Sign in to follow this  
osman_nz

Somalia Starts Anti-Piracy Taskforce. Sawiro

Recommended Posts

osman_nz   

 

somalimarines-290x277.jpg

 

somalimarines2-290x280.jpg

 

somalimarines4-600x376.jpg

 

Ciidanka Bada Soomaaliya oo tababar looga furay Muqdisho (Sawiro)

 

Horseed Media

Muqdisho, Somaliya

 

Waxa markii ugu horeysay xeebta Muqdisho tababar looga furay ciidamo la sheegay inay noqon doonaan ciidamada Bada ee Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalami doona Burcad Badeeda.

 

Ciidamadan oo gaaraya 500 oo askari ayaa saaka tababarkii ugu horeeyey ku qaatay xeebta Muqdisho, ayagoo qaba surweelo guduudan iyo funaanado cad cad.

 

SOMALIA NAVAL FORCESCiidankan oo ay tababarayeen saraakiil Soomaali ah, ayaa la sheegay inay yihiin cutubyadii ugu horeeyey oo dowlada Soomaaliya u diyaarineyso inay illaaliyaan xeebaha Soomaaliya.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ayadu horey caalamka uga codsatay in lagu taageero dhaqaalena lagu siiyo sidii ay u dhisi lahayd ciidamada Bada si wax looga qabto burcad badeeda Caalamka ka wada qayliyey

 

Midowga Yurub iyo caalamka ayaa ugu deeqay dowlada Soomaaliya lacag ka badan 200 million oo dollar oo lagu taageerayo dib usoo celinta amniga Soomaaliya.

 

Macada ciidamada tababarka uga furmay Muqdisho inay yihiin kuwo laga soo kala aruuriyey gobalada dalka ama inay yihiin kuwo laga keenay gobalka Banaadir iyo nawaaxigiisa, waxaana la is weydiinayaa sida ay dowlada ugu qorsheysay hawlgelida ciidamada iyo xeebaha ay illaalin doonaan.

 

SOMALIA NAVAL FORCESDowlada Gobaleedka Puntland oo ayadu ku fadhida dhul xeeb ah oo aad u dheer isla markaana farta ay caalamku ku fiiqaan inay xarumo ku leeyihiin burcad badeeda Soomaaliya, ayaa horey u codsatay in lasiiyo sanadkii 20 million oo dollar si ay wax uga qabtaan burcad badeeda.

 

Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaan weli sameyn ciidamo u khaas ah oo Bada ah taasi oo dhici karto in ay dhabar jab ku noqoto in caalamka uu Puntland ku taageero qorshaheeda ka hortagida Burcad Badeeda.

 

Ma jiraan illaa iyo hada taageero cad oo uu Caalamka sheegay inuu gacan kusiin doono maamulka Puntland. Mana jirto wax muujinaaya in Puntland isku tashadey isla markaasna caalamka u soo bandhigtey talaabooyinka ay horey u qaadey, sida wiilshaan karateyga ku cayaaraya xeebta Muqdisho oo la yiri waxa ay ilaalinayaan mid kamid ah xeebaha ugu dheer Afrika.

 

Maamulka Puntland waxa uu xabsiyada dhigey Burcad Badeed badan, waxa ay maxkamad soo taageen kuwo kale kuwaas oo xukuno kala gedisan lagu xukumay, waxa muuqata in Puntland ay hayso wadooyin badan oo dhibta badda wax looga qaban karo, isla markaas Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay xal hayaan ee ay waayeen wada shaqeyntii caalamku.

 

SOMALIA NAVAL FORCES

 

Wasiirka Kaluumeysiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Ibbi, ayaa dhawaan sheegay in xooga ay saari doonaan dib u soo celinta ciidamadii badda asagoo sidoo kale sheegay inay caalamka kala kaashan doonaan qorshe lagula dagaalamo burcad badeeda.

 

Dowlada Federaalka ayaa hada u muuqata mid ayadu dooneysa sidii ay dib u dhisi lahayd ciidamadii xooga dalka oo ay ku jiraan kuwa Badda, mana sheegin in qorshahaasi ay kala kaashan doonto maamulada hada dalka ka jira.

 

Horseed Media

Source:http://horseedmedia. net/portal/somali/23 104/

 

Excellent news that they began anti-piracy task-force..i hope this anti-piracy taskforce only deals with the southern pirate base and $20 million dollar funding is provided to puntland regional administration to deal with it's piracy.

 

That is the only effective outcome that will work and sharif better not go around play games.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote:Originally posted by osman_nz:

 

somalimarines-290x277.jpg

 

SOMALIA NAVAL FORCES ................

 

 

:D:D
Xiita xiitadooda ayad ka naxdey miya - dont worry sxb they will be soon nourished.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

hey anyone can wear a "commandos" uniform!

harnessing natural resources,coal mining,graphite,as an excuse to conquer parts of earth/land...

seeing such pictures makes me need a toothbrush!!!

 

you call yourself soldiers...where i live i wouldn't send you to buy me a pack o cigarettes.

 

but then the original plan was "yahuudda badda ku shub"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this