Sign in to follow this  
QabiilDiid

Duke, how come you missed this one?

Recommended Posts

bolissomali2.jpg

 

Ciidamo Bolis Oo Kusoo Fool Leh Mag. Muqdisho ( 3.000 )

 

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 23-Augosto-2007

 

Sida ey shaaciyeen masuuliyiinka ka tirsan ciidamada boliska iyo maamulka G/Banaadir ayaa waxaa kusoo fool leh magaalada Muqdisho ciidamo bolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay mid ka mid ah xerooyinka ciidamada ee duleedka Muqdisho kuwaaso lagu wado in ey kaabaan ciidamada boliska ee horay ugu sugnaa caasimadda.

 

Ciidamada ayaa lagu sheegay in ey qeyb lixaad leh ka geysanayaan sugidda Amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankaan badankiis ka howl gali doona labada degmo ee ey qaraxyada ka geystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo burcadda kusoo badanaya degmooyinka.

 

Tirada ciidamadan boliska ah oo lagu sheegay 3.000 oo askari ee kusoo foolka leh caasimadda ayaa kusoo beegmay xilli ey dowladdy shaaca ka qaaday in ey wax ka badali doonto amaanka guud ee caasimadda mudo sadex isbuuc gudohood isla markaana ey ka sifeyn doonaan magaalaa kooxaha argagixisada iyo kuwa burcada ah ee caadeystay waxyeeleynta dadka rayidka ah.

 

Amaanka guud ee caasimadda oo ah mid dagan ayaa hadana waxaa kusoo badanayay degmooyinka qaar qaraxyo iyo falal burca nimo ah oo ey badanaa wax ku noqdaan dad shacab ah oo an waxba galabsan.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

La Xiriir

Xafiiska Calanka.com Ee Magaalada Muqdisho

 

Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)

Ku Laabo Bogga Hore

 

Xayeysiis

Fanka Iyo Suugaanta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is the above why gacmadheer is threaatening the people of Mog.? Or does he really has a plan to restore peace and order? With all the corruption in Nairobi and the greedness of NGO to pocket whatever is donated to Somalia for personal enjoyment and luxiries, how would the TFG be able to pay the salaries of the police for sustaine period? I heard that the few Somalis the NGO hire are selected on the basis of how good they know how paly gulf. :mad:

 

 

Nairobi, Khamiis , August 23 2007 SMC

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee dawlada Federaalka ah ee Somaaliya Mudane Mohammed Mohammoud Guleed Gacmodheere oo kusugan Caasimada dalka Kenya Ee Nairobi isagoona mar kiiisii hore ka yimid Magaalo Madaxda Dalka Somaaliya ee Muqdisho Wasiir ka ayaa shir jara'id oo ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu kaga hadlay Arimoi badan oo Quseeya dalka uu Madaxdiisa ka mid yahay ee Somaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in in Dawladiisu ay ku dadaali doonto sidii ay wax uga qaban lahayd Qul qulatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho ee is kugu jira Dhaca Dilka iyo Handadaada Dadweynaha Gacmadheere oo Hadalkiisa sii watay ayaa wacad ku maray in ay cagta marin doonaan kooxaha koocdanka ka wada magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Dawlada Somaaliya Ee Arimaha Gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Sheegay in Mudo muddo 3 Todobaad ay wax weyn ka qaban donaan Amaanka Caasimada muqdisho isagoona sheegay in mudda 20 ka cisho ee inagu soo fool leh ay Hawl gali donaan Askar Boolis ah Oo dhawaan Tababar loo soo gaba gabeeyey oo tiro ahaan Gaaraya 4500 Wasiirka ayaa shegay in Booliskaas ay yihiin kuwo Qibrad dheraada uleh Soo Celinta Amaanka iyo Gacan ku qabashada Kooxaha Nabad Diid ka Ah.

 

Waxaa uu wasiirku ku ee deeyay weerarada maalin kasta ka dhacaya magaalada Muqdisho in ay ka dameeyaaan kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin haraadigii maxkamadaha Islaamiga kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan nawaaxiga magaalada Muqdisho

 

Madax ka tirsan Dawlada Federaalka ah ee Somaaliya ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in ay wax ka qaban donaan Ammaanka Casaimada Muqdisho balse majiraan wax saas usii weyn oo laga qabtay Nabad galayada Muqdisho.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Nairobi Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this