Sign in to follow this  
MoonLight1

Kenya oo BALAN KU MARTAY inay Soomaaliya faraha la gali doonto.

Recommended Posts

Dowladda Kenya oo wacad ku Martay in ay faragalinayso Xasradaha ka jira dalka Soomaaliya.

 

Posted: 6/19/2009 7:36:00 PM

Shabelle: NAIROBI

 

Wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Kenya Moses Wetangula ayaa kulan ku saabsan xiisadaha dalka Soomaaliya oo magaalada Nayroobi uu kula yeeshay wakiilo ka socda Ethiopia iyo Midowga Reer Yurub waxaa uu sheegay in Kenya ay fara galin ku samaynayo xasradaha dalka Soomaaliya.

 

 

 

Shir jaraa’id oo xafiiskiisa magalada Nayroobi uu ku qabtay Wetangula waxaa uu sheegay in kulankaasi oo uu amray madaxweynaha dalka Kenya Kibaki uu ka dambeeyay kadib markii danaha Muhiimka ah ee dalka Kenya ay qatar dhinaca Ammaanka ah soo wajahday.

 

 

 

Inkastoo wasiirka arimada dibadda aanay shaacin talaabooyinka ay qaadayso dowladda Kenya ayuu hadana ku nuux nuuxsaday Calaamado muujinaya Suurta galnimada in faragalin militari ay samayso dowladda kenya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD ay baadi goob ugu jiraan sidii dowladda KMG looga ilaali lahaa weerarada ay ku qaadaan dhinacyada Mucaaradka.

 

 

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Kenya waxaa uu intaasi raaciyay in Xanibaadii Ururka Goboleeka IGAD iyo Mudiwoga Africa ay ku soo rogeen dekadaha iyo garoomada ay mucaaradku maamulaan loola jeeday in saanadda looga jaro dhinacyada mucaaradka.

 

 

 

Hadalkaani ayaa imaanay kadib markii dowladda Kenya xaduuda ay la wadaagto Degmada Ceelwaaq Gedo ay soo buux Dhaafisay ciidamo fara badan kuwaasi oo ay ku sheegtay in ay sugayaan Ammaanka xadkaasi.

 

Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

MR. GOODIR WHO'S SIDE ARE YOU ON? YOUR COUNTRY OR KENYAN AND ETHIOPIAN? WHEN THEY SAY THEY'LL INTERFARE AND ENTER SOMALIA, DON'T YOU THINK THEY ARE THREATENING YOUR COUNTRY AND THE PEOPLE THEY'LL KILL ONCE THEY INVADE ARE YOUR BRETHREN? COM'ON PEOPLE THINK BEFORE YOUR SAY SUCH A THING. ALSHABAAB AND CO. MIGHT BE DISSPEAKABLE BUNCH OF MORRONS, SO FAR THEY ARE THE ONLYONE WE HAVE DIFFENDING THAT GODFOSAKEN COUNTRY AND IT'S CITIZENS AND 99% OF THEM ARE OUR COUNTRYMEN, AND WE SHOULD REFFRAIN FROM CHEERING A WELL KNOWN ENEMY WHEN THEY THREATEN OUR COUNTRY WITH INVATION AND ETC. PEACE!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Kenya markaad aragtid afka un bay ka hadashaa...haddii ay Soomaaliya wax u qabanayaan oo ay la jecel yihiin dadka Soomaaliyeed ee dagaallada iyo aafada ka qaxay oo dalkeeda joogta ha u turto I don't think inay leeyihiin tabar ay koox hubaysan oo Soomaaliyeed kula dagaalaane!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What nonsense, the men who are eating up the armed groups in the south can not take an inch against 4000 Burundi & Ugandan troops. Somali's talk a great deal, but we have only sterngthes for ourselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this