Sign in to follow this  
guraad

Breaking news :Faysal Cali WAraabe (UCID ) heading to kenya

Recommended Posts

Gediid,

 

Dear Brother, what was the question again?

I believe that the time is right for most of the leaders to sign up to an agreement.

The political movements and cajoling only prove this point. There is no single united clan, or region everybody is looking to broaden their base in order to include those the laymen think are enemies. Example Abdullahi Yusuf has support from Colonel Qalad, Mohamed Dhere and some influential Mogadishu leaders. While Qaynyare is in the same camp as the Juba Allaince , Xasan Abshir and others. To simplify this further you have SRRC and G8 and all these new monikers and in each camp you find people of different clans solidifying their political interests.

 

It’s very different to the hay days of USC ,SSDF SNF,SPM and I think its positive.

 

What do you think ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

HOGAANKA XISBIGA (UCID) OO U BAAHAN IN SI DHKHSO AH LOO BEDELO

 

Salaam.

 

Raga faraha badanee gudaha iyo debedaba wax ka soo qoraa ee had iyo jeer u heelan inay difaacaan danaha dalkooda hooyo si ay uga badbaadiyaan xumaaandanbe waxaan ku magacaabi lahaa (Danjirayaasha dahsoon)waayo hadiyo jeer waxay u heelanyihiin wanaaga umada iyo difaaceeda,iyadoo aanay arkayn akhristayaashu laakiin ay magacyaqaanaan,

hadii aan u soo noqdo wixii maanta isoo laabkiciyay ee igu kelifay inaan markale galka seefta kala baxo waxa weeye hadalo aan dhawaanahan aan ku arkayay qoraalada internetka, ku waa soo ka hadlaayay inuu Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo rag kaleba ay wadaan dhaqdhaqaaqyo shaki weeyni ku jiro,marka hore waxaan cidwaliba u sheegilahaa inaan umadan cidi is hortaagi karaynin maadaama ay wadaan xaq uu ilaahay uu ugu geeqay oo ah inay karaamadooda ilaashadaan taas oo ay sharaf iyo wanaagba ay kaga mudan yihiin ilaah iyo aadmigiisaba,waa wax lagu farxo in maanta ay somaliland ay aad u talaabsatay oo nin kastoo isyidhaahda lugta qabo isaga ay cidla ugu dhamaanayso taas oo aan u baahnay tusaalooyin waayo waad aragtaan.

 

waxay ilatahay in mar hadii lagaadhay nidaamkii xisbiyada badnaa oo maanta ay dalka ka jiraan 3 xisbi oo sharci ahi,waxaan soo jeedinlahaa inuu engeneer Faisal cali waraabe iskaga dego hogaaminta xisbigan umada himiladeeda sida isla markaana laga sugaayo inuu umada wax weyn uqabto,marxalada lagu jiro waxaan qabaa inaanu Faisal cali waraabe aanu la jaan qaadi karaynin,marka la eego marxaladani sida ay xasaaska u tahay,faisal wuxuu soo saaraa warar iyo war saxaafadeedyo sida weedhka ah runtiina umada dhibaato u keeni kara,waayo marka uu leeyahay baarlamaanka ha lakordhiyo oo uu sabab uga dhigayo in Qabaa'il badani ay Hargeysa soo degeen xagey dadkani ka yimaadeen iyadoo umaduba ay dagaal iyo abaar ka doogtahay oo tiradii ay 88kii joogeen aanayba weligaadhin. tankale habka qabiilka ee uu leeyahay wax halagu qaybiyo waa mid khaldan waayo umadu maanta qabiil uma baahna ee waxay ubaahantahay wax waxu qabta cidkastaba ha ahaadeene,Qiimaynta xadiga dadka ee gobolada waxaa laga sugayaa marka ladoorto Baarlamaan xaq ah,laakiin maaha faisalow inaad adigu ka hor dhacdo.

 

Arinta kalee aan rabo inaan faisal wax ka tusaaleeyana waa ninkan uu ku sheegay Mahdigii oo hargeysa ka soo daahiray,isagoo umada u qarinaya waxa uu yahay shaqsigani iyo waxa uu galo iyo waxa uu gudaba,iyo weliba iyadoo faisal hadaladiisa lagadhadhansan karo inaanuba saaxiibadiisii hore ilaabin (Maroodi madaayo mirashada mayracuu u bartuu u muhanayaa),Haddii aan wax yar idiinka tabtaabto Taariikh nololeedka ninkan uu faisal wadwato waa sidan hoos ku qoran;

 

1-cali dhoof warsame wuxuu ahaa ragii sirdoonka Siyaad barre (faisal saaxiibadii)

2-waana General caarshe seedigii oo haystay Qaybtii 26aad sannadihii 1977-1979

3-waa nin aanwax miisaan ah ku lahayn saaxada siyaasada somalia ama aan laga oqoonba,Majlisyada barjaha ee nairobi mooyee .

4- Maqaayad(hudheel)wax laga cuno ayuu dhawaan ku haystay nairobi intii aanu kicin.

 

 

Hadaba waxaa isweydiin leh muxuu gudoomiyaha UCID u casuumay ninkan iyadoo la og soonyahay inaanan waxba uga baahnayn.

 

Ugu danbayntii waxaan marlabaad faisal cali u soo jeedinayaa inaanu ahayn isagu maanta kuu umada wax u qabankarilahaa oo ay fiicantahay inuu iska nasto,dhinac kalena uu uga wareego siyaasada meesha uu kahayo ee khaldan waayo Cigaalbaanu kadiidnay (ilaahay ha unaxariistee)inuu war saxaafadeed aan hufnayn soo saaro maalin walba taa soo uu aakhirkii aqbalay oo uu samaystay afhayeenkan ilaa maanta jooga Madaxtooyada.

 

Dadkana waxaa looga baahanyahay inay la socdaan xiliga lagu jiro oo ay ku xisaabtamaan wixii dantooda ah wixii kalena ay si midaysan ay uga horyimaadaan,taasoo guul laga gadhayo inshaalaah sidii kuwii horeba ,waxaan kaloo u sheegayaa ninkastoo is qaadqaada inuu umadan sharafta leh kayahay HAL COD oo aanu taa ilaawin una malayn marhadii uu yahay gudoomiye xisbi ama wasiir ama madaxweyne inuu umada ka sareeyo,waxaana xusuus mudan inaanu u baahanahay hogaamiyayaal nadiif ah oo lilaahi ah ku waas oo aanu abaal marindoono waqti dhow inshaalaa.

 

www.burcoman@yahoo.com USA

 

 

jamal ali

burcoman@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this