Sign in to follow this  
Paragon

Gaalkacyo: Culumaa'udiinka gobolka Mudug oo ku dhawaaqay Jihaad

Recommended Posts

Paragon   

Talaado, October 24, 2006 - APL

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Culumaa'udiinka gobolka Mudug ayaa saaka salaadii ciidal fidrada ka dib ku dhawaaqay jihaad ka dhan ah Maxkmadaha Muqdisho haddii ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan gobolka Mudug.

 

Culumada gobolka Mudug oo ay wajiyadooda ka muuqatay qiiro diineed ayaa dhamaan waxay saaka khudbooyinkii kala duwanaa ee ay ka jeediyeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo si isku mid ah uga hadleen xaalada dalku hadda ku sugan yahay, gaar ahaan waxa ay ugu yeereen dad ajaanib ku adeeganayaan oo magac diimeed ku gabanaya.

 

Sh Ismaaciil Xaashi agaasimaha wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta Puntland ayaa si kulul uga hadlay amuurtaa, waxa uuna ugu baaqay mushtamaca gobolka Mudug in ay u diyaar garoobaan dagaal dhan ka ah Maxkamadaha Muqdisho iyo isbalaarintooda ku aadan xoog wax ku raadinta.

 

Sh. Imaaciil Xaashi wuxuu intaas ku daray in ku dhaaqida Jihaadka ay usoo wakiisheen culumaa'udiinka Ehlu-suna Wal-jamiica ee gobolka Mudug.

 

Hadaladaas Aggaasimaha ayaa waxay ahaayeen kuwo ay dadkii halkaas iskugu yimid aad ugu riyaaqsanayeen isla markaasna siddii dad codeynaya hal mar gacmaha kor u taageen ayagoo ku dhawaaqaya kalimada "Allaahu Akbar", iyo "Jihaadu Fiisabiili Laah"

 

Agaasimaha oo kaliya ma ahayn culuamada maanta halkaasi ka hadashay, balse waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay isla markaasna Jihaad ku dhawaaqay culumaadu'udiin ay ka mid yihiin Sh. Cabdullaahi Dayib, Sh. C/raxmaan Salaad (Qoordheere) iyo culumo kale oo aad u tiro badan.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Md. C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay inuu shacabkiisa ka difaaco cadow kasta oo dibadda ka soo weerara, iyo mid dalka gudihiisa ka soo baxaba.

 

Md. Dhuubane wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu raali ka yahay Jihaadka ay culumadu ku dhawaaqeen, isla markaasna lagu arki doono dooxada gobolka Mudug maydka in badan oo ka mid ah waxa uu ugu yeeray nimanka magaca diimeed sheegta haddana caadeystay cabidda dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

 

Isku soo wadada duuboo khudbadahan xasaasiga ah ee maanta laga jeediyey garoonka kubadda cagta ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay yihiin khudbooyin siweyn looga hadal hayo dhamaan goobaha ay dadku iskugu yimaadaan, ayadoo ay maantana tahay maalin fasaxa, oo dhamaan dadku ismar xabeynayaan.

 

AAA Gentleman

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Mudug wax diin yaqaano maba ku maqlin ee kuwaan intay ka imaadeen all of a sudden? Mise waa xertii cabdalle iyo cawareere ee xaaraanta ku haysatay meesha? These are the same guys who made Caydid Sr awliyo and served under him offering the blessings he needed to carry on his clan wars. Now they are supporting Qeybdiid this turn around, another warlord of the family who tirelessly works to put together clan militias to war with others. Amxaaro soldiers are dining in their middle daily but that doesn't bother them naturaly. Waxaa u daran qabiil la caabudo.

 

Kuwaan diin waxba kama ogee si deg deg ah wax cagta u mariyo in la helaa fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwaan diin ma heestaan ee si deg deg ah cagta u mariyo in la helaa fiican.

Ka joog Saaxib, Somali diin iskuma dhaanto. Cimaamad , gardheer, and surgaal gaaban doesn't make the xamar bunch any more religious. Oppose these people for political views, but let's not question their faith.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^o deh maxaa ka rabta - Xoogsade and friends will bring the TRUE diin to the cawaan and munafiqs of Mudug - just you wait and see:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Che, intaadan isoo xiganin aan beddelay jumlada in kastoo dadka sheekh lagu sheegay ee meesha ka wacdiyay aan diin ka barteen.

 

The point

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

LoL@ The Point. It would be funny though to see Reer Mudug la karbaashaayo.

 

Xoogsade....Anba kuwaas camal cashar ka qaado kuma dhaheen laakin waxay aamin sanyihiin Alla iyo iyagii ka dhaxeesaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade, thinks robing people is deen. Saxib stop the insults there are no looters like IndacADE and Co in the whole of Mudug. No one in Galkacyu lives in other peoples homes, while we know the case is very different in the areas you occupy including Mogadishu.

As for cheap talk, wait brother the people of lower Shabbele will be LIBERATED from the thugs who now pretend to be religious.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree with Mr duke coz he's my man..

thats true guys no one can bring us religious SOmali islam religion has began from East cost of somalia.

Xaaraab xaalkaa ba! if the people of mudug wants to have xaaraan Waxey ka aryi la haayeen dadka mudug dagen ee ka badan yahiin sita xaaraan ku xoogsade iwm...

but i dont do that...

thats why god pless us alxamudulillaah---.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this