Sign in to follow this  
General Duke

A welcome worthy of a King...Garad Jama in Minnesota..

Recommended Posts

Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota oo sidiiran usoo dhaweeysay Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac

 

Dhamaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ayaa sidiiran usoo dhaweeysay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac usameeysayna Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyey Garaadka.

 

Xafladaasi ayaa ay ka soo qeyb galeen salaadiin ay kala yihiin Suldaan C/Qani Suldaan Cali Saafi iyo Suldaan Ibrow.

 

Waxaa lagu furay Xafladaani Aayadaha Qur'aanka Kariimka, kadibna waxaa magrafoonku uu ugu yeeray Siyaad Cabdimaalik Askar oo ahaa ninkii isku soo dubariday isla markaana ka soo shaqeeynayey in mudo ah ineey arimahan hirgalaan.

 

Ayaa asna ku soo dhaweeyey mikrafoonka garaadka Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac oo ka gudoomayey Jaamacada Nugaal shahaadooyin iyo waraaqo kale oo larabay in laga dhigo Jaamacada Nugaal Jaamac layeelato xiriir Caalami ah Jaamacadaha Gobolka Minnesota.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa mar uu lahadlayey Jaaliyadda waxaa uu yiri waxaad arkeysaa hadii aad tagto wadamada Chad iyo Ruwandha dadyow soomaali sheegta laakiinse aqoon Af-Soomaaliga baa jira buu yiri garaadka.

 

Garaadka oo waaniyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee meeshaasi isugu yimi wuxuu yiri "Anagu waa ineeyan iloowin dhaqan keena".

 

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa uduceeyey dhamaan Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

 

Garaadka ayaanan lagu tilmaamaa Garaadkii da'da yaraa isla markaana dadku meeshaasi isugu yimaaday layaabeen garaadka sida uu udhalinyaranimadnimada iyo sida uu uleeyahay karaamadii garaadnimo lagu yiqiin.

 

Garaadka ayaa ah nin qunyar usocod ah isla markaana ay amaanayeen dhamaan Jaaliyadda gobolka minnesota garaadka ayaa ahayd waxa lagu amaanay qunyar usocodnimada inuunan ka hadlin wax siyaasad ah.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa cariga Mareeykanka ka soo maray sida Gobolka Ohio oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey ayana.

 

Garaadka ayaa ka gudoomayey Jaaliyadda Warbixino iyo Hambalyooyin dhamaan dad isugu jira Culumaa'udiinka Gobolka iyo Abwaano kala duwan.

 

Gabagbadii Xafladaasi ayaa u ekeyd mid si aad ah uu ula dhacay garaadka dadka meeshaasi isugu yimina ay ayaguna ladhaceen Qudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

 

Cabdikarim Ciise (Qaxiye)

abdikarim@somaliamericanmedia.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaadkeenu illaahey ha noo daayo amiin. Indeed waa garaadka ummada soomaaliyeed mashallaah! Waa Halyeey Garad Jamac Garaad Cali!

 

Casho Sharafkii Garaadka iyo Soomaalida Minnesota

 

 

Dec 18, 2006 By:

Xaflad si aad ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey Sheriton Hotel ee ku yaala magaalada Minnesota miniapolis,Dad aad u badan oo laguna qiyasay ilaa 1.000 oo isugjiray Isimo, Garaado, Ugaasyo, Suldaamo, Cuqaal, Culumo, Ardey, Hobalo, Aqoonyahano, Odayaal, Hooyoyin, Suuganyahano, Badhasab,.Mayar, Guurdi,oo maraykan iyo Soomali ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hordhac

 

isugu jirey Soomaali iyo ajaanib. Xafladaas oo bilaabmatey 2:00PM duhurnimo dhamaateyna 7:00PM maqribnimo. Xafladas oo ka koobneyd shan qaybood: qaybta koowaad oo aheyd, Saxiixa isku xidhka Jaamacada Nugaal iyo Inver Hills Community College.

 

 

qaybta labaad oo aheyd, qaybta soo dhaweynta Garaadka oo ay ku soo dhaweynayeen Isimada, qaybta sedexaad oo aheyd soo dhaweynta garaadka oo lagu soo dhaweynayey gabayo, buraanbur, qaybta afraad oo ahyed soo dhaweynta dumarka iyo ugu dambeyntii oo aheyd gunaanadka hadlakii Garaadka.

 

 

 

 

Qaybta Koowaad

 

Markii xaflada la furayey ayaa waxa lagu furey aayadha quraanka kariimka ah oo ay ku luuqeynayeen labo wiil oo dhalinyaro ah da’dooduna ahyed 10 jiro. Ka dib markii ay quraanka dhameeyeen ayaa waxa lagu soo dhaweeyey waftigii ka socdey Jaamacada Nugaal iyo Inver Hills Community College.

 

Jaamcada Nugaal ayaa waxa la hindisey sanadkii 1999, waxana albaabada loo furey sandkii 2004. Xarunta Jaamacada Nugaal waa Laascaanood, gobolka Sool Puntland, Somalia. Inver Hills Commmnuty College waa college ku yaalaa Minnesota oo ay dhigtaan ardey ka badan 4000 oo ardey.

 

Labadan Jaamacadood ayaa waxa ay kala saxiixanyeen xiriir walaaltimo(sister) sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan oo ku saabsan waxbarashada. Garaad Jaamac Garaad Ali ayaa waxa uu u saxiixey Jaamcada Nugaal dhinaca Inver Hillsna waxa u saxiixey madaxweynaha Collegeka Cheryl Frank. Saxiixaas oo ay Soomaalida halkaas timid si weyn u soo dhaweeyeen.

 

 

 

Qaybta Labaad

 

Ka dib markii qaybtii koowaad dhamaatey ayaa waxa loo gudbey qabtii labaad oo ku saabsaneyd soo dhaweynta Garaadka dhinaca Isimada. Waxana isimada hadalaka u furey Siciid Yusuf Garaad Maxamuud oo isagu ku soo dhaweeyey makarfoonka. Halkaas oo ay ka hadleen Isimadu iyago oo isugu jirey Boqoro, Isimo, Ugaasyo, Garaadyo, Suldaano iyo madax dhaqameedyo. Soo dhaweynta Isimada ayaa waxa u badnaa hadlakooda Guubaabo, waano, taariikh, dardaaran, kaftan iyo duco.

 

 

Qaybat Sedexaad

 

Qaybat sedexaad oo aheyd qaybta ay dadbadani wada sugayeen ayaa waxa lagu soo dhaweeyey makarafoonka Gabyaaga reer Minnesota ee Cusmaan halkaas oo uu gabayo ka tiriyey isugu jirey dardaaran, waano, iyo duco.

 

Waxa cusmaan ku xigey oo xafladaas Ohio State uga yimid gabyaaga baryahayn dambe soo baxay ee Abdisamiix oo ka tiriyey gabayo dadbadan ku dhaliyey qiiro, qushuuc, kuna beerey xusuus aysan mar dambe ilaawin. Isagoo ku luuqynayey gabayada qaarkood cod macaan. K adib markii uu dhameeyey ayaa makarafoonka waxala wareegey Xaawo Ayeeyo oo ku caan baxdey dhinaca Buraanburka sanadahan dambe. Xaawo Ayeeyo waxa ay halkaas ka jeedisey buraanbur ay ugu tala gashey Garaad Jaamac Garaad Ali oo ku saabsanaa dardaaran, iyo duco.

 

 

 

 

Qaybta Afraad

 

Qaybatan waxa aheyd qayb aad u culus ka dib markii ay gabdhaha Minnesota soo doorteen hal gabadh oo uga hadasha codkooda xaflada. Gabadhaas oo runtii aad ula kaftantey ragii halkaas isugu yimid una soo jeedisey badhaadhe iyo talooyin wax ku oola. Waxa ay marka hore soo dhaweysey Garaad Jaamac ka bacdina waxa ay salaantey dhamaan ismadii halkaas joogey. Gabdhaas ayaa waxa ay sheegtey in mararka qaarkood rago isimada loo abtiriyo ilaa dhowr awoow balse ayey tiri aniga ayeydey waxa ay ii abtirisey ilaa todobo ayeeyo.

 

Markaas ayey kula dardaarantey ragu in ay tiryaan dhinaca dumarka oo aysan isku koobin keligood. Waxa ay la kaftantey Garaadka oo ku tir “Waxa aad nasiiib u yeelatey in aad noo timid anaga oo ku hadleena Soomaali ee hadii aad soo daahi laheyd waxa aad noo iman laheyd anaga oo ku hadleena afka Ingriiska, waayo caruuro badan ayaa ilaawey afka Soomaaliga”. Gabagabadii waxa ay ku soo gunaanadey soo dhawoow Garaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this