Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Axmed Cabdi xaabsade Says Garaads come back to your homes

Recommended Posts

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade Oo Heshiiska Maamulka Garoowe Iyo Isimada Sool Qaarkood Ay Ku Gaadheen In Weerar Lagu Soo Qaado Somaliland Ku Tilmaamay Mid Garaadada Ay Iskaga Soo Dhaqaajinayeen

 

“Haday Dagaal Soo Qaadayaan Awalba Way Joogeen Hadana Waa La Isku Joogaa, Isimada Ayuun Bay Iskaga Soo Dhaqaajinayeen Ee Waxba Kama Jiraan, Qaraxyadiina Guntoodiibaa La Helay Oo Awal Hore Way Dayacnayd”

 

“In Badan Ayaad Dibada Wareegayseen Oo Kolba Geed Ku Shirayseen Ummadiina Way Idinka Raysatay, Ninwalowba Gurigaagii Kaalay Ama Dibada Wareeg Fidmo Ninkii Abuura Ayey U Taalaa” Axmed Cabdi Xaabsade

 

Hargeysa, March 19, 2010 (Haatuf) – Siyaasiga caanka ah ee Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) ayaa sheegay in heshiiskii doraad ay wada galeen maamulka Garowe iyo qaar ka mid ah Garaadada beesha bariga sool uu ahaa mid garaadada ay iskaga soo dhaqaajinayeen oo aanu ahayn mid raad ku yeelan kara somaliland, isagoo intaa ku daray hadii ay Puntland weerar soo qaadayso in marka horeba la isku joogay oo uu ku tilmaamay inaan cidna dagaal waxba lagaga qaadi karin.

 

Xaaji Xaabsade waxa kale oo uu u jeediyey garaadada bariga sool ee dibad wareega ah inaanay ku mashquulin fidmo colaado ay kaga abuuraan bulshada Somaliland. Xaaji Xaabsade oo wargeyska Haatuf xalay khadka telefoonka xogwaraysi khaasa aanu kula yeelanay magaalada Laascaanood oo uu mudooyinkan danbe ku sugnaa ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyadii amaan daro ee baryahan danbe ka dhacayey magaalada Laascaanood guntoodii la helay, xusayna in amaankii si wayn loo xoojiyey. Xaabsade oo ugu horayn ka hadlaya mawqifkiisa ku wajahan qodobada ay doraad maamulka Puntland iyo Garaadada Bariga Sool ku kala saxeexdeen Garowe ee ku saabsanaa iskaashiga weerarada ka dhanka Somaliland, waxa uu yidhi “Arintaasi wax jira oo raad leh maaha isimada ayuun bay iskaga dhaqaajinayeene wax ay fulinkaraan ma jirto, awalba way joogeen hadana waa la isku joogaa, hadii ay dagaal soo qaadayaan qarankay u taalaa laakiinse anagu waxay ummadi maanta dagaal ku tashato ma aragno waxaanu leenahay arintaa wax ka badala nina dagaal waxba lagagama qaadi maayee, waar dib iskugu noqda ayaanu leenahay”

 

S:Maxaad u soo jeedin lahayd Garaadada Sool ee Somaliland diidka ah ee ku hawlanaa baryahan danbe falalka lidka ku ah Somaliland?

 

J:Garaadada waxaan leeyahay niman yahow in badan baydin dibada wareegayseen oo kolba geed ku shirayseen oo maalinba go’aano soo saarayseen, go’aanadiina oo dhamina dal daloolo ayey wada leeyihiin oo dagaal ayuun baad ka hadlaysaan ummadiina uma warheysaan xaaladooda, bal kaalaya oo dalkiinii ku soo noqda oo nin walowba gurigaagii ku soo noqo oo ummadiina la tashada, oo dadkii way idinka raysteen oo waxay ka raysteen dagaal iyo colaado waxaanu leenahay ama dalkiina ku soo noqda ama dhulkaa aad war wareegaysaan iska warwareega.

 

S:Hanjabaada ka soo yeedhay maamulka Puntland ee ku wajahan gobolka Sool ay qabsan doonaan iyo Garaadada beesha Sool ee heshiiska kula galay sideed u aragtaa?

 

J:Waxba kama jiraan haday Puntland ka tirsan yihiin miyey ka hawl galaan, waxaanu leenahay waxan waxba kama jiraane haday iyagu ku soo noqonayaan dalkoodii waanu ku soo dhawaynaynaa, hadii aydaan ku soo noqonayna dibadahaasi iska warwareega.

 

S:Miyaan la odhan Karin Garaadada beeshu waxay ka hurinayaan Somaliland colaad iyo fidmo?

 

J:Waxay sameeyaanba waa fidmo waxay go’aan sadaanba waa dagaal, dagaalna waa fidmo, fidmona ninkii abuura ayuun bay u taala.

 

S:Waxa la sheegayaa in gulufkan colaadeed ee Garaadada beeshu ay kaga dhawaaqeen Garowe uu dabada ka wado madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire oo deegaanka Sool ka soo jeeda, horena xil abaanduulaha ciidamada qaranka Somaliland u soo qabtay arimahaasi maxaad kala socotaa?

 

J:Cabdi samad iyaga ayuun buu iskaga dhaqaajinayaa nin hada dagaal ku jira uma arko, horana uguma jirin taladeedana muu hayn dagaal.

 

S:Waxa la sheegayaa in madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole garaadada heshiiska la galay uu lacag ku siiyey sidii ay amaan daro uga aloosi lahaayeen Sool arinkaa maxaad ka ogtahay?

 

J:Wuu ku aamusiinayaa haduu wax siiyey oo wuu iskaga dhaqaajinayaa.

 

S:Maamulka Puntland iyo Garaadada Sool waxay sheegeen in Laascaanood ay ka tirsan tahay Puntland arinaasi maxaad ka odhan lahayd?

 

J:Laascaanood waa Somaliland oo ay ka tirsan tahay cidii isku soo daydana waa la arki doonaa.

 

S:Xaalada amaanka Laascaanood iyo maamulka gobolkuba siday hada tahay?

 

J:Nabad galyadu waa boqolkiiba boqol, si fiican bay hawluhu u socdaan maamulkiibii shaqaynaya anagaa ka dhex shaqaynayna wax dhibaato nabad galyo daro ahina ma jirto.

 

S:Mudo hore waxaad xukuumada u soo jeedisay in hawlaha maamulka iyo adeegyada bulshada Laascaanood wax laga qabto, siday hada tahay?

 

J:Waa la qaatay hawlo badan oo horumarin ah waa laga wadaa anaguna waanu wadnaa waxyaalo badana waa laga qabtay gobolka.

 

S:Qaraxyadii mudooyinkii danbe ka dhacayey magaalada Laascaanood oo ay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamadu dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay halkay baadhistoodii maraysaa?

 

J:Qaraxyadii way joogsadeen guntoodiina waa la hayaa, awal hore magaaladu way dayacnayd laakiinse hada waa loo soo jeedaa adkaynta nabad galyadeeda iyo sugideedaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“In Badan Ayaad Dibada Wareegayseen Oo Kolba Geed Ku Shirayseen Ummadiina Way Idinka Raysatay, Ninwalowba Gurigaagii Kaalay Ama Dibada Wareeg Fidmo Ninkii Abuura Ayey U Taalaa”

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

“In Badan Ayaa Dibada Wareegayseen Oo Kolba Geed Ku Shirayseen Ummadiina Way Idinka Raysatay, Ninwalowba Gurigaagii Kaalay Ama Dibada Wareeg Fidmo Ninkii Abuura Ayey U Taalaa” Axmed Cabdi Xaabsade

 

Fidnada Xaabsade & secessionst ayaad bilaabay bal aan aragno meeshaad ku dambaysaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this