Sign in to follow this  
Liibaan

Hambalyo ku socota: Geelle oo Dadaalo aadBadan u sameeyey Midnimada Nabada Somaliya

Recommended Posts

Liibaan   

www.jamhuuriya.info

 

Madaxweyne ismacil cumar geelle oo noqday dhimbiil dab ah oo ku baxaysa jiritaanka somaliland

 

madaxweynaha jamhuuriya jabuuti ismacil cumar geelle ayaa Muddooyinkii u dambey qorshayn arrimo lagu minjo xaabinayo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland ee haatan kaxasiloon dhulkii laysku dhan jiray somaliya

 

madaxweynaha jamhuuriya jabuuti ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay kulmo la yeeshay madaxda jabhadda mucaaradka ku ah Somaliland ee la baxday ssc

 

waxanna uu madaxwaynuhu jamhuuriyadda jabuuti sheegay inuu taageeri doono jabhadda ssc

 

jabhadda ssc ayaa sanadkii 2009 lagaga dhawaaqay magaaladda nayrobi ee xarunta wadanka Kenya hogaanka ugu sareeya jabhadda ssc oo maalmahanba booqasho dhaqaale uruuris ah ku joogay magaaladda addis abab ee xarunta dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu marlabadaad marti-qaadka helay madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ismacil cumar geelle waxaanna wararka naga soo gaadhaya magaaladda jabuuti ee xarunta dalka jabuuti ayaa sheegayaan inay halkaasi gaadheen weftiga jabhadda maalinimadii shalay

 

weftiga uu hogaaminayo madaxda sare ee jabhadda ssc DR:saleban ciise axmed kaar (xagla-toosiye)oo uu weheliyo garaadka guud ee jabhadda garaad jaamac garaad cali ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan magaaladda addis abab maadaama aanay u dhamaan hawlihii ay halkaasi u tageen .

 

weftiga jabhadda ayaa lafilayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinka buhoodle iyo holhol si ay uga qayb galaan shirka uga qabsoomaya magaaladda holhol .

 

cadaawadda oo madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ismacil cumar geelle u qabo jamhuuriyadda xasiloon ee Somaliland ayaa soo shaacbaxday ka dib markii uu sanadkii 2008 diiday inay dalka jabuuti laga xuso munaasibadda 18 may maalinta qaranimadda Somaliland

 

sidoo kalenna shirka jabhadda ssc ee lagu waday inuu ka dhaco magaaladda holhol ayaa khilaaf hadheeyay ka dib markii ay garaadada beesha dhubantante ee garowe ku sugani ay ku taleyeen in shirka laga wareejiyo magaaladda holhol

 

isku soo duuduuboo madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ayaa dhimbiil naar ah ku ah jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland taasi oo ay inta badan dadka reer Somaliland aanay dareensanayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Naxar,

 

Halkan haa la imaan hadalada labada maangaab(Cali Baashe iyo Baashe Maxamed)

 

The Garaad and Geelle's focus is peaceful settlement for all Somali issues, and it will always remain like that is because peace, unity and reconciliation is their top priorities.

 

The cooperation between Geelle and Sheikh Shariif/PM Omar in one hand, and the cooperation between Gheelle and Garaad/Suleiman Xagla-toosiye on the other hand is in the interest of all peace-loving somali people, what you talking about???

 

President Geelle has tirelessly worked over the last 20 years to restore Somali Republic, as result he hosted numerous national conferences, from the first conference in 1991 to last one in January 2009

 

Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin baanu u soo gudbinaynaa Madaxweyne Geelle iyo Shacabka Djibouti ee walaalaha ah, Geelle aad buu ugu mahadsanyahay dadaalada aadka u Badan ee uu sameeyey Dibu Hishiisiinta, Midnimada &Nabada Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Soomaalidiidku Cabaad Badanaa

 

MADAXWEYNE GEELLAA JABUUTI OO NOQDAY CADWGA KOWAAD EE SOMALILAND

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle ayaa muddooyinkii u dambey qorshayn arrimo lagu minjo xaabinayo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee haatan ka xasiloon dhulkii laysku dhan jiray Somaliya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriya Jabuuti ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay kulmo la yeeshay madaxda jabhadda mucaaradka ku ah Somaliland ee la baxday SSC ,waxanna uu madaxwaynuhu Jamhuuriyadda Jabuuti sheegay inuu taageeri doono jabhadda SSC.

 

Jabhadda SSC ayaa sanadkii 2009 lagaga dhawaaqay magaaladda Nayrobi ee xarunta wadanka Kenya hogaanka ugu sareeya jabhadda SSC oo maalmahanba booqasho dhaqaale uruuris ah ku joogay magaaladda Addis Abab ee xarunta dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu marlabadaad marti-qaadka ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle waxaanna wararka naga soo gaadhaya magaaladda Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ay sheegayaan inay halkaasi gaadheen weftiga jabhadda maalinimadii shalay.

 

Weftiga uu hogaaminayo madaxda sare ee jabhadda SSC DR Saleban Ciise Axmed Kaar (Xagla-Toosiye)oo uu weheliyo garaadka guud ee jabhadda Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan magaaladda AddisAbab maadaama aanay u dhamaan hawlihii ay halkaasi u tageen .

 

Weftiga jabhadda ayaa lafilayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinka Buhoodle iyo Holhol si ay uga qayb galaan shirka uga qabsoomaya magaaladda Holhol .

 

Cadaawadda oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle u qabo jamhuuriyadda xasiloon ee Somaliland ayaa soo shaacbaxday ka dib markii uu sanadkii 2008 diiday inay dalka Jabuuti laga xuso munaasibadda 18 May maalinta qaranimadda Somaliland.

 

Sidoo kalenna shirka jabhadda SSC ee lagu waday inuu ka dhaco magaaladda Holhol ayaa khilaaf hadheeyay ka dib markii ay garaadada Beesha Dhubantante ee Garowe ku sugani ay ku taleyeen in shirka laga wareejiyo magaaladda Holhol.

 

Isku soo duuduuboo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhimbiil naar ah ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo ay inta badan dadka reer Somaliland aanay dareensanayn.

 

Saleban Sahal Jamac

 

salosahal@hotmail.com

 

Burco Somaliland

 

tell:0025224343677

 

---------------

Dawlada Jabuuti Oo Hawlgashay Sidii ay Dagaalo uga hurin lahayd Gobolada Bari ee Dalka Somaliland

 

Bristol-UK (Somali Voice) Xukuumada Jabuuti ee uu hogaamiyo kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay colaado hor leh uga hurin lahaayeen gobolada Bari ee dalka Somaliland, iyaga oo kaashanaysa Maamulka ******teeniya iyo kooxo ka tirsan Garaadada debad wareega ah ee Gobolka Sool.

 

Warar sugan oo ay jariidada Somali Voice heshay ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu kulamo joogto ah oo aan kala joogsi lahayn la yeeshay Garaadada reer Sool ee debadwareega ah oo uu hor kacayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu ah nin si weyn uga soo hor jeeda Somaliland isla markaasna ahaa ninkii abaabulay shirkii fashilmay ee Nayroobi ay ku qabteen xubno qaxooti ah oo ku abtirsada Beesha Sool. Waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle ku dhiirri galiyay kooxahaas Somaliland ku kacsan inay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka bilaabaan gobolka Sool, maadaama aanay u babac dhigi karin Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah geesiyaal ka adag cadawga Somaliland.

 

Sida ay ilo xogagaal ahi tilmaamayaan waxa uu Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle go'aansaday in Colaad uu ku furo Somaliland si aanay fursad ugu helin horumarka dhaqaale iyo siyaaso ee sii xoogaysanaya ee Somaliland ay ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle uu ka werwer qabaa in doorashooyinka Somaliland oo si cadaalad iyo nabadgelyo ah u dhacaa ay horseedi doonto aqoonsi buuxa oo Somaliland la siiyo, iyada oo Jabuuti u aragta Somaliland oo aqoonsi heshaa inay Jabuuti ka dhigi doonto gego laga hadaafay oo aan miisaan siyaaso iyo mid dhaqaale toona ku yeelan doonin Geeska Afrika hadii ay Somaliland noqoto qaran la aqoonsado. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta iyo shalay kulamo googoos Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Maamul Gaboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo imika ku sugan Jabuuti, waxaana ay ka wada hadlayaan qorshaha dhagareed ee uu Ismaaciil Cumar Geelle ku doono iyo Somaliland gudaheeda dagaalo lagaga huriyo.

 

Hadaba Dagaalka cad ee uu maamulka Jabuuti kula jiro Somaliland oo ah mid aan cidna daah ka saarnayn ayaan ilaa imika Xukuumada Somaliland aanay wax war ah kasoo saarin, waxaana jira shaki weyn oo muujinaya in masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Rayaale ay qorshahan wax ka ogyihiin, iyada oo la is weydiin karo sababta ay xukuumada Somaliland ee loo dhaariyay ilaalinta amaanka qaranku aanay uga hadlin faragalinta qaawan ee uu kaligii taliyaha Jabuuti ku hayo Somaliland.

 

Dhinaca kale waxaa jira dhul balaadhsi ay xukuumada Jabuuti ku doonayso inay ku hanato deegaano ka tirsan galbeedka Somaliland, waxaa sidoo kale socda qorshayaal lagu doonayo in ugaaska beesha Ciise lagu caleemo saaro degmada Saylac ee Somaliland, waana qorshayaal is daba taxan oo uu Ismaacil Cumar Geelle uga dan leeyahay inuu ku hantiyo qaybo ka mid ah deegaamada Somaliland isaga oo adeegsana habab kala duwan.

 

Xukuumada Somaliland waxaa ku waajib ah inay degdeg uga hadasho gardarrada qaawan ee ay xukuumada Jabuuti ku hayso Somaliland, waxaana ku waajib ah inay dawlada Somaliland ku dhaqaaqdo talaabooyin lagaga hor tagayo falalka shaydaaniga ah ee Kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle. Golayaasha Baarlamaanka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka ayaa iyagana laga sugayaa inay jawaabo ka bixiyaan farogalinta Jabuuti ay ku hayso Somaliland.

 

Kaysar Cabdilaahi

 

Bristol. UK

 

kaysar@europe.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this