Sign in to follow this  
QabiilDiid

Guul: Geed is on board

Recommended Posts

QURAANJAY KU QUUSO

 

Midnimo Information Center

mic 31 - 01 - 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Xubnaha Labada Gole ee Jowhar oo soo dhaweeyay Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in kala fadhiga Baarlamaanka ka dhaco magaalada Baydhabo.

 

“Markii hore anaga waxaan go’aansanay in Baydhabo iyo Jowhar la tago, Raggii diidanaa oo uu ka mid ahaa Qanyare ayaa maanta ogolaaday Baydhabo, aniga waxaan diidayaa inaan ka daba qaato, sidaas darted dhamaanteena waxaan tagaynaa Baydhaboâ€ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo la hadlayay xubnaha Labada gole ee ku sugan Magaalada Jowhar isagoo kulan gaar ah la yeeshay.

 

Prof. Geeddi waxaa uu sheegay in dhawaan magaalada Jowhar imaan doono Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf, “Madaxweynaha ayaa noo imaanaya, kadib Baydhabo ayaa aadayna anagoo wada soconoâ€ayuu yiri Geeddi.

 

Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ka qeybgalay kulanka Saaka ka dhacay Jowhar ayaa ii sheegay in Ra’iisal Wasaaraha meesha ka saaray shakigii jiray ee ahaa inuu ka hor imaan doono kulanka Baydhabo†Ra’iisal Wasaare Prof. Geeddi waxaa uu nagu yiri ma doonayno mar kale in burbur nagu yimaadoâ€ayuu sheegay Madoobe Nuunow Maxamed.

 

Xubnaha Labada Gole ee jowhar ayaa markii ay maqleen hadalka Ra’iisal Wasaaraha farxad ku soo dhaweeyay sida uu sheegayo Madoobe Nuunow Maxamed.

 

Is bedelkan sida baalasha Buug isu rog rogayo ma aha wax lagu kalsoonaan karo, intaasna Shacabka Soomaaliyed ma rumaysan, heshiis, go’aan,Baaq iyo codsi ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha marna ma ku soo dhaweeyan farxad, waayo waxay og yihiin daqiiqad kadib in la maqli doono dhawaaq ka duwan midkii saacad ka hor aad maqasho.

 

Tusaale Shalay markii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ka qeybgalayeen dhawaaqi Guddoonka Baarlamaanka ee ahaa in Baydhabo noqoto Magaalada Baarlamaanka ku shirayo ayuu Madaxweynuhu ka sheegay inuusan garanaynin sababta uu garabkiisa ugu waayay Ra’iisal Wasaaraha oo ay ku ballan sanaayeen inay wada joogan Xafladda, taasi ayaa tusaale u ah is bedelada Siyaasadeed ay sameeyaan Siyaasiyiinta Maanta, ama ha ahaadeen kuwii sagaashameeyada ama kuwa hadda cusub ee 2000.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Cali Geedi: Marna ma Aqbalayo Go,aankii Shariif Xasan

 

Ra'isul;wasaaraha Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa si Cad u qaadacay kulankii Shalay ee ahaa in ay Xildhibaanada Dowlada Kmg ee soomaliya ay Fariisain ka Dhiktaan Magaalada Baydhabo Iyadoo Diyaaradii Loo soo Diray Geedi ay ilaa Waqtigan Taagantahay Garoonka Magaalada Jowhar Wasiirada Ku sugan Jowhar oo qarka u saaran in ay qaarkood ka Baxaan Magaalada Jowhar

 

 

Shirkan Ja,raaid ee uu qabtay Geedi ayaa waxaa ka hadlay Xildhibano qaarkood oo ka soo Jeeda Beesha Mudulood oo sheegay in aysan marna aqbali doonin Go,aanka Shariif Xasn Iyo Cabdullahi Yusuf

 

Dhinaca kale wasiiro ay saaxiibo Gaar ah ay hayeen Geedi ayaa laga yaabaa in ay la mowqif noqaan Cali maxamed Geedi oo maanta ka muuqatay Caro Xoogan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarago, bad news maad ka heshaa, walaashiis? :D Oggoow in the eyes of caalamka Soomaaliya dalkaaga inuu yahay, wixii xun ka dhaco waa laga murugoodaa, wixii khilaaf socdana in laga gubdaa lagu duceystaa.

 

Dadka u daa inay damaashaad sameyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Geeddi “Baydhabo wan tagayaa Dalka Soomaaliya oo dhan ayaan Ra’iisul Wasaare u ahay hal gobol ama Magaalo

Ra’iisul Wasaare uma ihiâ€â€¦.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa ka dhawaajiyay fikradiisa ku aadan tagitaanka Magaalada Baydhabo oo ah meeshii uu Barlamaanka uu ku kulmi lahaa.

 

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu kulan la qaatay Wafdigii uu hogaaminayay Amp. Fall oo kulan gaar ah Magaalada Jowhar ku yeeshay manta.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada la hadlay markii uu dhamaaday Kulankii dhex maray Wafdiga Beesha Caalamka iyo Q.M. ayaa uga waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen kulankoodii.

 

“manta waxaan Magaalada Jowhar kula kulanay Wafdiga uu hogaaminayay Amp. Fall oo ay socdaalka kula wehliyeen Midowga Yurub,Midowga Afrika,Jaamacada Carabta iyo safiiro ka socday Dowladaha Talyaaniga iyo Kenya,waxeyna u yimaadeen Taageerida arimaha Nabadeynta,dib u dhiska Soomaaliya iyo horumarintiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tibaaxay in Wafdiga ay sidoo kale u yimaadeen sidii ay u geesinimo geli lahaayeen Dowladda hawlaha hor yaala.

 

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sidoo kale sheegay in wafdigan kasocday Beesha Caalamka ay u yimaadeen oo kaliya sidii ay usii wadi lahaayeen taageerida ay ugu tala gashay Beesha Caalamka Dalka Soomaaliya.

 

Mar wax laga weydiiyay Ra’iisul Wasaare Geeddi in uu Baydhabo uu tagayo iyo in kale ayaa waxa uu yiri.

 

“Baydhabo wan tagayaa Dalka Soomaaliya oo dhan ayaan Ra’iisul Wasaare u ahay hal gobol ama Magaalo Ra’iisul Wasaare uma ihiâ€.

 

Ra’iisul Wasaare Geeddi oo maalinimadii shalay ku dhawaaqay in Magaalada Baydhabo uusan tageyn ayaan ilaa iyo hada wax tafaasiil laga bixin Karin sida uu uga laabtay mowqifkiisii shalay ee ahaa in Baydhabo aysan u cuntami Karin.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro iyo xildhibaano ku sugan Jowhar oo sheegay in ay ka qayb galayaan kulanka Baydhaba

 

Muqdishu, Feb 1, 2006 ( WDN) - Wasiiro dhowr ah oo ka mid ah kuwa ku sugan magaalada Jowhar, ayaa maanta si aan ka leexasho lahayn waxa ay shaaca uga qaadeen in ay diyaar u yihiin tegitaanka magaalada Baydhabo ayna soo dhaweynayaan go'aankii gudoomiyaha uu shalay ku gaaray magaalada Nairobi.

 

Wasiiradan ayaa sheegay in go'aankaasi uu ahaa mid muujinayey dhexdhexaadnimada gudoomiyaha barlamaanka, wasiirka dhulka iyo deegaanka DFKMG ayaa ka mid ahaa wasiiradii ku dhiiraday in Baydhabo ay tagayaan, siagoo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo kulanka barlamaanka ee lagu wado in 26-ka bisha uu ka dhaco Baydhabo.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah wasiiradii ku dhawaaqday tegitaanka Baydhabo, wasiirka waxbarshada Cali C/laahi Cosoble oo sheegay in Baydhabo aanu jirin wax lagu takooro, isagoo xusay in amaakeeda uu yahay mid iska caadi ah.

 

Dhanica kale waxaa jira xildhibaano aad u fara badan oo ku sugan Jowhar oo sidaasi oo kale ugu dhawaaqay, ayagoo sheegay in wax walba ay ka muhiimsan yihiin midnimada iyo wada jirka ah.

Waxaa magaalada Baydhabo ka soconaya dadaalo aad u ballaaran oo amaanka iyo bilcida magaalada lagu celinayo, waxaa magaalada Muqdisho, Jowhar iyo Nairobi qaban qaabo ka wada wasiiro iyo xildhibaano ku sugan degaanadaasi. kuwaasi oo u diyaar garoobaya tagitaanka Baydhabo si sugida amaanka iyo soo celinta bilicda magaalada ay qeyb uga qaataan.

 

Wasiirada ku hawlan aramiamah ayaa ah kuwo ka soo jeedah degaan ahaan Bay iyo Bakool, waxaana ka mid ah wasiirka beeraha Shaati Gaduud iyo wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska Fowsiyo Maxamed Shiikh.

 

 

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ka soconaya olole ballaaran oo ay wadaan saraakiisha RRA-da ee Baydhabo ku sugan, kuwaasi oo haatan bilaabay in maleeshiyooyinka ay magaalada ka saaraan, isla markaana beelaha ka dalbadaan in maleeshiyooyin ay keenaan si amaanka magaalada uu u noqdo mid dadka gobolka oo idil ka wada dhaxeeye.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

Geedi's on board.

 

Max'd Dheere says he's support the TFG in all its decisions.

 

Indhacade said he's willing to go to Baydhabo if he's invited.

 

Cismaan Caato is in Nairobi to meet with the Sharif.

 

But, we know Somali politics: it changes faster than Seattle weather. Let's wait and see what happens on Feb 26 (insha Allah).

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

Adna Nayruusow, siyaasiyiin iyo mashaqadooda ay wadaan kadaba orod uun ilaa iyo qiyaamaha. War nin yahow orod oo wax ku anfacaya kahadal.

 

Don't waste your energy and your little fresh mind over carrupt politicians, and warlords. Hebel said this hebel went there, hebel is comming.

 

Am I the only one who is catching on this kid's crazyness and love for dark hearted politicians whom we regard as the source of conflict in our land? :confused:

 

That is all,

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeddi oo aqbalay shirka baarlamaanka ee Baydhabo

 

Muqdishu, Feb 1, 2006 ( WDN) - Ra'iisul wasaaraha, DFKMG Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii ay isla soo qaadeen wafdigii beesha caalamka ka socday ee Jowhar soo booqday. Wefdigaas oo uu hogaaminayey Farancio Fall oo ah ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Jowhar ayaa sheegay in wefdiga beesha caalamka ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyeen taageeridda dowladda iyo dib u heshiisiinta.

 

Waxa wararku intaas ku darayaan in ra’iisul wasaare Cali maxamed Geeddi iyo wefdiga beesha caalamku ay isku afgrateen in laga wada qayb galo shirka barlamaanka kmg ah ee lagu qaban doono Baydhabo bishan 26 deeda. Cali Maxamed Geeddi oo arrintaas ka hadlay ayaa isna xaqiijiyay in ay isku afgarteen isaga iyo wefdigaasu dhammaan waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

 

Wararka Jowhar laga helayo ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaraha laga dhaadhiciyey in uu ka noqdo go’aanka uu ku diidan yahay shirka ka dhici doona Baydhabo. Taas oo ay soo dhaweeyen wafdigii beesha caalamka ee ka koobnaa Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur goboleedka Igad.

 

Wafdiga uu horkacayey F. Fall ayaa galabnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Jowhar ayagoo dib ugu laabtay magaalada Nairobi . Halkaas oo markii hore ay ka soo kicitimeen.

 

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hadal dhamaa. Wax baynu qabandoonaa yo waxaa la mid ah sheekada kuma dhignaanayso. Ragu wax ha'iska dayaano ficil ha keenaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedd “Anigu kama soo caroon qado iyo hotel, waana tegayaa Baydhabo, mana jiro khilaaf u dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha

 

 

Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay inuu ku dhamaaday guul iyo is garad kulankii uu shalay la qaatay xubno ka socday beesha caalamka, IGAD, J/carabta iyo Q/Midoobay oo uu ka mid ahaa wakiilka xoghaha guud ee Q/Midoobay Ambassador Fransious Fall, wuxuuna xusay in xubnahaasi ay u balan qaadeen dowladda federaalka inay ka caawiyaan dib u dhiska dalka iyo sugida amniga iyo weliba howlaha dib u heshiisiinta.

 

 

“Anigu maahi nin ka soo carooday qado iyo hotel ee waxaan Jowhar u imid si aan u sii ambaqaado howlihii dowladda†ayuu yiri Geeddi oo shaaca ka qaaday inuu tegayo Baydhabo, isagoo tilmaamay in Baydhabo ay ka mid tahay 18-ka gobol ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay.

 

 

Wuxuu sheegay Geedd in xukuumadiisu sanad ka hor ay ku baaqday in Baydhabo si kumeel gaar ah loogu sii shaqeeyo balse ay ka hor yimaadeen fad qalalo, sida uu hadalka u dhigay isla markaana haatan uu ku furaxsan yahay in mar kale la sheego in Baydhabo lagu kulmayo “Aniga iyo madaxweynaha wax khilaaf ah oo horey nooga dhaxeeyey iyo mid cusub oo haatan naga dhaxeeya ma jirto, waxaana wararkaasi qod qodaya saxaafada oo aan ka cadsanayo in aysan buun buunin wax aan jirin†ayuu yiri Geeddi oo ku nuux nuuxsaday inay ka go’antay inuu Baydhabo tago.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi iyo Shariif Xasan oo ku sii jeeda Mag. Galkacyo

 

Galkacyo 06 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Labo wafdi oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra'isulwasaaraha Somalia Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa lagu wadaa in berri ama saad dambe ay gaaraan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda FS. C/laahi Yuusuf Axmed sida laga soo xigtey Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland. Sheekh Daahir Jaamac.

 

 

Gudoomiye Shariif Xasan iyo Ra'isulwasaare Geedi

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Sheekh Daahir Jamac oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Galkacyo ayaa ku wargaliyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi in ay muujiyaan diyaar garow ay ku soo dhaweynayaan wafdiga ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha BFS oo ka soo kictmaya magaalada Nairobi iyo waliba wafdiga Ra'isulwasaaraha oo ka duuli doona magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

 

Sidoo kale Sheekh Daahir Jaamac ayaa waxa uu la hadlay ciidamada Booliska Puntland ee W/ Magaalada Galkacyo oo uu ku wargaliyay in ay xoojiyaan amaanka magaalada si looga fogaado in qalqal la galiyo imaanshiyaha wafuudaas.

 

Ujeedada socdaalka labadani wafdi ay ku imaanayaan magaalada Galkacyo ayaan la shaacin, inkastoo la sheegayo in socdaalkooda uu la xiriiri sii dhameystirida iyo waliba u diyaargarowga kulanka BFS ee lagu wado in 26 ka bishaan uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

 

Gudoomiyaha BFS ayaa ah markii ugu horeeysay uu u socdaalayo magaalada Galkacyo, tan iyo Markii loo doortay xilka Gudoomiyenimo sanadkii 2004 ta, iyadoo Ra'isulwasaare Geedi uu horey halkaasi ugu socdaalay dhowr mar.

 

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha BFS uu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi in kulanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo,26 ka bishaan, iyadoo arinkaasi uu si weyn uga soo horjeestay Ra'isulwasaare Geedi, inkastoo Ra'isulwasaaraha shalay shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada Jowhar uu ku aqbalay in uu tagayo magaalada Baydhabo isla markaana uu ka qeybgalayo kulanka BFS.

 

C/laahi Cabdi

 

Shabelle Media Network, Mudug

 

Historical. The three highest officials of TFG on Somali soil in a same room at a same city at same time. Quraanjo should get more desperate and will likely give up...

Share this post


Link to post
Share on other sites

b10.jpg

 

BeLieVe your eyes. Geelle's strategy is working. You see caato's face behind Shariif Xasan. The picture was taken today in Baydhaba. Qanyare is relaxing in Nairobi in the courtesy of the PM. Soon we will see Suudi getting out from the sorrowful situation of no peace no war. Ka soo hoyo horurka iyo waraabaha. SOOMAALIYA HA NOOLAATO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this