Sign in to follow this  
General Duke

Godane replaced as Al Shabaab leader

Recommended Posts

Dowlada Jabuuti ayaa ****olka ka qaaday in kooxda mayalka adag ee al-shabaab ee ka dhanka dowlada Somaliya ay isbadal ku sameeysay hogaanka kooxda , hogaamiyaal cusub oo alqaacida ka tirsan ay qabtay talada al-shabaab.

Wasirka arimaha dibada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u waramayay wargeyska al-sharqul awsat ayuu tibaaxay in hogaanka kooxda al-shabab uu haatan qabtay nin u dhashay dalka Juzur al-qamar kana tirsan al-aacida oo lagu magacabo Fadiil C/laahi Maxamed oo iminka masuul ka ah weerarada ismiidaaminta ah ee Muqdisho ku sii baahaya .

 

Wasiirka reer Jabuuti ayaa tibaaxay in wararkaani sirdoon ay yihiin kuwa lagu kalsoon yahay iyadoo Fadiil Maxamed u caan ku yahay sameynta waxyabaha qarxa iyadoo ninkaani soo magacaabeen ururuka al-qaacidda.

 

Ninkani haatan qabtay hoganka al-shabaab ayaa ku lug lahaa weeraro danaha mareykanka loogu geeystay bariga africa sanadiii ugu dambeeyay, iyado warar so baxaya sheegayan in ninkasi uu si weyn u garanayo sameynta walxaha qarxa.

 

Kooxda al-shabaab ayaa xilli sii horeeyay sheegay in ay qeyb ka yihin ururka al-qaacida ayna ka amar qaataan hogamiyaha dhuumaleysiga ku nool ee Osama Bin Laden ee u dhashay dalka Sacudiga .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Jabuuti oo sheegtay in is badal hoose lagu sameeyay Hogaanka Al-Shabab

 

Kadib markii ay soo kordheen falalka isqarxinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan wadanka Soomaaliya ayaa waxaa warar soo baxay ay sheegayeen in arrimahaasi ay ka dambeeyaan dad ajaanib ah oo Soomaaliya ku sugan.

 

Ururka Alshabaab ayaa lagu eedeeyay qaraxii ugu dambeeyya ee ka dhacay Hotel Shaamow oo dad waxgal badan oo Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen.

 

Hadaba Wasiirka Arrimaha dibadda ee wadanka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay arrintani isaga oo si qoto dheer u falan qeeyay waxa keenaya falalka is qarxinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo waxa xilligani kordhiyay.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka oo wareysi siiyay Wargeyska alsharqal Awsat in arrimahani ay ka dhasheen kadib isbadal si hoose ah oo sir ah loogu sameeyay Hoggaanka Ururka Alshabaab ee ka hawlgala Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in hoggaanka Ururka Alshabaab iminka loo magacaabay waliba si sir ah nin ka soo jeeda Jaziirada Commoros laguna magacaabo Fazul C/llaahi Maxamed.

 

Ninkani hoggamiyaha looga dhigay ururkani Alshabaab ayuu sheegay in uu ka dambeeyo falalka isqarxinta ah ee ku sii kordhaya Soomaaliya maadaama horey aanan Soomaaliya loogu arki jirin.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in in macluumadkani oo sirdoon culus ay ka heleen uu sidoo kale qayixayo in hoggaamiyahani uu ka jecel yahay dagaalka tooska ah midka isqarxinta.

 

"Ninkaan waxaa uu aad ugu dheereeyaa arrimaha qaraxyada, waxaa lagu tuhmayaa eedeymo dhowr ah oo ka dhan ah oo ah qaraxyadii uu ka geystay magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo Dara-salaam"ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.

 

Ninkani katirsan Ururka Alqaacida ee la baadigoobayo ayaa lagu tuhmayaa in uu Soomaaliya kusoo dhuuntay waagii Maxkamadaha ay dalka ka hana qaadeen.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa horey waxaa u shaaciyay dowladda Mareykanka waaxdeeda sirdoonka ee la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa uu sheegay in hoggaanka Ururka Alshabaab iminka loo magacaabay waliba si sir ah nin ka soo jeeda Jaziirada Commoros laguna magacaabo Fazul C/llaahi Maxamed.

He is not even somali :D

good move

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Yeah your uncle Godane is out of a job, maybe he can get back to the butcher shop he grew up in.

i could care less about godane his job is to take care of the koonfurians :D

He is doing a good job so far :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yup when he killed 22 innocents in Hargaysa you must of thought he just made a mistake and that his bombs went of by accident on route to kill more "KOONFURIANS"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

i could care less about godane his job is to take care of the koonfurians
:D

He is doing a good job so far
:D

This can only be uttered by a person who hardly thinks of what he says.

:mad: :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Originally posted by General Duke:

^^^Yeah your uncle Godane is out of a job, maybe he can get back to the butcher shop he grew up in.

i could care less about godane his job is to take care of the koonfurians
:D

He is doing a good job so far
:D
Xunduf intaan waa dhaami jirtee maantay ma karuur geel baad iska soo badisay?... :D Koofuriyaans ku lehe...you know inuusan kala jeclayn Koofur iyo Waqooyi weliba Waqooyi buu u dhaarsan yahay aad waayo waa laga soo ceyriyey and he wants to revenge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Zack:

Fazul died few months ago, this report is rubbish. DJibouti needs to improve its "sirdoon".
:D

:D:D ... I'm impressed Djibouti's sirdoon now ,, really....... They need some help.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this