Sign in to follow this  
Sophist

U Haweenka Horseed ee Buuhoodle oo Furey Dugsiga Farsamada Gacanta

Recommended Posts

Sophist   

Dugsi Farsamada Gacanta Ah Oo Laga Furey Magaalada Buuhoodle.

 

Buuhoodle(Radiolascaanod)11/09/04-Sabti-Ururka Haweenka Horseed ee magaalada Buuhoodle ayaa furey Dugsi lagu magacaabo Dugsiga Tababarka farsamada gacanta, Dugsigaasi oo lagu baran doono Aqoon kala duwan oo lagama maar maan u ah jiilasha Bini-Aadam ee is badalaya Aqoonta lagu baranayana Dugsigaasi ayaa waxaa ka mid ah Dawaarka ama barashada Toliinka Dharka, Adeega, Cuntu karinta,Luuqda Ingiriisiga, Af Soomaaliga iyo waliba Xisaabta Sareeya (Advanced Math).

 

 

Dufcadii ugu horeyse ee Gabdho ahayd oo lagu furey Dugsigaasi oo tiradoodu kor u dhaaftey 50 Hablood ayaa xafladii furitaanka dugsigaasi soo xaadiray,waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xafladaasi oo labo maal mood la qabtey dhinac-yada Arimaha Bulshada,sida Cuqaasha,Waxgaradka Dhalin-yarada iyo Dadweynaha Buuhoodle.

 

 

 

Furitaanka Dugsiga farsamada gacanta ayaa yimi kadib markii ay Ururka Haweenka ee Horseed Buuhoodle ay gudoomeen Deeq ka kooban Dawaarada Dharka lagu tolo,Deeqdaasi oo ay soo gaadhsiiyeen qaybo ka tirsan qurbe joogta deegaankan u dhalateyt ee dalka Kanada ku Nool,Isku soo wada duuboo waxa baryahan danbe soo kordhayey wax qabadka ururada bulshada ee deegaanada SSC,ay wax kaga qabanayaan arimaha bulshada ee baahida loo qabo.

 

 

 

Xuseen Aadan Yuusuf( Kurdi)

 

Buuhoodle Puntland Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

It seems Reer Puntland have taken up the challenge of becoming the educational centre of our belov'd nation.

 

Let us hope, there will one day be a place available for every child in the educational system of Somalia. Amiin.

 

And congrats to the Buuhoodle community in particular.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by Xarago:

War wax iskula hadha de, oo bahasha kala yareya, dhadhanki baad ka qadeen . Shib...!

Heedhe Xarago awoowe halkee wax iskaba qaban la' yihiin :D . Horumarku kuma eka xaafadaha hargeisa iyo Berbera :D Guntiga la wada xidhey...armaad tidhaahdaa innagaa nalagu deydey waabad odhane icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

maya odhan mayo, lakiin ina abtiyo ma istidhi xayesisku xayasiis dhaf. Koleyba Hargeysa iyo nawaxigeda iyo inta kaleba ee Somaliland heerka ay tagan tahey ciid ay ka dahson tahey ma jidho. Lakiin mida halkani kasocota, gaar ahan SOL politics waa gacan ku rimis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bashi – Good to see mate. What is rather enchanting about our bud Xarago (quite a catchy name) is the logo of the good old Dervish harnessing Xiin Finiin in a gallantry mode brandishing the sword, and his newly found infatuation with the HM's emblem! The two do not quite go together, or did I miss sth?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Samurai the problem is your mentality and charecter, cause for you a hero has to be blood relative, typical Somali.

Sorry walal waan ka xumaahey in aad saas uu ku hadashey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarago - It was a black humour mate. Nothing more. Sorry should you felt stomped! And quite the contrary – heroism has no relation to kinship. It is the representation on your part I observed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

lol@gacan ku rimis... :D

 

Boowe aa la tahay as the folks up there would say! Hargeisa iyo nawaaxigeeda horumar waa gaareen allahan u sii siyaadiyo. Waxaadse Xarago moodaa inaad uba qaadan la'dahay in aannu horey u soconey oo talaabo iyo lababa qaadney oo waxay kulaba tahay dhalanteed.

 

Maxayse noo lahaayeen Buuhoodle waa SL kuwii muranka na qaniisiiyey? Show horumarku waa uun xaafada duriyada! icon_razz.gif Xaafadaha kale waxoodu waa gacan ku rumis...Xarago halkeebey iska qaban la'dahay?

 

SW, wlc back sage.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this