Sign in to follow this  
Maaddeey

100s of Xizbul Soldiers headed to: Mataban-Dhusomareb

Recommended Posts

Maaddeey   

Boqolaal katirsan Ciidamada Maamulka Xisbul Islaam degmada B/weyne oo u dhaqaaqay dhanka Matabaan iyo Guriceel Gobalka G/gaduud.

Thursday, 08 April 2010 08:34 administrator Boqolaal Askari oo taabacsan maamulka Ururka Xisbul islaam gobalka Hiiraan ayaa saaka gaaray deegaanka Beergadiid gobalka Hiiraan oo aan ka fogayn degmada Balanballe ee dhacda xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo G/gaduud.

 

Afhayeenka Maamulka Xisbul islaam degamda B/weyne Sheykh Max'med Wehliye Odawaa oo la socda ciidanka Xisbiga ayaa sheegay in ay salaadda Duhurka Insha Allaah ku tukan doonaan Matabaan salaadda Cishahana ku tukan doonaan degamda Guriceel ama ay shahaaddo heli doonaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Ciidamadan oo ku hubaysan labaatameeyo gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay saqdii dhexe ka amba baxay deegaanka Ceelgaal duleedka magaalada B/weyne oo ay maalmihii lasoo dhaafay isku aruursanayeen.

 

Wararka nagasoo gaaraya Beer Gadiid waxay xaqiijinayaa in ciidamada Xisbul Islaam oo aad u qalabaysan ay muddo Daqiiqada ah ku hakadeen tuulada Bacda kadibna ay u jahaysteen dhanka Matabaan.

 

Matabaan oo maalmo ka hor ay galeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ah meel aad unugul oo ay marna soo galaan marna ka baxaan Maleeshiyaad Qabuura Galeen.

 

"Hadda waxaan joognaa Beergadiid Matabaan ayaan Duhurka ku dukanaynaa Ceshanaya Guriceel ama shahaaddo ayaan helaynaa insha'alaah, B/weyne kumasoo laabanayo anaga oo aan meelo furan ama aan shahaadda helin"ayuu yiri Sheykh Odawaa oo lahadlay Idaacadda Somaliweyn ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

 

Dhawaan ayay Xisbul Islaam meel ku dhaw Dhuusamareeb geeyeen Boqolaal dagaalyahan oo dhawaan Tababaro kusoo qaatay Mucaskaraad ku yaal gobalka G/gaduud, Maleeshiyaadka qabuura galeenka ah ayaa qarka u saaran in ay baneeyaan deegaanada ay G/gaduud uga suganyihiin kadib dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Islaamiyiinta Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warka maaddeey oo dhammaystiran Allpuntald.com buu ku yaal.

 

Horta what are the differences and similarities of alshabaab and hisbul-islam? count them sh.Maaddeey please.

Ma mujaahidiintii firqooyinka badnaa ee afghanstan oo kalaa? and their present alliance is just standing for one's enemy's enemy is his friend? and if they have only one goal what is the hell factor that denying them to unite? wonderful

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dambarsame, taladeydii thread-ka kale qaado oo Sheekh Google weydii ha kuu jawaabee :D haddii kale leggere Corriera della Sera :D

 

Xaaji, waxaagu waa Ilaahow balaayada balaayo nooga hay miyaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by Maaddeey:

[QB] Dambarsame, taladeydii thread-ka kale qaado oo Sheekh Google weydii ha kuu jawaabee :D haddii kale leggere Corriera della Sera :D

 

:D ho cercato fin da ora e non ho trovato ancora dove si trova il corriera della sera

 

ho paura che non voule chiederti sheikh e non tornero mai, scusa mi fratello :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this