Sign in to follow this  
General Duke

A/Qaybdeed takes over lower Mudug: Courts cry out Ethiopia

Recommended Posts

CAbdi Qaydiid oo maxaakiimta ka qabsaday Bandiiradley iyo G/soor

 

 

B/diiradley/G/soor:-Wararka hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in tuulooyinka Gelinsoor iyo Bandiiradley uu maanta gelinkii danbe qabsaday Col Cabdi Qaybdiid, oo dhowaanahba ciidama urursi u joogay gobolka Mudug.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu billowday abaarihii 1da duhurnimo xilliga Soomaaliya waxana la sheegay inuu dagaalka oo dhex maray Ciidanka Qaybdiid iyo maxkamadda Al-furqaan oo hoostagta Maxaakiimta islaamiga, oo ayaantaanba ku sugnaa tuulooyinka G/soor iyo B/diiradley, iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay nadaamka maxaakiimta ay geeyaan magaalada Gaalkacayo.

 

Dagaalka oo aan faah faahin dheeraada laga hayn ayaa la caddeeyey in lagaga awood roonaday Ciidaanka Maxkamadda Alfurqaan, lagagna qabsaday saldhigyadii ay ku lahaayeen tuulooyinka Gelinsoor iyo Bandiiradley.

 

Khasaaraha dagaalka weli lama hayo, waxaase in dagaalku qabsaday qirtay wadaadka hogaamiya maxkamada Al-furqaan oo lagu magacaabo Cagaweyne, waxaanu ku sheegay inay soo weerareen Cabdi Qaybdiid oo wata Ciidamo Puntland ah iyo kuwo Ethiopian ah.

 

Sheekh Cagaweyne ayaa la asheegayaa inaan hadda si rasmi ah loo ogayn halka uu ku sugan yahay, waxaase wararka qaar sheegayaan in loo soo riixay dhanka degmada Caddaado.

 

Wixii faahfaahin kala soco waayaha.com

 

Xarunta wararka Waayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAALKACYO: Dagaal ka dhacay Degmada Bandiiradley iyo ciidammada Maxkamadaha oo xoog looga saaray halkaas

Posted to the Web Aug 22, 17:46

 

Gaalkacyo (PP) - Wararka ka imaanaya Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa daboolka ka qaadaya in degmada Bandiiradley ee gobolkaas ay dagaal kula wareegeen ciidammo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo kuwo uu hoggaaminayo Col. Cabdi Qaybdiid.

Dagaal la sheegay inuu sababay labada dhinac ee Maxkamadaha iyo Dhanka kale ee isbahaystay, waxaana la sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen in ku dhow 3-ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la qeexin.

 

Afhayeenka Maxkamadaha ee Gobollada dhexe Maxamuud Maxamed (Cago-weyne) ayaa u sheegay saxaafadda in ciidammadooda ay haatan ku sugan yihiin deegaan ka sokeeya Bandiiradley isla markaana lala wareegay Degmada Bandiiradley, waxaana uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u culus.

 

Degmada Bandiiradley ayaa waxaa dhawaan gaaray ciidammada Maxkamadaha isla markaana waxay ka sameeyeen howlo ay ku sugayaan ammaanka sida ay sheegeen, waxayna ku eedeeyeen dagaalka maanta looga qabsaday Degmadaas inuu mas'uul ka yahay Col. Cabdi Qaybdiid oo horay looga eryay Muqdisho.

 

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Maxkamadaha looga awood badiyo Gobollada dhexe, mase jirto wax caddeynaya inay dib ugu laabtan doonaan Bandiiradley oo ka soo baxay Midowga Maxkamadaha Muqdisho.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho

E-mail; puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyaad taabacsan Cabdi Qeybdiid iyo maamulka puntland oo la wareegay gacan ku haynta Degaanka Bandiiraley ee gobolka Mudug.

 

MudugNet, Muqdisho.Talaado, August 22, 2006.

 

Afhayeenka Maxkamada islaamiga ee Al-furqaan Maxamed Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) ayaa sheegay in maleeshiyaad taabacsan Cornel Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo maamulka Puntland ay maanta la wareegeen gacan ku haynta Degaanka Bandiiradley oo 60 dhinaca Koonfur kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

 

Cagaweyne oo ku sugan Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamadoodu iyo kuwa qabsaday degaanka Bandiiradley saakay uu isku horimaad ku dhex maray halkaasi,haatanna Ciidamada maxkamada Al-Furqaan ay ku sugan yihiin Tuulo 10km u jirta Bandiiradley.

 

Dhawaan ayaa Ciidamo ka socda maxkamada islaamiga Al-furqaan waxa ay tageen Degaanka Bandiiradley, balse dib uga soo laabtay markii ay rabshado kala hor yimaadeen dad diidan maxaakiimta islaamiga.

 

 

Colaad Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda maamul goboleedka Puntland oo qabsaday deegaanka Bandiiradley.

 

August 22- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia

 

Afhayeen u hadlay midowga maxaakiimta Islaamiga ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan maamul goboleedka Puntland ay qabsadeen deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug.

 

Maxamed Maxamuud Jimcaale Caga weyne oo ah Afhayeenka midowga maxaakiimta Islaamiga ee gobolada dhaxe ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in ciidamo wato 43 tikniko ah oo isugu jiro ciidamo Itoobiyaan ah kuwa ka yimid maamul goboleedka Puntland iyo kuwa taabacsan Col. Cabdi Qeybdiid oo xubin ka ahaa isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada ay maanta soo gaareen magaalada Bandiiradley iyagoo halkaa gacan ku heynteeda la wareegay.

 

Maxamed Maxamuud Jimcaale Cagaweyne Afhayeenka midowga maxaakiimta gobolada dhexe waxa kale oo uu intaas ku daray in ciidamada maxaakiimta Islaamiga sahankooda iyo ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa maamul goboleedka Puntland sahan ka socday ay isku dhaceen agagaarka deegaanka Bandiiradley.

 

Caga weyne waxa uu sheegay in maalmahan ay soo baxayeen in ciidamo Itobiyaan ah iyo kuwa ka socda maamul goboleedka Puntland oo taabacsan Cabdi Qeybdiid oo isagana halkaas maalmahan ka sameenayey dhaqdhaqaayo milatari ay sheegayeen inay soo gaari doonaan qeyba ka mid ah gobolada dhaxe ee Soomaaliya halkaas oo qeyba ka mid ah ay joogaan maxaakiimta Islaamiga.

 

Afhayeenka Maxkamadaha ee gobolada dhaxe ayaa intaas ku daray in Saddax iyo Toban ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa kale ee maamul goboleedka Puntland dib ugu laabteen Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay fariisin ka sameysteen.

 

Maxamed Maxamuud Jimcaale Cagawayne waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay il gaar ah ku eegaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada Itoobiyaanka ka wadaan gobolada dhaxe ee Soomaaliya waxa uuna intaa ku daray in ciidamadaas ay doonayaan inay u soo dhaqaaqaan qeyba ka mid ah gobolada Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A/Qaybdeed takes over lower Mudug: Courts cry out "Ethiopia"

 

These guys are really using the Ethiopia card way to much.

 

To them EthiopiA is everywhere!

 

How long did the Courts think they were going to say in Mudug?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybdiid is using the Clan card, he knows he lost in Muqdisho and went back to his own very close kinsmen's land to form some sort of support and win the headlines once again, a message to the Somalis in general and in particular to Moqadisho pple that he's still running things, alive and kicking.

 

His actions are inappropriate and uncalled for, Cowardise and lacks all manner's, silly old thug yet again creating havoc amidst his own pple, well what can you do about it, Its called clan card in its original sense and better yet at the heart qabiil teritory.

 

God Bless Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I like the way you summarised it. Nicely put. The clan thing is terrible, Xasan Dahir defends the thugs in lower Shabbele becaue of clan. He rushed to Galkacyu 700 KM away and then avoided the issue which was 30km in Afgoye.

 

The same reason the clan court does not touch Inda Cade and A/Qasin is singing like a canarie...

 

Also funny how Xasan Dahir moved back to Mogadishu as soon as A/qaybdeed started making noise...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ You are right this is just a repeat of the past... Somali ain't going forward anytime sooner, the news of yesterday continues or rather a decade ago back on the headlines again read as the breaking news of the time, guess what I know all about, Oh I don't posses divine powers but read them before...

 

Tomorrow never comes, ooh will it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ooh What? Girl what did you just say! Wanker aah? do you know him personally? You are Mod?? bal ha i xirin bliis...

 

I think thats just nasty word :D at least in this side corder of the world little England or rather Great Britain...

 

Im just laughing ...... hehe hehehe hah No ain't happy just amused... I like that courage thou

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Rahima:

This wanker needs to be shot!

Which one , Sheikh laso gamey (sharif), Aweys. Indhacadee, or Qeybdiid.

 

'wanker' strong word coming out from a women's perspective.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Maybe she was reffereing to u.

 

Clan this and like clan that .. Com on dudes is the likes of you lot that beleive in Clan this you go blue and black, give it a rest will ya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Hizb_UK:

^^ Maybe she was reffereing to u.

But you are a living proof that am not one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this