Sign in to follow this  
miles-militis

Is it the minister and his vice-president, or the pilot that is on the wrong here?

Recommended Posts

There clearly exists an overlap of duties between the ministry and the department at conflict here, but I must admit the pilot “Xaaji Dhagax” is on the right here since the minister in charge and the vice-president both of whom seem convinced that he should vacate his post seem unacquainted with the nature of the work that is being undertaken. Segregation of duty to prevent collusion, teeming and lading is one thing, but clear obstruction of carrying out one’s duty is another altogether. Yes, you could sack an officer of the ministry, but his replacement to oversee the continuation of the maintenance work ought to be appointed and should be in place to assume his/her responsibilities instantly.

 

././

Garoowe, (Yamayska)- Waraysi: Waraysi Duuliye Sare Xaaji Dhagax - 09 July 2003 , 12:28

 

Wargayska Yamayska ayaa shalay waraysi la yeeshay aggaasimha guud ee hay'adda duulimaadka rayidka D/G/Puntland Maxamuud Xaaji Cilmi “Xaaji dhagax” kadib markii uu dhawaan madaxwayne-ku-xigeenka Puntland shaqadii ka joojiyay, Waraysiguna wuxuu u dhacay sidatan:

 

Yamayska: Xaaji waxaa Dhawaan nasoo gaartay in uu Madaxwayne-ku-Xigeenka D/G/Puntland soo saaray qoraal uu shaqada kaaga joojinayo adiga, marka arrintaas ka waran?

 

Xaaji: Raadiyaha ayaan ka maqlay in hawshii la iga joojiyey, si foolxunna waa loo sheegay, hase ahaatee sida loo sheegay ma ahan si uu kusimaha Madaxweynuhu raali ka yahay. Aniga intii aan hawsha la iga joojin waxaa la joojiyey hawshii aan hayey, Airporka Gaalkacyo waxaa ka socotay hawl dayactir ah waxaana hawshaas waday nin Engineer ah oo aan ka keenay Nairobi iyadoo Garoonka ay waxyeello u geysteen roobabkii mihiigaanka ahaa ee da'ay, sida aad la socotaan Garoonku wuxuu xirnaa mudo dhan 72 Saacadood Diyaaradihii soo aadi lahaana waxaanu u weecinay Boosaaso, kadibna hawl xoog leh ayaa laga qabtay Garoonka, Airporkii dibbuu u furmay kadibna waxaa dhacday in annagoo hawshii kusii jirna la joojiyo.

 

Yamayska: Marka shaqo ka fariisintaas waad aqbashay oo xafiiska kama shaqeysid miyaa?

 

Xaaji: Warqadda Shaqo ka fariisinta kusimaha Madaxweynaha mar walba waa sharci, haseyeeshee waxa ay arrintu tahay inuu dacweeyey wasiirka hawlaha guud iyo Gadiidka, een marka Wasiirka Hawlaha Guud iyo Hay'adda Duulista Rayidka shaqo ka dhaxaysa ma jirto… digreeto uu madaxweynuhu soo saaray ayaa qeexaysa sida aanu shaqada u kala leenahay, warqaddii ugu danbaysay ee uu soo saaray madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa ku qornayd in hawsha Wasaaradda Hawlaha Guud ay tahay hawlaha guud, tamarta iyo macdanta,wax kaloo degreetada ugu qoran ma jiraan, balse waxay ka samri waayeen ka goynta nalaka gooyey, qab-qabsi iyo shido marna nagama aysan daynin, shir iyo madal loo dhan yahay ayuu madaxweynuhu ka caddeeyey in hay'adda duulimaadka rayidku madax banaan tahay, qoraal ayuuna i siiyey uu igu amrayo inaan hawlo ka fuliyo Gobolllada, mana joojin karo hawshii la igu amray, haddana waxaan diyaar u ahay inaan tixgaliyo degreetada kusimaha madaxweynaha.

 

Yamayska: waxaad sheegtay in shaqadii dayactirka ee ka socotay garoonka Gaalkacyo la joojiyey, yaa joojiyey?

 

Xaaji: waxaa si dadban u joojiyey wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Mudane: Axmed Maxamed Cigaal, haseyeeshee maalmaha soo socda dib ayaanu u bilaabi doonaa haddii Alle idmo.

 

Yamayska: see ku bilaabaysaan mar dhow, ma amar Dawladda ka imaanaya ayaad ku bilaabaysaan mase idinka ayaa iskiin u bilaabaya?

 

Xaaji: haddii cidii hawsha iga joojisay aysan meesha imaan oo aysan hawsha igala wareegin, hawshu joogsan maysee waanu wadaynaa?

 

Yamayska: taas macneheedu soo ma ahan inaad iska indhosaabaysid degreetadii uu madaxweyne-ku-xigeenku shaqada kaaga joojiyey, oo waxaad leedahay shaqeydaydii ayaaan caadi usii wadanayaa?

 

Xaaji: Haddii shaqada lagaa joojiyo waa in xilka lagaa wareejiyaa, haddii lala wareegi waayana hawshu way soconaysaa

 

Yamayska: Waxaad sheegtay in waaxdaadu ay ka madax banaan tahay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka maxay tahay sideedaba, sababta uu wasiirka hawlaha guud iyo Gaadiiku u joojinayo hawshiina? Hadday arrintu sidaas tahay?

 

Xaaji: waa arrinta lala yaaban yahay ee khal-khalka galisay hawshayadii waana caddahay oo Madaxwaynaha ayaa caddeeyey inay hay'adani ka madax banaan tahay Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka?.

 

Yamayska: Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu ka mid yahay wasiiradda kasoo jeeda Gobolka Mudug, isaga ayaadna sheegtay inuu joojiyey dayactirkii ka socday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, marka adiga ma waxaa shaqada lagaaga joojiyey maxaad u dayactiraysaa Garoonka Gaalkacyo?

 

Xaaji: Haah, meesha waxa la isku hayaana waa dhaqaale, iyo adigu maamulimaysid ee anigaa maamulaya, aniga dhaqaalaha Airporkaas kasoo baxa Shirkadaha isticmaala Garoonka waraaqo ayey isoo qoreen ay iigu hambalyeynayaan hawsha weyn ee aan ka qabtay Garoonka, laakiin hambalyadaas waxaa mudan Eng. Musse oo Nairobi ka yimid, oo Garoonka Hawl weyn ka qabtay.

 

Yamayska: maadaama waxa la isku hayo ay yihiin dhaqaale iyo cidii maamuli lahayd, Garoonka Gaalkacyana uu dayactir u baahan yahay, isla markaana aad ka mid tahay masuuliyiinta dalka iyo dadka xilku ka saaran yahay, ma laga yaabaa inaad hawshaas Dawladda uga tanaasusho?

 

Xaaji: haah, haddii ay noo yimaadaan oo shaqada nagala wareegaan anigu diyaar baan u ahay inaan ku wareejiyo shaqada.

 

Yamayska: Hadda maxaa kuu qorshaysan oo aad ku dhaqaaqaysaa?

 

Xaaji: Hawshaydii ayaan halkeedii kasii wadanayaa ilaa la yimaado oo la igala wareego.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Pilot Xaaji Dhagax is a man doing his duties. I don't understand why Axmed Maxamed Cigaal is undermining the pilot's work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this