Sign in to follow this  
Rokko

Who is Shariif Xasan? La hayste?

Recommended Posts

Rokko   

Qormada Asbuucan:Waa nin caynkee ah Gudoomiyaheena Barlamaanka

Posted to the Web Mar 29, 11:43

 

 

Kaaha Bari --- Shariif Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka federalka somaliya Agosto 2004, Wuxuu ka tirsanaa Kooxdii SRRC ee Ethiopia lagu soo dhisay 1996dii, wuxuuna ka mid ahaa Wafdigii Jabhadda RRA ee Booqashada ku timid Puntland 2001dii, wuxuuna saami weyn ka helay Lacag Cabdullaahi Yusuf Axmed oo waqtigaa ahaa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ku Maalgeliyey Dhismihii Maamulka Baydhabo lacagtaasi oo dhammeyd dhowr Bilyan, shilin Somali, inkastoo maamulkii sare ee RRA sheegeen in lacagtaasi aanay badankeed soo gaarin Baydhabo, Shariifku wixii mudadaas ka danbeysey wuxuu noqday ganacsade Qaadka Miirowga, wuuna soo shaac baxay, wuxuuna gacan saar la yeeshay Cabdulqaadir Muunye oo ah Ninka ku kalluumaysta Maraakiibta Kalluumaysiga dawaladdii Soomaaliya oo wada Baqshiisha qab-qablayaasha oo dhan.

 

Muddadaa kadib, wuxuu ka mid noqday Xubnaha waaweyn ee ka soo waarida Kenya qaadka Miirowga oo geeya Baydhabo, Muqdisho iyo meelo kale. Shariifku wuxuu Xiriir dhow la lahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxayse kala boodeen Markii Cabdullaahi Yusuf taageeray Shiikh Adan Madoobe, tartankii doorashada Guddoomiyanimada Barlamanka Federalka Agosto 2004.

 

Hadda wuxuu ka mid yahay dadka ugu Xag jirsan oo ka soo horjeeda Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Xukuumaddiisa wuxuu Geed dheer iyo Mid gaabanba u fuulay in uu Mucaaradkiisa taageero, wuxuu leeyahay 3 xaas oo ka kala dhashay Qanyare jufadiisa hoose iyo Cabdiqaasim jufadiisa hoose, waxaana Xaqiiq ah In shariif xasan Shiikh aadan yahay la hayste una baahan yahay in laga Xoreeyo Maafiyada Muqdisho ugu gabban.

 

Kaaha Bari/Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not a useful article at all. It signifies the politics of pitying and how desperate some people get. redface.gif

Leave the man alone as his opposition vents through legitimate legislative process that’s quite foreign to the gun-wielding nomads.

 

 

PS. Armed oppositions ought to be dealt harshly. Breathing room must be given to the likes of Sharif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PS. Armed oppositions ought be dealt harshly. Breathing room must be given to the likes of Sharif.

are you serious xiin?maxaa ku jaban hadaan barano our leader background :confused: waxaan meesha ka aqriyay shariifka in uu ka ganacsan jiray qaadka taasna sxb wax qarsoon ma aha. walaahi waa dhibaato dadka hadeey seefta la boodaan ayakoon wax hubsan. we went the truth to came out. shaqo see lagu gu siinaa sxb adigoo lagaran taariiqdaada. there is nothing wrong with this article. I wonder how he got the job if he was drag dealar. cajiiiiib that is my opinion

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this