Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Boorama:Shacabka Boorama Xukuumada Somaliland oo markale madaxa islagalay.

Recommended Posts

Boorama:(Allpuntland)-Shacabka Magaalada Boorama & Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa ladareemayaa in markale uu iskudhac balaarani ka dhexjiro kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka jireen Kacdoon badan oo dhanka shacabka ah kuwaas oo ka caraysan Talaabooyin ay Xukuumada Siilaayo kula dhaqaaqday qaarkamid ah dadka halkaas kasoo jeeda.

 

Wafdi kasocda Xukuumada Somaliland ayaa maanta halkaas gaaray,waxaana Wafdigan horkacayey Wasiirka Gudaha ee Somaliland,wuxuuna Wasiirku halkaas u tagay inuu joojiyo Mudaharaadyo Rabshado wata oo halkaas laga qorsheynayey isagoo kulamo culus la qaatay Odayaasha & Waxgaradka halkaas kusugan.

 

Dr,Maxamed Cabdi Gaboose oo caawa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in loo baahanyahay in ladajiyo shacabka,isagoo sidoo kalena sheegey in Ay Xukuumadiisu xabsiyada ka siidaynayo dhamaan dadka deegaanka ee xiran,wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in Xukuumadiisu ay xil iska saarayso Cabashada reer Boorama.

 

Boorama oo ah magaalada uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland ayaa an & markii la dhisay Xukuumada uu madaxda u yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa laga dareemayey in aysan xukuumada ku qanacsanayn iyagoo ka cabanaya Xubnaha ay dawlada ku leeyihiin,wuxuuna Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulkaasi sheegey in ay dawladu samayn doonto hab wax qaybsi oo cadaalad ah taas oo uu sheegey inay imika maqantahay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this