

 

This is an all Somalia OPERATION, where there is guns, there must be AU troops.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Nuune, Punt-land and Somali-land haven't been excluded yet, particularly Puntland.

 

"The force will deploy throughout Somalia, from Puntland all the way to the south, but not in Somaliland," the officer said after meetings of east African military experts at which the eight-battalion deployment was worked out.

 

Independent Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Ciidamada Soomaaliya la Geynayo ma aha kuwo Cid la Dagaalamaya" Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Jen. Beyr

- Thursday, March 17, 2005 at 01:20

 

16.03.05 - Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada ku bahooday IGAD ayaa soo afjaray shirkoodii maalmahan uga socday duleedka caasimada Ugaandha, waxaan lagu go’aamiyay in Soomaaliya ciidamado nabada Ilaalin ah la diro.

 

Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumada FKMG ee Soomaaliya Jen. Cabdiraxmaan Maxamuud Cali (Beyr) oo ka qeyb galay kulankaas wasiirada ayaa BBC-da Laanta Afsoomaaligu wax ka waydiisay howlaha ciidamada, Axmed Maxamed Nairobi ayaa ugu horeyn waydiiyey, bal inuu faahfaahin ka bixiyo howsha ciidamadaasi ay soo qabanayaan wuxuuna ku jawaabay:

 

Jen. Beyr: Sida aad ka warhaysid Axamedow Soomaaliya waxaa laga aasaasnay dowlad. Dowladaasi waa inay dalkii ku noqoto, marka ay Dalkii ku noqoneyso, hadee iskama tagi karto iyadoo wax la’a, iyadoon ciidamo daadihinaya wadan iskama tagi karto, dhibaato ayay ku noqoneysaa, ciidamo soomaaliyeed oo hadda inoo aasaasan oo dalkii jooga oo nabad galyada ilaalin kara oo Xukuumada iyo Baarlamaanka iyo dhamaan Hay’adaha Dowlada aan ku iraahdee howsha looga baahan yahay qaban kara ma haysano sida aynu ognahay. Markaa waxaa lagama maarmaan noqotey in Maadaxweynahu waydiisto dowladaha IGAD ciidamo kaalmeeya oo daadihiya Xukuumada markay ku noqonayso Dalka, si loo sugo nabada kadina dibu heshiisiintii u sii socoto.

 

Axmed Maxamed: Ma wadamada IGAD oo idil baa diraya ciidamda mise qaar baan direyn?

 

Jen. Beyr: Sida runta ah waa inay IGAD dhamaantood ciidamo diraan, ciidamadaas ay direyaan waa inay wixii kharash ah iyagu bixiyaan, kharashkaas oo laga helayo wadamada deeqda bixiya.

 

Axmed Maxamed: Ciidamadan la dirayo ee ay dirayaan wadamada IGAD tiradoodu waa imisa?

 

Jen. Beyr: waxaa laysla gartay ama laysla ogolaaday in la diro ilaa 8 Betaliyan (guuto).

 

Axmed Maxamed: 8-da Betaliyan waa imisa Askari?. Jen. Beyr: waxaay ku xidhan tahay organization Dalka kastaa leeyahay ayay ku xidhan tahay, laakiin 500 Askari qaar baa ah, 600 Askari qaar baa ah, 1000 qaar baa ah, Qaarba waa si, taasi waxay ku xidhan tahay Dowlada organization-kooda, waxaa loo baahan yahay shirka Madadaxweyneyaasha oo dhawaan kulmaya inay go’aan ka gaadhaan, laakiin waxaa laysla waafaqay in marka ugu horeysa in Soomaaliya loo diro 4 Betaliyan, meesha la geynaya iyo meesha laga dejinayo waxay ku xidhan tahay sida ay dowladu u rabto. Marxalada Labaad iyana waxaa la geynayaa 2 Betaliyaan, Marxalada Sadexaad isagu wakhti ayuu qaadanayaa, waxayna noqonaysaa in la geeyo meesha loo yaqaan Aku-Benaadir iyo Jubooyinka, hase ahaatee waxa la door biday in dhulkaas laga shaqeeyo oo la nabadeeyo ilaa inta aan hadda ciidan la geyn.

 

Axmed Maxamed: Awooda Ciidankaasi sidee buu noqonayaa? Hubkoodu muxuu noqonayaa?

 

Jen. Beyr. Ciidankaas Soomaaliya loo geyn maayo inuu cid la dagaalamo ama cid hafiyo, ciidankaasi wuxuu ilaalinayaa meelaha ay fadhiyaan dowladu, Laakiin waa ciidan is difaaci kara hadii loo baahdo.

 

Axmed Maxamed: Hadii Baarlamaanku uu diido inuu ansaxiyo in ciidamada in la geeyo Soomaaliya, maxaa markaa talaabo ah oo aad qaadeysaan?

 

Jen. Beyr: U maleyn maayo in Baarlamaanku diidayo in ciidan soomaaliya la geeyo, waxaa yeelay nabad galyadii ummadda ayaa ku xidhan?

 

Axmed Maxamed: Hadaad tahay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Soomaaliya, kana soo qeyb gashay kulankii ka dhacay Ugaandha, Idinku door intee le’eg baad ka ciyaarteen kulankaas?

 

Jen. Beyr: Anagu markii horena Saraakiil khubaro ah ayaanu u soo dirney, oo mar kasta la fadhinay, go’aamadii ka soo baxeyna waanu ka qeyb galey, doodihiina lays dhaafsanayayna waanu ka qeyb galeynay?

 

Axmed Maxamed: Saraakiishan Khubarada ah ee Soomaaliya xagay ka socdeen?

 

Jen. Beyr: Saraakiishu waa Saraakiishii xooga dalka Soomaaliyeed ee hore weeye sidaad u ogtahay, meel kastana hadda way joogaan, waana Saraakiishii hadda ku sugneyd Nairobi.

 

Axmed Maxamed: Ma dowladaa soo xushay?

 

Jen. Beyr: Haa Wasaarada Gaashaandhiga ayaa soo xushay?

 

Axmed Maxamed: Wasiir waxaan ku waydiinayaa Qeybta koowaad ama Betaliyanka Kowaad xagee la geynayaa?

 

Jen. Beyr: Qeybta koowaad waxaa la geynayaa Jowhar iyo Baydhaba, waana Afar Betaliyan, Qeybta labaad waxaa la geynayaa Baladweyne iyo Gaalkacayo waana laba Betaliyan.

 

Axmed Maxamed: Qeybta ugu horeysa goormey tageyaan?

 

Gen. Bery: Qeybta ugu horeysaa waxay tagayaan Bisha April 30-keeda, Qeybta labaad sida lagu heshiiyay waxay tagayaan marka ciidanka hore tago laba todobaad dabadeed kadib.

 

Xigasho: Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Peacekeeping troops should be deployed all somalia, particularly in the areas that have conflicts such as kismayo, mogadisho, galkacyo,and the disputed sool and sanaag region.

 

In addtion to the cities that may host temporarily the national government such Baydhabo, baladweyne, and Jowher.

 

 

PEACE INSHA ALLAAH

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this