Sign in to follow this  
General Duke

Buurawadaal: Puntland Ministers visit town.

Recommended Posts

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa shalay Deegaanka Buura-Wadal ee gobolka Sool gaaray Wafdi Wasiiro ah oo katirsan Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed kuwaas oo halkaas u tagay inay wax kaqabtaan baahida dadweynaha reer BuuraWadal oo ka cabanayey Dhibaatooyin kaladuwan oo dhanka Nolosha ah gaar ahaan Waxyaabaha aasaaska u ah Nolosha Bini Aadamka.

 

Wafdigan Wasiirada ah oo horkacayey Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Howlaha guud & Gaadiidka ee Puntland & Wasiir xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland waxayna kulan weyne la qaateen Dadweynaha reer Buura Wadal oo uu maalin kahor booqday madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ay safarka ku weheliyeen Xubno Wasiiro & Saraakiil madaxtooyada ah isugujiray.

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii la hadashay Shacabka buura-Wadal ayaa sheegey in booqashadoodu ay tahay sidii hor’umar dhab ah looga samayn lahaa dhinaca Arimaha Bulshada gaar ahaan dhanka Waxbarashada,waxaana uu sheegey in ay Buura-Wadal Iskuulaadkeeda hagaajin doonaan islamarkaasna ay keeni doonaan Macalimiin tayo Wanaagsan leh oo soo saari karta Ubad Aqoon leh.

 

Sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud & Gadiidka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng,Daahir Xaaji Khaliif ayaa isna la hadlay shacabka Buura-Wadal,waxaana uu sheegey in ay Wasaaradiisu taabo gelin kasamayn doonto howlaha ka quseeya arimaha Bulshada gaar ahaan Biyaha oo ah Asaaska Nolosha,waxaana uu sheegey in Ceelasha oo dib loo haagin doono & kuwo cusub oo la qodayo.

 

Dhinaca kale Wasiir xigeenka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Maxamed Xirsi Ducaale oo kamid ahaa Wasiiradii booqday Buura-Wadal ayaa dhankiisa balan qaaday in Wasaaru ay hor’umar kasamaynayso Arimaha Caafimaadka,gaar ahaana ay hormarinayo Goobaha Caafimaadka ee lagama maar maanka ah.

 

Wafdigan ayaa Booqashadooda ay timid kadib markii uu madaxweynaha Puntland shalay Subixii hore ugu yeeray Xafiiska Madaxweynaha islamarkaasna uu ku amray inay ogaadaan waxna ka qabtaan Arimaha Muhiimka ah ee ay Dadka Buura-Wadal ka cowdeen Markii uu booqday Jimcadii tagtay oo ay ugu horeeyeen Caafimaadka,Biyaha & Waxbarashada oo dhamaantood ay quseeyaan Wasiirada Booqday.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Any Audio of any of these men?

Is not that we don't believe you, but....

 

We also need pics. From now on...Sh!t like that will be dismissed dukey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Not claiming that you're making stuff up, not that I don't believe you dukey :rolleyes: . I learn that you have no love for that Galgala sub-clan forget about the rest of the Somali clans

 

I just need a prove.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

 

the above link is of the Ministers visit with pics of them meeting the local people. Enjoy.
:D

A huge turn out? Wait, A huge turn out? lol. Hardly...

 

step it up dukey, I'm glad that you edited your thread :D

 

No Audio?

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was a huge turn out Adeer it's a small town but the welcome was universal. The audio is on Horseednet if you listen but the pictures are as clear as day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

It was a huge turn out Adeer it's a small town but the welcome was universal. The audio is on Horseednet if you listen but the pictures are as clear as day.

I see about 13 people in those 5 pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

puntland is making headway...

 

it managed to go 20 minutes outside their capital garowe and got a village of 13 people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this