Sign in to follow this  
General Duke

Tacsi: ALLAHA u naxariistee Al-Xaaji Xasan Guuleed Abti-Doon..

Recommended Posts

Gouled.png

 

Xassan Guuleed Abtidoon ayaa maanta lagu duugey Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti

Last Updated::2006-11-21 18:41:49

 

Jabuuti:- Madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti Xassan Guuleed Abtidoon ayaa maanta lagu duugey magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti

Rabbi ha u naxariistee Xassan Guuleed ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaale magaalada jabuuti isaga oo ah 90jir.

 

Xassan Guuleed Abtidoon waxa uu talada dalka Jabuuti hayey muddo dhan 22 sano, wuxuuna ahaa halgamaa u soo halgamay xornimada jabuuti waxaana uu talada dalkaas qabtey 24.06.1977 markas oo Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ay ku noqotay dal gob ah kana baxaday gunimaddii gumaystaha.

 

Rabbi janadiisi haka waraabiyo Xasan Guuleed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JABUUTI: ALLAHA u naxariistee Al-Xaaji Xasan Guuleed Abti-Doon ayaa galabta lagu aasay Magaalada Jabuuti

Posted to the Web Nov 21, 16:33

 

 

Jabuuti (PP) - Madaxweynihii hore ee Jabuuti Al-Xaaji Xasan Guuleed Abti-doon ayaa xalay ku geeriyooday Magaaada Jabuuti isagoo da'diisu marayso 90-sano, waxaana isla galabta lagu aasay Magaalada Jabuuti.

Marxuum Guuleed oo muddo 22-sano ah ka ahaa dalka Jabuuti Madaxweyne ayaa wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaas Madaxweynaha ka noqda muddo 30-sano ah oo uu xor yahay dalka Jabuuti.

 

Al-Xaaji Xasan Guuleed Abti-doon oo galabta lagu aasay Magaalada Jabuuti ayaa waxaa aaskiisa ka qaybgalay madaxda dalka Jabuuti oo uu horreeyo Madaxweynaha haatan ee jagada dalkaas haya Ismaaciil Cumar Geelle. iyadoo lagu dhawaaqay 3-casho oo dalkaas uu galayo baroor diiq uu ku xusayo Madaxweynihii hore ee geeriyooday.

 

Taariikh Nololeedkii Marxuum Xasan Guuleed

 

Madaxweynihii hore ee Jabuuti ayaa dhashay sannadkii 1916-kii waxaana uu ku dhashay Magaalada Jabuuti oo xilligaan uu ka talinayay Gumeystihii Faransiiska, waxbarashadiisii wuxuu ku dhameystay isla magaalada Jabuuti.

 

Sannadkii 1950-kii ayuu ku biiray Gole u ololeyn jiray xornimada dalka Jabuuti oo uu markaas haystay Faransiiska, waxaana uu ahaa hormuudka golahaas u dagaalamayay xornimada dalka Jabuuti.

 

Sannadkii 1976-kii ayuu xornimadiisii helay dalka Jabuuti, waxaana loo caleemo saaray Madaxweynaha dalka Jabuuti 24-kii June 1976-kii, taasoo ka dhigaysa inuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Jabuuti.

 

Jabuuti ayaa intii uu madaxweynaha ka ahaa wuxuu ka qabtay howlo aad u fara badan oo dib u dhiska dalkaas ah, waxaana sidoo kale uu xoogga saaray dhanka waxbarashada, isagoo sidoo kalena xoogga saaray in dalka Jabuuti uu noqdo dal ka muuqda saaxada siyaasadda Caalamka.

 

Sannadkii 1999-kii ayuu ka dagay Jagada Madaxweynenimo ee dalka Jabuuti isagoo xilligaas sheegay inuusan howlaha dalkaas wadi karin, waxaana uu ku wareejiyay Madaxweynaha haatan jagada dalkaas haya ee Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynaha Geeriyooday ayaan ifka kaga tagi wax caruur ah, waxaana laba sano ka hor ku geeriyooday dalka Jabuuti Marwadiisii Allaha u Naxariisto labadoodaba.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandopstmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this