Sign in to follow this  
General Duke

The government gets its way- Gains more than the 139 majority:

Recommended Posts

dalxa_guddoomiye_kuxigeenka1.jpg

 

145 Xildhibaan oo u codeeyey in dalka la keeno Ciidamo ka socda Ugandha iyo Suudaan

 

b>Nairobi-11.may.2005 145 Xildhibaan oo ka mid ah 152 fadhidey kulan deg deg ah oo ay xildhinaanada Baaralamanka KMG ah ee Soomaaliya ay ku leeyihin Kenyatta International Confrence ayaa si rasmi ah ugu codeeyeey in dalka la keeno Ciidamo ka socda Wadamada Ugandha iyo Suudaan.

 

Kulanka ayaa wali socda waxaana xildhinaano ay ka soolaabteen haatan qadar fasax ah, waxayna u codeynayaan oo ay iminka galayaan qodobkii kale ee Ra'salwasaare Geedi uu soo jeediyey ee ahaa in Xukuumadu degto Magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo.

 

Warar dheeraad ah ha ka dheeraan SBC Online.net

 

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Baarlamaanka Somaliya oo cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Ciidamo Nabad Ilaalineed oo ka Socda IGAD in ay yimaadaan Somaliya

- Wednesday, May 11, 2005 at 17:20

 

Nairobi, AllPuntland - Sida uu ku soo waramo weriyaha AllPuntland ee Nairobi Iimaan Cali Cabdi waxaa saacado ka hor bilaabmay shir wadastashi ah oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda FKG Somaliya ee ku sugan Nairobi.

 

145 mudane ayaa u codaysay in la keeno Somaliya ciidamo nabad illaalineed oo ka socda wadamada IGAD halka tobaneeyo kalena ay ka aamuseen.

 

Shirka ayaa waxaa ka soo xaadiray 157 xildhibaan taas oo buuxinaysa kooramka uu u baahan yahay golaha baarlamaanku si uu uga doodo qodobada hor yaal ee ay tahay in ay xildhibaanadu go'aan ka gaaraan. 138 xilhdibaan, ama 51% mudane ayaa ay tahay in ay xaadir yihiin si fadhiga iyo go'aanada ka soo baxa fadhiga goluhu ay u noqdaan kuwa waafaqsan dastuurka, lana meel mariyo.

 

Sida uu sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Diinaari oo u waramay Radio Daljir waxaa shirka maanta lagu falanqayn doono laba qodob oo kala ah keenitaanka ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda wadamda IGAD iyo qorshaha dawladdu ay ugu guuri lahayd gudaha Somaliya. Maalmo ka hor ayaa shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada xukuumada FKG Somaliya ay ku ansixiyeen labadaa qodob iyaga oo ka duulaya go'aandii Golaha Wasiirada IGAD.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in doodo kululi ay ka dhex socdaan mudanayaasha baarlamaanka ee iyagu ku kala duwan fikirka iyo go'aan ka qaadashada qodobada horyaal golaha; waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda cod loo qaadi doono qodobka ah halka ay xukuumaddu saldhig ka dhigan doonto inta laga sugayo amniga caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

 

Shirka ayaa waxaa gudoommiyey ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa; iyada oo sida la xaqiijiyey aanu shirka ka soo xaadirin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Md. Shariif Xasan Adam oo la sheegay in uu aanu raali ka ahayn in uu qabsoomo fadhiga goluhu, sidaa darteedna uu ku go'aansaday in uu bannaanka ka joogo fadhiga golaha ee maanta.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: 141 Mudane ayaa u Codeeyey in Xukuumadda FKG Somaliya ay Fadhiisin ka Dhigato Baydhabo & Jawhar

- Wednesday, May 11, 2005 at 18:37

 

Nairobi(AllPuntland)- Dood dheer oo u muuqatay in aan laysku mari doonin kadib, waxaa saacado ka hor golaha baarlamaanka Somaliya ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Geedi ay si ku meel gaar ah fadhiinsimo ay ka hawlgasho uga yagleesho magaalooyinka Baydhabo & Jawhar ee Koonfurta Somaliya; muddadaas oo labada gole ee dawladda ay tahay in ay u hawlgalaan sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimada Somaliya, loogana saari lahaa hubka iyo dablayda kala taabcsan hogaamiye kooxeedyada ka arimiya Muqdisho.

 

Tani waxaa ay ayidaysaa go'aankii golaha wasiirada xukuumada FKG Somaliya ay maalmo ka hor ku ansixiyeen isla qodobkan.

 

Muran badan oo ka dhashay in qodobkan loo codeeyo iyo in kale ayaa dhaliyey in Ra'iisal Wasaare Geedi uu ku adakaysto in labada qodob ee uu soo hordhigay golaha baarlmaanka sida ay yihiin loogu codeeyo. Xubno ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka oo iayagu soo jeediyey in dib loo dhigo cod u qaadida qodobkan ayaa ku celceliyey in aanay munaasib ahayn in labada qodob isku fadhi loogu codeeyo, ayna tahay in la kala qaado labada qodob, sidaa darteedna ay tahay in fadhi kale uu goluhu isugu yimaado, una codeeyo qodobka ku saabsan ka hawlgalka xukuumadda ee Baydhabo & Jawhar.

 

Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa khudbad uu u jeediyey golaha baarlamaanka ku bayaamiyey sababaha ay la tahay in mudnaan la siiyo u codaynta labada qodob ee uu hor keenay golaha wakiilada, isla markaana ka codsaday mudanayaasha goluhu in ay qadariyaan codsida golaha wasiirada.

 

Iyada oo ay u muuqatay in aan laysku mari doonin u codaynta iyo dib u dhigista codaynta ayaa waxaa shirka ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dawladda FKG Somaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed oo halkaasi khudbad uu kula hadlayo xildhinaanada federaalak Somaliya ka jeediyey, kana codsaday in gahayrnimo iyo dhabar-adayg siyaasadeed la mujiyo, lagana gudbo laactanka shakhsiyadeed iyo is-fiirsashada, loona gudbo weji danayn aayaha ummadda iyo danta qaranka.

 

"Kuligeen waxaa inala gudboon in aan u caqli celino xubnaha qaldan ee inaga midka ah. Hadii ay arintu taagan tahay in aynu kala doorano qof iyo qaran, waxaa waajib ah in aynu doorano qaran." ayaa ka mid ahaa hadaladii Md. Yusuf.

 

Sida uu ku soo waramayo weriyahayagu intii uu Madaxweynuhu khudbada jeedinayey waxaa xildhibaanadu si dhextaal ah u qaadayeen heeso wadani ah oo ay ka mid tahay heesta caanka ah ee "Somaliyey toosoo, toosoo isku tiirsada e, hadba kiina taag daran, taageera abidkiineey."

 

"Aan is weheshano walaalayaal" ayaa uu ku soo gunaanaday hadalkiisii, halkaas oo deetani hoolkii shirka oo dhami uu sawaxan hal mar is qabsaday iyada oo xildhibaanadu ay qaadayeen heesta "Aan is weheshano walaalayaal, aan is gacan qabano walaalayaal".

 

Intaa ka dib ayaa waxaa bilawday codaynta qodobka labaad ee ah in xukuumaddu ay si ku meel gaar ah fadhiisimo ay ka hawl gasho u yagleesho Baydhabo & Jawhar.

 

141 mudane ayaana sidaa ugu codeeyey in xukuumada FKG Somaliya ay ka sii hawlgali karto Baydhabo iyo Jawhar inta laga sugayo ammaanka Muqdisaho, halka hal xildhibaana uu ka aamusay.

 

Sidaa ayaanad moodaa in lagaga gudbay carqalad aad u adkayd oo bilihii la soo dhaafay ay la farganayeen xubnaha labada gole ee dawladda FKG Somaliya, keentayna in ay fikir ahaan aad u kala fogaadaan labada gole.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyey in dalka la keeno Ciidamada Yugandha iyo Sudaan

 

Nairobi :- Baarlamaanka Soomaaliya ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ayaa saacad kahor cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in dalka la keeno ciidamada IGAD ee Yugandha iyo Sudaan.

 

Xildhibaano gaaraya 152 ayaa maanta isugu yimid Nairobi, kadib hakadyo soo galay kalafadhigooda maanta oo ay ka horyimaadeen xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xassan.

 

Kala fadhigan ayaa waxaa Guddoominayey Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Kala-fadhigan ayey kasoo qeyb galeen inta badan Xildhibaanada Federaalka ayadoo uu kulankan ka maqnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan wax cudur daar ah soo dirin.

 

Sidoo kale xildhibaano gaaraya 118 xildhibaan ayaa ka maqnaa kulankan ayadoo intooda badan ay ku maqan yihiin dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Dooda Baarlamaanka ee maanta lagu dheeraaday ayaa ah labada qodob ee sida weyn khilaafka ugu dhex abuuray Baarlamaanka iyo dowlada.

 

Qodobka 1aad ayaa ahaa in la ansixiyo ama la diido Qoraalkii Wasiirada IGAD ee 17kii bishi Maarso ee lagu qeexay in dalka Soomaaliya la keenayo Ciidamo ka socda dalalka Sudaan iyo Yugandha oo matali doona ciidamada IGAD, qoraalkaasina waxaa ku qoran in dalalka safka hore ay ay kaalintoodu ku ekaan doonto dhanka saadka.

 

Qodobkan oo dood dheer ka dib cod loo qaadayey ayey taageereen 142 xildhibaan taasi oo ah Aqlabiyada Baarlamaanka oo laga rabay ugu yaraan 138 xildhibaan.

 

Xildhibaanada ayaa hada u gudo galay qodobka labaad ee laga doodayo ee ah Mooshin uu soo gudbiyey hogaamiyaha xukuumada Federaalka Ra'iisul Wasaare Prof.Cali Maxamed Geedi oo la xariira go'aankii Xukuumada ee ah in si kumeel agaar ah dowladu u degto magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo.

 

Dooda labaad ayaa weli socota ayadoo ay kala-fadhigan kasoo qeyb galeen xildhibaano si weyn uga soo horjeeda qorshaha dowlada Prof.Geedi walow si weyn maanta looga cod badiyey.

 

Wixii War ah oo kusoo kordha gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa Haduu Alle idmo

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Soomaaliya oo go'aamiyey in Dowlada ku hakato Baydhabo iyo Jawhar

 

Nairobi :- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo soo gebo gabeeyey kulan ay maanta ku lahaayeen magaalada Nairobi ayaa codbixintoodii labaad 141 xildhibaan si buuxda u taageereen in aan lagu hormarin magaalada Muqdisho.

 

Kala-fadhiga Baarlamaanka oo maanta ka dhacay Nairobi oo ayna kasoo qeyb galeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa isla maanta lagu ansixiyey mooshin kale oo qorayey in Ciidamada Yugandha iyo Sudaan ee IGAD la keeno dalka Soomaaliya.

 

Mooshinka labaad oo hada lasoo xiray ayaa ahaa mid uu soo gudbiyey Rá iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo sheegay in xukuumadiisa go'aansatay in dowlada ay kusii hakato magaallooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta la sugayo amaanka magaalada Muqdisho.

 

Mooshinkan ayey si qoto dheer uga doodeen 152 xildhibaan oo ayagu maanta kasoo qeyb galay kala-fadhigan uu guddoominayey G/kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xildhibaan Prof.Maxamed Cumar Dalxa.

 

Sida ay HorseedNet u xaqiijiyeen qaar kamid ah xildhibaanada shirkan ku sugan ayaa sheegay in 141 xildhibaan ayaa si buuxda u taageereen mooshinkii 2aad ee dowlada ayadoo codbixinta labaad ay tahay guushii labaad ee Xukuumada Prof.Geedi uga soo hooyatay kala-fadhigan muranka uu ka taagan yahay.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan oo hada ku sugan hoygiisa magaalada Nairobi ayaa sheegay in go'aanadan ay yihiin kuwo aan waxna ka jirin oo aan sharci ahayn.

 

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey sababta uu u diiday in horey kulankan u dhaco ayaa sheegay in shalay uu soo saaray qoraal qoraya in kala-fadhiga la qabanayo 17ka bishan May.

 

Guddoomiyaha oo iska fogeeyey in uu caqabad ku yahay hawlaha dowlada iyo kulamada Baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in Prof.Dalxa oo ah kuxigeenkiisa uusan guddoomin karin shir uu asagu raali ka ahayn.

 

Md.Shariif Xassan ay ku adkeysanaya in 17ka bishan uu dhici doono Kala-fadhiga Baarlamaanka ayadoo arrintani ay tahay muran dheer oo soo jiitamayey balse hada maraya heerkii ugu sareeyey.

 

Beesha Caalamka oo ayadu waday dhex dhexaadinta Hogaamiyaasha dowlada Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ayagu ka qeyb galay kulankii maanta lagu ansixiyey labada mooshin oo ay xukuumada soo gudbisay taasi uu eg in ay IPF-ta ka daashay diidmada qayaxan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diiday in wax shir ah la qabto inta ay maqan yihiin hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha oo maanta ka hadlay kulankan ayaa iska fogeeyey warar sheegaya in uu doonayey in kulankan la qabto 17ka bishan si markaasi uu dib uga dhaco kulanka lagu wado inuu dhexmaro Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa horey loo sii saadalinayey in uu u bixi doono magaalada Addis abab hadii mooshinadan ay ansixiyaan xildhibaanada.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Wind, why you always think about war, no one wants war in Somalia.

 

Mogadishu -Somalia's capital- is not safe, all Somali governments since 1991 including Arta government failed because of Mogadishu, Mogadishu needs a lot of work.

 

The incident of May 3, was apparent attempt to assassinate Somalia’s Prime Minister Ali Ghedi, therefore it is absurd to suggest the new somali government should relocate Mogadisho at this time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ Long time coming. WAR might happen, but at this moment I have a big doubt that it will. Lets refelct on today and the simple truth, the Parliment by a good marjin and following its own rules has endorsed the plans of the government.

 

The talk of a split or a majority in Xmar has evaporated. Another key point is that there was no chair throwing or fighting as well as no Sharif and warlords a coincidence, perhaps. :D

 

Diinaari interview Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah oo u coddeeyey inay Dawladdu ku sii shaqayso Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar

Posted to the Web May 11, 19:42

 

 

Nairobi:-Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee kulankoodii maanta uga doodayey barnaamijkii Xukuumadda FKMG ah u soo gudbisay ayaa waxay gabagabadii u coddeeyeen inay Dawladda FKMG ah ku sii shaqayso si ku meel gaar ah Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta laga xasilinayo Muqdisho,iyadoo 141 Xildhibaan ogolaadeen inay ku sii hakato Magaalooyinkaas,waxaana ka aamusay hal Xildhibaan,wuxuuna kooramku ku furmay sida uu ku dhawaaqay Dalxa 152 Xildhibaan.

 

Kulankaas oo daqiiqado ka hor soo gabagaboobay ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa oo isagu kulanka maanta shirgudoominayey,isagoo ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriayda FKMG ah inuu ku dedaalo sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Xubnaha labada Gole ee isafgaranwaagu ka dhexeeyo.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah oo labadu khudbado dheer ka jeediyey markii uu soo afjarmay coddeyntii baarlamaanka dib ayaan idiinku soo gudbin doonaa,iyadoo faaahfaahasan,wuxuuna kulankaasi ku soo irdo xirmay heestii calanka oo si wada jir ah loo qaaday iyo waji farxad ka muuqatay Xildhibaanadii iyo Madaxdii kale ee halkaasi ku sugnaa,hase yeeshee Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan ayaan ka soo qaybgalin kulankii baarlamaanka ee maanta,isagoo si toos ah u qaadacay inuu ka qaybqaato,iyadoo sidoo kale ay jireen Xildhibaano ku sugnaa Nairobi oo aan iyaguna imaanin shirka baarlamaanka.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Can they beat Col Yeey in war? Remains to be seen..

Odayga waaba kasii badisay Wind, see waaye? icon_razz.gif Absaloutely without any political skills is all I have to say of the old man, and his advisors? Magacoodaa dheeraaday maahaane ee waxay siyaasad ka yaqaanan baa iska yar. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

Absaloutely without any political skills is all I have to say of the old man, and his advisors? Magacoodaa dheeraaday maahaane ee waxay siyaasad ka yaqaanan baa iska yar.
smile.gif

That could be the case only if politics remain as the affairs of organized society. But if it's the art of taking advantage of the opportunities that exist, then the old man is not known to be without skill and he might’ve indeed scored a goal!

 

One thing is for sure though: war is in the offing. So let’s pray that this time only the deserving and wicked souls perish and burn in its hell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

103 Xildhibaan oo Keenya Ka Maqan+ 51 Xildhibaan oo Diiday + 152 Shirka Ka Qayb Galay & 275 Xildhibaan oo Baarlamaanka Ka Kooban Yahay.

 

Horta Xubnaha Baarlamaanka ma ayadoo Soomalidu ogayn ayaa waxaa lagu soo daray xildhibaano cusub , mise xildhibaanada shirka ka qayb galay ayaa labadooda gacmood ku codeeyay , mise waxii la rabaa Soomaalida laga dhaadhicinayaa maxaa yeelay tiradaas kor ku qoron way ka badan tahay tirada Xildhibaanada ; hadaan yara iloowno tirada meesha ka soo qayb gashay iyo sharciga shirkii ku dhacay , waxaa fiicnaan lahayd hadii Cabdulaahi Yuusuf rabo in uu ku daydo Kaligiis u taliyaasha Afrika badankooda ka taliya oo ku dhawaaqo in ay doorosho jirta laakiin kaligood doorashada ka qayb gala , doorasha ka bacdina yiraahda 100% ayaa madaxwaynaha la doortay , kaligood u taliyaashaas waxay leeyihiin quwad ay dadka ku maquunshaan , marka Cabdulaahi Yuusuf waxaa ku haboonayd marka hore in uu quwadaysto ka bacdina waxuu rabo sameeyo; laakiin Su'aasha meesha taala ayaa ah Soomalidu ma yeelaysaa ????.

 

Geedi oo hawgabnimo ay ku dhacday ayaa waxaa u roonaan lahayd In uu is casilo maxaa yeelay ma laha Garasho Siyaasedeed oo uu wax uga qabto Siyaasada Soomalidu ku jirto xiligaan waxaana isaga qaldamay Geedi inuu yahay Rasal Wasaare iyo in uu yahay Afhayeenka Cabdulaahi Yuusuf , marka inta yar oo sharafta oo u harsan intay dhumin waxaa fiicnaan lahayd in uu xilka iska wareejiyo maadaama uuna lahayn karti uu ku hor istaago cabdulaahi Yuusuf uuna ku dhaho Xakuumadaan anigaa ka taliya adiguna waxaad tahay Garsoore loo doortay in uu u kala gar qaado xakuumada iyo Golaha Baarlamaanka , marka hawshayda ha soo fara galin bal fiiri sida Sharafta Mudan uu Godoomiyaha Barlamaanka u ilaashaday qaybtiisa uga aadan hawsha loo doortay iyo siduu uga diiday in Madaxwaynuhu sidii nin kaligiis ka taliya dawlada in uu ku tunto sharcigii u degsanaa Dawlada , haduusa Madaxwaynihii iyo Raysal Wasaarihii Xukunkii Jajibiyeen siday uga sugaayaan dadwaynaha Soomaaliyeed in ay sharciga ilaaliyaan , mise waxaa ka dhaadhacsan in ay sida kaligood u taliyaasha Afrika uu diiday in ay Horu mar gaarto , oo inta yar oo deeq soo gashana qaar dhigta Bankiyada Dibadaha, qaarka kalana ku gata hub ay ku maquuniyaan ama ay ku xasuuqaan shacbiga oo awooda lahayn oo isku haysta in ay sharciga ka koreeyaan ay la mid yihiin . Geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf waxaa haboon in ay ogaadaan in Soomalidu sidii hore ay ahayn , ayna cid ka yeelayn in la jajuubo sida ka jirta dawlado badan oo afrikaan ah , Soomalidii ulo iyo tooray ku dagaalamaysana ayaa dawladii hore ay ka guulaysatay , maanto oo ay barteen sida xabadaha loo gamo iyo macaanka xoriyada leedahay ma u malaynaysaa in intaad tarabuunka tagto laguu qaadaayo soo dhawoow aabo Cabdulaahi oo saad rabto aad wax ugu taliso taas waa dhalanteed kugu jira ee runta inkastoo ay mararka qaarkood ay qaraar tahay hadaad ka wareegto waxba kuuma suurto galayso .

 

Anigu Cabdulaahi Yuusuf lama yaabini laakiin waxaa wax laga xishoodo ah , in kuwa isku sheegaaya in ay yihiin Saxuufiyaan oo meelaha wararka ku soo qore , inay rabaan in ay dadwaynaha ka dhaadhiciyaan si indho sarcaad ah in ay 103+51+152=275, ma xuma in uu qofka qabo fikrada ama siyaasad ahaan uu koox taageero , sida u qoran xeerhosaadka suxuufiyiinta ay ku shaqeeyaan ayaana ku qasbeen in Saxuufiga dhexdhexaad noqdo hadii uu ka qoraayo laba kooxood oo siyaasad ku kala duwan , laakiin waxuu xeerhosaadkaas sheegayaa in uu suxuufiga runta sheego , maadaamo uu suxuufiga yahay qof bani'aadam oo leh dareen , fikrad gooni ah , dano gaar ah , fikradkala takoor ay Soomalidanu ugu darsantay Qabiilaysi cdi sugaysa ayaa jirin in Saxuufi Soomaliyeed uu Boqolkiiba boqol dhexdhexaad noqdo , marka arinta haday heerkaas marayso waxay soomalida ay xaq u leeyihiin in loo sheego waxii runta ah haduu Saxuufiga rabo in dhinac u batana asagay jirtaa lakiin waxaa haboonin la ogaado in Been kasta laga dabo takaayo , waxii qayaamo Qaran watana mar aan dheerayn in loo qaadi doono SAMO DIIDOO DABINBAA KUU DHIGAN LAGUGU DILI DOONEE marka waxaan sugnaaba waa meeshay hawsha ku dhamaan doonto , waxaana u malaynayaa in Soomali kasta waajib saaran yahay in uu ilaaliyo jiritaanka magaca Soomaliyeed , loono ogolaan in Soomaliya dib loo gumaysto GEERIDU WAXAY DHIBTAA NIN DIBAD KA YIMID .

 

Waad Mahad San tihiin.

A.N.Gelle

agelle@shaw.ca

 

 

Ku noqo beejka

 

 

-----------------------------------------------

 

Hey the mahbar really thinks he can outsmart people. 103 mp's who are in Somalia, 51 mp's in kenya who said they didn't participate in the voting, and 152 mp's who supposedly voted in favor of the president. 103+51+152= 306 and there are 275 members in the Somali parliment. Doesn't add up does it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I guess Dayniile maths add up huh :D Forget it son, the IGAD groups international community and even the BBC/SOMALI section were present at the historic moment when the Somali MP's defied the warlords. Mogadishu has only 50 Mp's they all met Geedi remember. Thats why Shariff was stuck in Nairobi not enough went to Xamar. As for the truth, the cabinet, president and parliment are united... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

If there is a war, count on it that people won't sit on the sidelines watching blood relatives die at the hands of someone considered an outsider with foreing troops. We all know the tribal mentality that dictates how issues are resolved in Somalia. It is always black and white and no colour in between. The war won't be considered between A/Y and Atto/Yalaxoow but an objective of something else. People will buy into any call of arms to stand against an invader with no purpose other than cause more mayhem than already is and will make themselves available for the ultimate battle.

 

Besides, Amxaaro and the so called foreign troops are such a big figure only on the minds of the delusional, to others who consider themselves the target, these troops will be an opportunity for a blessed war. The sad part about all these warmongering is setting back Mogadishu another ten years. I hope Mogadishu residents don't let someone who doesn't care about them cause bloodshed among them and that they stand together facing valiantly anyone who calculated wrong and took their sentiments for nothing. IT IS GOING TO BE VERY PERSONAL FOR ALMOST EVERYONE IN XAMAR.

 

SOO MAAL.

 

Is there any other way we can interpret events other than a looming war? I am sure this will go beyond personalities in politics once the first bullet is fired. Whoever isn't thinking about that sure fact of people being aligned with their tribesmen is either someone who doesn't care about the results lying to themselves to sleep for hoping a victory that won't materialize, or they are mentally bankrupt. The ultimate medicine for a warmongerer is a hot bullet through the skull that sends him to the grave as such fact manifested in Aidid Sr's death. And that is the fate which awaits every warmongerer who doesn't understand he can't win a war by attacking others when they don't see him anything but an outsider, a threat to their being. A/Y should quit because he has no mandate to wage a war against Xamar. he wasn't elected to warmonger.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this