Sign in to follow this  
Cowke

Editorial: 19 years later is Somaliland a Sovereign State Or Regional Government?

Recommended Posts

Cowke   

EDITORIAL: Somaliland… 19 Sano Ka Dib Qaran Mise Maamul Goboleed?

 

18-ka May 1992 ayaa gobolada Waqooyi (Somaliland) looga dhawaaqay maamul ay leeyihiin beelaha degaankaasi. Dhismaha maamulkaasi ayaa ahaa natiijo ka dhalatay kulankii ay magaalada Burco ku yeesheen sanadkaasi odayaal iyo siyaasiyiin degaanka oo hab beeleed go’aansaday inay talada ku wadaagaan.

 

Aas aaskii maamulka Somaliland waxaa uu ka unkamay saddexdii gobol ee Waqooyi Galbeed (Hargeysa), Awdal (Boorame) iyo Togdheer (Burco). Waxaa xusid mudan in qeybo ka mid ah Sanaag iyo Sool ay ku jireen waxna ku lahaayeen yagleelida maamulka Somaliland ee shirkii beelaha Burco.

 

Bilowgii, waxay dadka reer Waqooyi Galbeed (Somaliland) ujeedadoodu ahayd in horta maaro loo helo goboladaasi maadaama ay dalka intiisii kale dagaalo ka jireen. Hase yeeshee taasi micneheedu ma ahayn in arintaasi la isla wada ogaa. Siyaasiinta hor boodeysay taladaasi oo ahaa kuwii marki dambe xilalka ugu waaweyn ka qabtay maamulka Somaliland oo ugu horeeyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ku dhawaaqeen in maamulka ay sameysteen uusan hoos tegin Soomaalida inteeda kale, laga bilaabo maalintaasna [18 May 1992] waxaa bilawday ku dhawaaqista ‘Jamhuuriyad la baxday Somaliland’.

 

Aragtidii 1992

 

Bulshada ku dhaqan gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya marna kuma mideysneyn ‘gooni u goosad’. Taasi ma aha feker aan anigu qabo ama koox kaliya ay aaminsan tahay, hase yeeshee waxaan dhihi karnaa waa arin ay wada fahamsan yihiin dad badan gaar ahaan intii xog ogaalka hoose u ahayd sida wax ku bilawdeen. Waxaana si fudud loo dhihi karaa waxaa arinta ay u kala qeybsanayd markaasi siyaasiyiintii SNM ee ka soo laabtay dagaalkii ay kula jireen dowladii militariga isla markaana ku dheganaa inay mar uun arkaan gobolada Waqooyi oo ka madax banaan Soomaalida.

 

Waxaa qeybta labaad ay isugu jireen aqoonyahano wadaniyiin ah intooda badana waxbartay mudadii dowlada kacaanka isla markaana aaminsanaa in 18-ka gobol ee Jamhuuriyada Soomaaliya aysan qeybsamin iyo dad shacab ah oo arintaasi taageersan.

 

Maxaa u qabsoomay Somaliland?

 

Tan iyo aas aaskii maamulka Somaliland waxaa hirgalay qorshayaal dowladeed kuwii ugu muhimsanaa sida:

 

Qabashada doorashooyinka madaxtinimada ee degaankaasi.

Waxaa hawlgalay golayaal dowladeed sida barlamaan, guurti, gole xukuumadeed IWM.

 

Xisbiyo siyaasadeed (Kulmiye, UDUB & UCID) ayaa hawlgalay.

Waxaa muuqday kor u kac dhaqdhaqaaqa ganacsiga xorta ah oo ku xiran dekeda Berbera. Dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in nolosha dadka caadiga ah ay tahay tan ku xiran ganacsiga.

 

Amaanka guud ee degaanka oo la dhihikaro wuxuu gaaray heer la isku halleyn karo oo muwaadin iyo ajnabi ay u siman yihiin.

 

Waxayna arintaasi sabab u noqotay in wadamada caalamka iyo kuwa deriska ahba ay indho gaar ah ku eegaan dhaqdhaqaaqyada ka socda degaankaasi.

 

FG: Waxaa xusid mudan in ilaalinta nabada meel kasta ay tahay baahida koowaad ee bulshadu wada qabto. Waana waajib in ciddii masuuliyadeeda wax ku leh loogu hambalyeeyo.

 

Xaalada siyaasadeed iyo xisbiyada mucaaradka

 

Xisbiyada mucaaradka oo la dhihi karo waxay xilligan kaalin muhim ah kaga jiraan hawlaha bulsho iyo kuwa siyaasadeed ee degaanka kuma farxin doorashadii u dambeysay ee madaxtinimada. Waxaana si cad loo rumeysan yahay in doorashadaasi oo uu ku guuleystey Madaxweyne Daahir Rayaale la xaday. Dowlada waxay qirtay inay jireen khaladaad farsamo haba ugu badnaadto qalabka serverka ee doorashada iyo ku celcelin la sheegay in degmooyinka qaar laga sameeyey.

 

Soomaalida, meel kasta oo ay joogaan iyo nooc kasta oo ay yihiin wali ma jirto bislaansho siyaasadeed oo horseedi kata in dadku ay la qabsadaan nidaan axsaab badan oo fakir xor ah ku sakeysan. Hase yeeshee waxaa degaanka Somaliland ka hirgalay wax u eg nidaam siyaasadeed axsaab badan.

 

Inkastoo xisbiyadu ay jiraan magac ahaan oo Somaliland doorashooyinkii soo maray ay ka qeybgaleen saddexda xisbi ee jira, haddana wali waxaa taagan arimahan:

 

Habkii qabiilka oo aan wali dadku ka gudbin, isla markaana wali lagu go’aamiyo talada iyo wax qeybsiga.

Musuqmaasuqa ka jira degaanka oo meel kasta saameyn ku yeeshay.

Horumar la’aanta dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo degaanka oo si rasmi ah u jaangooya aragtida dadka.

Arimahan oo isbiirsaday waxay caqabad toos ah ku yihiin taabagalka axsaab siyaasadeed oo rasmi ah lana mid ah kuwa maanta dunida inteeda kala jira.

 

Doorashooyinka

 

Waxaa degaanka ka hirgalay saddex doorasho madaxtinimo oo ay ku tartameen xisbiyada saddexda ah ee hadda jira. Waxaase xusid mudan in doorashadii u dambeysay oo ahayd midi lagu murmay ee dhacday 2004 ay ku jireen waxyaabo badan oo isdaba marin ah sida ay wada qireen dowlada iyo xisbiyada mucaaradkuba.

 

Qabashada doorashada was astaan muujineysa jiritaanka nidaam siyaasadeed ku dhisan tanaasul iyo tartan, inkastoo ay wali muuqato maqnaanshaha garaadkii hagi lahaa. Waxaase tusaale fiican oo aan marnaba la dafiri karin u tahay bulshada Soomaalida inteeda kale si ay ugu yaraan dagaal iyo xoog wax ku raadinta ugu bedelaan tartan furan.

 

Waxaa hadda degaanka Somaliland loo diyaar garoobayaa doorashadii afraad ee madaxtooyada, taasi oo la filayo in saddexda xisbi ku loolamaan; inkastoo mid kasta uu ku adkeysanayo inuu awooda hogaaminta heli doono.

 

Xisbiyada mucaaradka waxay qabaan in iyagu illaa haatanba tanaasul iyo dulqaad ay ku soo jireen, maadaama sida ay qabaan doorashadii u dambeysay la xaday sidaasina Daahir Rayaale xafiiska ku joogo. Laakiin taasi waxay dhalineysaa dareen kale oo xaalada dhinaca kale u qaadaya. Waa haddii dulqaadka hadda jira laga waayo dhinac uun ka mid ah dhinacyada siyaasada.

 

Aragtida Shacabka iyo Nabada

 

Dadka reer Somaliland waxay ka sinaayeen fikrada ku saleysan helida maamul amniga iyo xasiloonida soo celiya isla markaana dhaqangeliya sharciga, si ugu yaraan ay dadku u kala nabad galaan wax kaleba yeelkeede!. Malaha waxaa argatidaasi ka timid waayo aragnimadii laga dhaxlay dagaalkii ahliga ee dadka degaankaasi soo maray oo khasaare wixii uu geystey ay ka darneyd cadaawadii dhexmartey qoysaskii ehelka iyo xigaalada ah (dagaalkii loo bixiyey Habar-Habarta ee bilawgii 1990-meeyada).

 

Mabda’ ahaan maamulku waa uu hirgaliyey nabada iyo xasiloonidii loo xilsaaray, waxaana degaanka ka curtay deganaansho soo jiitay dadka kale wixii dal iyo dibad joogay. Waxaana degaanka Somaliland hormuud ugu noqday gobolada kale qaarkood in ugu yaraan tallaabadii ay qaadeen reer Somaliland laga faa’ideysan karo, waxaana sidooda oo kale ku dayday goboladii Waqooyi Bari (Puntland) oo iyaguna maamul sameysatey 1998-kii.

 

Hase yeeshee marka aad eegto aragtida dadka ma aha kuwo ka wada siman in dalku uu kala go’an yahay oo Soomaalidu ay xuduud kala sameysaneyso. Inkastoo ay jiraan qaar aaminsan sidaasi haddana waxaa jira qaar kale oo aan sidaasi sax u arkin.

 

Tusaalayaal muhim ah;

 

Siyaasiyiinta Kulmiye:

 

Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayey qorshaha siyaasadeed ee xisbigiisa (22 April 2010) ayaa sheegay in haddii uu qabto jagada madaxweynaha aqoonsi uu ka raadin doono caalamka, Siilaanyo wuxuu haalkiisa ku daray “…gobolada koonfureed waxaan kula dhaqmi doonaa dersnimo).

 

Waxaa xaqiiq ah, marka aad dulucda hadalka Siilaanyo raacdo in siyaasiyiin badan sida Siilaanyo aaminsan yihiin in marnabada ay suuragal ahayn SOOMAALIYA oo labo loo kala gooyo.

 

Tuusale kale

 

Magaalada Burco oo ah halkii lagu qabtay shirkii beelaha ee lagu yagleelay Somaliland waxaa illaa maantadan ka shaqeeya lacagta shillinka Soomaaliga oo si caadi ah suuqyada iyo goobaha ganacsiga looga isticmaalaa. Dadka reer Burco hadii aysan ka badneyn 90% waxay fahamsan yihiin in aqoonsi raadinta iyo gooni isu taaggu ay ahayd sheeko ‘Awr ku kacsi ah’. Soomaaliduna aysan is hureyn.

 

Taasi waxaa iigu daliil ah, booqashadii aan ku tegey Burco 2004 ayaan la kulmay oday degaanka ah oo aan isku baranay hotel aan magaalada ka deganaa. Sheekooyin badan oo ku saabsan xaalada Soaliland ayaa na dhexmarey, si cad waxaa uu iigu sheegay inuusan marnaba rajo ka qabin inuu arko Somaliland oo caalamka looga aqoobsan yahay dal madax bannaan.

 

Sida odaygaasi oo kale waxaan shaki iigaga jirin inay jiraan boqollaal kale oo isaga la mid ah oo fikirkaasi aaminsan.

 

Dhacdadii garoonka Hargeysa

 

Galabnimadii 24-12-2009 ayaa gabar ka mid ahayd shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa soo gashay garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo xilligaasi qorsheyneysay inay safar gaar ah ugu ambabaxdo magaalada Muqdisho.

 

Haweeneydaasi waxay iyadoo xiran xijaab iyo indha sharer soo gashay qeybta lagu kontoroolo dadka dhoofaya ee garoonka, waxaa markaasi la socday gabar kale oo sida markii dambe ay noo sheegtay walaasheed ahayd. Gabadhii iyo walaasheed waxay soo dhameysteen hawlihii immigration-ka ee laga rabay dadka dhoofaya, wax yar ka dibna waxay u soo gudubtay Qeybta ay fariistaan dadka diyaarada sugaya. Intii aysan daqiiqado fadhin waxaa si deg deg ah halkii ay labada gabdhood wada joogeen soo galay labo askari oo sida na loo sheegay ka tirsanaa waaxda nabad sugida. Malaha waxay ku raad joogeen xog ay cid saddexaad ka soo heleen.

 

Labadii askari iyagoo aan wax kale eegin ayey weydiiyeen magacii gabadha dhoofeysay wayna u sheegtay. Waxay ku amreen inay soo raacdo balse way ka biyo diiday taasi.

 

Buuq ka dib waxaa labadii askari ay bilaabeen inay xoog ku kexeeyaan labada gabdhoodba, taasi oo abuurtay jawi buuq iyo fawdo ah oo ka dhex abuurmay garoonkii. Dad badan baa isu soo baxay si loo kala dhexgalo ugu yaraan labada gabdhood ee dagaalka la safan iyo askarta dooneysa inay labadoodaba ka kexeeyaan garoonka.

 

Intii aaney arintu sii dheeraanba waxaa meeshii mar qura ka bilawday dagaal faraha la isula tegey oo u dhexeeya labadii askari iyo labo nin oo kale oo banaanka ka yimid. Sheekadii nabad sugiduna halkaas baa ugu dambeysay, mar haddii xaajadii ay noqotay habar wacasho qabiil.

 

Xog wareysigii aan sameynay waxaa na loo sheegay in askartu ay ku daba jireen gabadha ka tirsaneyd wasaarada arimaha gudaha oo safar ugu socotay Muqdisho. Waxaa ay ku jeeday nin ay dhawaan guursatay oo ganacsade ah kuna nool suuqa Bakaaraha si ay halkaasi ugu soo booqoto.

 

Marka aad dhamaan dhacdooyinkan db u raacdo waxaa xaqiiq ah;

 

Awooda qabiilku inay tahay weli mida ugu sareysa guud ahaan Soomaalida oo dhan.

 

Bulshada caadiga ah ee aan ku jirin siyaasada oo aan laga dhaadhicin karin in Muqdisho iyo Hargeysa labo kala yihiin

Aqoonsiga Somaliland

 

Maamulka Somaliland waxaa uu mudo ku dadaalay inuu caalamka ka helo aqoonsi, dadaalkaasi waxaa mararka qaar Somaliland La kaashaneysday wadamada deriska oo ay Ethiopia ugu horeyso iyadoo uga faa’ideysaneysa danaha gaar ahaaneed ee dowlada Ethiopia ka leedahay degaanka, gaar ahaan isticmaalka dekeda Berbera oo Ethiopia ugu yaraan uga kaaftoomi karto baahiyaha wax soo dejita ee wadamada kale ee gobolka oo qaarkood aysan isku wanaagsaneyn.

 

Dabcan, waxaa qeyb ka ah in masuuliyiinta Somaliland ay arinta ku soo lareen cadaawada dheer ee ka dhexeyay labada dal (Soomaaliya iyo Ethiopia) si ay saraakiisha Ethiopia ugu tusaan in Somaliland tahay gobol Ethiopia ay maamulan karto wax kastana ka fushan karto haddii sida ay rabto loo yeelo.

 

Laakiin illaa hadda waxaan marnaba aan lagu guuleysan in maamulka Hargeysa uu noqdo dowlad adduunku aqoonsan yahay.

 

Dad badan baa waxyaabo kala duwan ku sheega sababta loo aqoonsan la’ yahay Somaliland, laakiin waxaa wali su’aal taagan GOORTA 18 gobol ee Jamhuuriyada Soomaaliya loo kala aqoonsan doono labo wadan oo kala madax banaan.

 

HAL ARIN oo muhim ah ayaa waxay tahay in aragtida gooni u goosashadu aysan ahayn talo dadka reer Waqooyigu u wada dhan yahay, iskaba daa Soomaalida kale.

 

Gabagabo

 

Si kasta oo ay xaaladu noqoto waxaa isweydiin mudan mar haddii dowlada Somaliland aysan heysan aqoonsigii ay raadineysay 19 sanosi ay ay kaga madax banaanaato Soomaalida kale ma tahay xilligii ay ogolaan lahayd MAAMUL GOBOLEED la mid ah Puntland kana tirsan jamhuriyada Soomaaliya ee federaalka???!.

 

W/Q: Faarax CaliFaaraxcali@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaji well you should read it because it was posted on well respected website raxanreeb!!!

 

I like the point the contributor made which said that he went to burco talked to the elders of that city and they don't want to see somaliland as recognized state they go to extreme lengths as to keeping the currency of somalia.

 

Its silly to use the currency of nation that you separated from, it just defeats the purpose!!!

 

He also made some good points regarding tribal issues that engulf that part of somalia even though they try to make it appear to be a "democracy" he used nice example of the girl who was arrested at hargeisa airport and turned into nasty habar vs habar war totally dismissing "democracy".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lloool@ raxanreeb isn't that a mudug website what do they know about somaliland? no wonder they got 1991 may 18 wrong by saying 1992 may 18 declaration day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ma tahay xilligii ay ogolaan lahayd MAAMUL GOBOLEED la mid ah Puntland

:D:D:D ...... that was the point. maxaad ka filaysaa wax Mudug lagu soo qoray ? ,,, lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this