Sign in to follow this  
Member-sol-

Guddoomiyaha Bardaale oo sheegay inuu la shaqeyn doono Islaamiyiinta.

Recommended Posts

Guddoomiyaha Bardaale oo sheegay inuu la shaqeyn doono Islaamiyiinta.

By Somalimirror on 8 Sep, 2008 12:43 PM in Main, Wararka

 

Xilli uu Baydhabo ku suganyahay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Bay Yoonis Macalin Maxamed “Yoonis Cali Dareen” ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in wixii maanta ka bilowda uu ka mid yahay xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG iyo Joogitaan ciidamada Gumeysiga Itoobiyaanka gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale Yoonis Macalin Maxamed oo hadalkaasi ku lifaaqay ka dib markii uu arkay Xaquusa Ciidamada Gumeysiga itoobiyaanka iyo kuwa dowladda KMG ay u geysteen shacabka ku dhaqan Degmada Bardaale ee Gobolka Bay ka tirsan.

 

 

 

Sababtana ku micneeyay in uu sii kordhay xaquusa ciidamada Gumeysiga itoobiyaanka iyo kuwa la shaqeeya ay ula kacayaan Dadka Rayid ka ah oo aan waxba galabsan, taasina ay keentay in uu islaamiyiinta la shaqeeyo wixii maanta ka bilowda uuna ka tirsan yahay.

 

 

 

Guddoomiyaha waxa uu kale uu cambaareeyay Xasuuqii maalmo ka hor ay ka geesteen ciidamada Gumeysiga Degmada Bardaale uuna ku tilmaamay Yoonis Cali Dareen mid si aad ah looga xumaado.

 

 

 

Si kastaba ha`ahaatee, hadalkani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli mas`uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Bay qaarkood ay sheegeen in ay ku biireen xoogaga ka soo horjeeda DFKMG ah iyo joogitaanka ciidamada Gumeyisga Gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii, Lamana oga saameynta arimahaani ay ku yeelan doonto howlaha shaqo ee Maamulka ka Arimaha Gobolka Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this