Sign in to follow this  
Nationalist

Pland president visits SSC regions of Pland as part of election campaign

Recommended Posts

SANAAG

1119badhan02.jpg

1120Badhan01.jpg

1121badhan04.jpg

full report: http://www.radiolascaanod.com/demo/index.php?art_id=1665&categ=&expand=&file=view_article.tp

 

SOOL

1127madaxweyne1.JPG

1124madaxweynaha2.JPG

full report: http://www.radiolascaanod.com/demo/index.php?art_id=1666&categ=&expand=&file=view_article.tp

 

 

* I don't understand that there is a governor of Haylaan [Highland] as well as Sanaag region? I also think the name Haylaan should be abolished. Abdullahi Yusuf had no right renaming Sanaag region. It's bloody English by the way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Madaxweynaha Puntland Oo Saaka Soo Gaadhay Laascaanood

- Monday, December 27, 2004 at 07:19

 

Garowe, 27.12.04 (AllPuntland) - Madaxweynaha DGSPL Md. Max’ed Cabdi Xaashi oo safar dheer ku marayay Gobolada Puntland ayaa maanta Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Madaxweynaha oo horay u booqday Gobollada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag, iyo Haylaan ayaa saaka abaarihii 10:00 subaxnimo gaaray Magaalada Laascaanood oo ay ku qaabileen Mas'uuliyiinta Gobolka iyo Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu jeediyay khudbad taabanaysa dhinacyo kala duwan. Waxaana uu ka warbixiyay safarkiisii uu kaga soo laabta Dalalka deriska ah iyo waxyaabihii uu kala kulmay, dhanka dhaqaalaha ayuu sheegay in maanta Puntland ay haysato dhibaato dhaqaale ayna ku jirto xilli Colaado iyo Doorashooyin ah balse la bixin doono mushaharooyinka Ciidamada sida ugu dhaqsaha badan.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Dalka, taasoo uu sheegay inuu isaguna ka mid yahay Musharrixiinta u tartamaya Madaxweynanimada uuna ku kalsoon yahay ila iyo hadda sida ay wax u socdaan, wuxuuna sheegay in ay maanta Puntland ku tillaabsatay Dimoqraadiyad buuxda taasoo uu sheegay in ay ku tartamayaan Musharixiin badani sidii ay uga noqon lahaayeen Puntland Madaxweyne. Mar uu ka hadlay dhalliilo loo soo jeediyey Guddiga Doorashooyinka ayaa uu musharrixiinta ku dhaliilay inay dhaleeceeyaan Guddiga hawsha haya ee aan weli waxba soo ban dhigin.

“Markii ay hawsha ay hayaan wax ka soo baxaan ayaa la shegi karaa ammaan iyo dhaliil kii ay mudan yihiin†ayuu yiri Madaxweynuhu.

 

Sidoo kale ayuu Md. Xaashi ka hadlay dhanka Nabadgelyada taasoo uu ku tilmaamay in haddii ay Nabadgelyo jirto wax kastaa ay hagagayaan; Madaxda iyo Hay’adihii caalamiga ahaa ee ay kula soo kulmeen Kenya ayuu sheegay in ay ka wada hadleen sugitaanka amniga ee iyo in la dhawro Nabadgelyada. Dhanka kale ayuu sheegay in ay Dawladihii iyo Hay’adihii Caalamiga ahaa ee ay ku kulmeen Kenya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen Xaladda Gobolka Sool taas oo ay isla garteen in Nabad lagu soo dabbaalo.

Si kastaba ha ahaatee Booqashadaan uu Madaxweynaha Puntland ku tagay Gobolka Sool ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Puntland ahi ku tago Gobolkaasi mudadii uu jiray maamulak Puntland, waxaana la filayaa inuu halkaasi joogo muddo laba maalmood ah.

 

Farax Nuur Yusuf

AllPuntland

 

 

 

________________

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood:- Madaxweynaha DGPL Md. Maxmed Cabdi Xaashi Iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka abaaro10:00 subaxnimo soo gaadhay magaaladala Laascaanood.

 

Waxaana magaalada Laascaanood si diiran ugu soo dhaweeyey dadweynaha magaalada oo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey,.

 

Maxaweynaha oo gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in uu socdaalkiisani yahay mid uu ugu jiro ololaha doorashada madaxtinimada Puntland, isaga oo haatan taageero ka raba dadweynaha reer Puntland iyo golaha wakiiladaba, wuxuuna intaasi ku daray in ay xor u yihiin shacabka reer Puntland in ay doortaan cidii ay u arkaan in ay dalka hour mar gaadhsiin karato.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in uu ku kal soon yahay gudiga doorashada ee haatan gacanta ku haysa arrimaha doorashada, wuxuuna intaasi raaciyey in loo baahan yahay in aan cidna la eedayn, ay dhamaan musharaxiintu ku kalsoonaada gudida doorashada.

 

Maxmed Cabdi xaashi mar uu ka warameyey musharaxiinta hada kor u dhaafaysa tobanka ee isu soo taagtay doorashooyinka ayuu ku tilmaamay horumar dhinaca dimuqraadiyada oo ay ku talaabsatay dawlad goboleedka Puntland.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey dhinaca sugida xuduudaha Puntland ayuu sheegay in safarkiisii uu dhawaan ku tagey dalalka dariska ahi ay nabad geeska afriga isla soo qaadeen isla markaana ay kawada hadleen arrimaha haatan ka dhex aloosan dawlad Goboleedka Puntland iyo Maamulka Hargeysa, wuxuuna sheegay in ay soo jeediyeen dawladaha Igad in ay Maamulka Hargeysa Ku noqdaan Oog, Annaguna aanu tango Guumays in kasta oo xuduuddaydu tahay ayuu yidhi maxmed Cabdi Xaashi Halkii Koofil lagu dilay hadana anagu waanu ogolaanay arrintaas, hasa yeeshee waxaa ka dhaga adeegay maamulka Hargeysa.

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in ay jiraan dhaqaalo xumaan hasayeeshee sida ugu dhakhsaha badana looga shaqayn doono sidii ciidamada mushaharkooda loo siin lahaa.

 

Magaalada Laascaanood ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyey laga dareemayaa ololaha doorashada madaxtinimada Puntland, waxaan Laascaanood kaga dhawaaqay in ay isu soo taagayaan jagada madaxtinamada sadex xubnood oo midi haween tahay.

 

Laascaanood Puntland J.F.Soomaaliya

 

Xigasho: Radiolascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

What is the difference between Riyaale's Visit and Haashi's Visit, As Somaliland, we want to know why did Laascaanood people welcomed Mr. Haashi

1) Is it because he supports unity and against Somaliland’s separation from Somalia (and nothing to do with qabiil)

 

2) Is it because of qabiil

 

3) Is it because Haashi is from Laascaanood, and laascaanood people will be happy if someone from Laascaanood like Qaybe became the President of Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DGPL. Maxamed Cabdi Xaashi oo Booqasho gaaban ku yimid Magaalada Badhan ee gobalka Sanaag

 

Badhan :- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha DGPL Md. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa saaka booqasho maalin ah ku yimid magaalada Badhan.

 

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliyey wasiir ku xigeenno ka mid golaha xukuumadda Puntland ee xilkii uu uga hadhsan yahay muddo ka yar labo todobaad , kuwaas oo kala ahaa W/X/wasaaradda Caddaaladda Md.Maxamuud Maxamed Aadan, W/X/wasaaradda adeegga Bulshada Md. Xasan Majabe iyo W/X/wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Axmed Xuseen Doonyaale.

 

Madaxweynaha waxa kale oo safarkiisa ku weheliyey Guddoomiyeyaasha Gobollada Sanaag iyo Haylaan Md. Maxamuud Siciid Nuur iyo Md. C/laahi Xaaji Faarax (kabtan), iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Puntland..

 

Madaxweyanaha oo ka mid ah musharaxiinta jagada madaxweynenimo ee DGPL ayaa kulankii uu la yeeshay Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Badhan waxa furay Md. Axmed Ismaaciil Suldaan, oo madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyey magaalada, una sheegay in duqayda iyo cuqasha hor fadhida ay ka kala socdaan inta badan qoysaska degaanka Bariga Sanaag, ayna qalbi furan kusoo dhoweynayaan madaxweyanaha ahna musharaxa jagada Madaxweynenimo ee Puntland.

 

Wuxuna yidhi “....sidii dhaqanku ahaa socotada ayaa lawarayn jiray, waxanna hadalka ku soo dhoweynayaa Md. .Maxamed Cabdi Xaashi......â€

 

Madaxweynaha oo hadalkiisii wuxu uga mahadceliyey sidii sharafka lahayd ee loo soo dhoweeyey, loogu soo shiray, loona sharfay, wuxuna safarkiisa ku micneeyey laba qodob oo kala ahaa :

 

1) Indha indhayn maamulka gobolka iyo xaaladda gobolku ku sugan yahay. Iyadoo buu yidhi xilligiiba wax yar nooga hadhsan yahay.

 

2) Iyo ( inaan ahay musharax jagada madaxweynenimo u taagan , aanna rabo inaad codka I siisaan, )

 

Wuuxuna intaa raaciyey "..... waxa laga yaabaa inaad tiraahdaan barlamaanka ayaa dooranaya madaxweynaha ee muxuu idinka soo doonay, waxan leeyahay xubnaha barlamaanka halka ayaa laga soo doortay, shacabka ayeyna metelayaan, wixii aad kula ballantaan bayna ku soconayaan, markaa sidaas baan codadka xubnaha barlamaanka ee labada gobol ee Sanaag iyo Haylaan u codsanayaa...."

 

Madaxweynuhu wuxu kale oo uu halkaa ka jeediyey khudbad meelo badantaabatay, wuxuna sheegay inuu soo maray gobolada Puntland badankooda, safarkanna ay ugu xigi dooto kan uu ku tegi doono Gobolka Sool , oo u hadhsan ololihiisa doorashada.

 

Kadib , waxa halkaa hadallo kaftan iyo warcelin isugu jira ka jeediyey nabadoonno iyo waxgarad ay kamid yihiin :

 

- Nabdoon C/laahi Cabdi Ibraahim

- Nabdoon Maxamuud Cabdalle Dabshid

- iyo Md. Axmed Cali Salaad.

 

Waxgaradku waxay halkaa ka sheegeen in wixii awood iyo gar ah aaney waxba ka hagranayn, wixii noo egna waa tafadal iyo niyad sami.

 

Madaxweynaha iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta soo gebagebeeyey booqashadoodii , iyaga oo sida la sheegay caawa casho sharaf kuleh magaalada Carmo ee gobolka Karkaar.

 

Maxamuud Ciyoon

Wargeyska Calmadow + Horseednet

Badhan, Puntland Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this